Duqii Caasimadda Soomaaliya, Muqdisho ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii ay xagjirta xafiiskiisa kula beegsadeen.
July 24, 2019 ayaa Inj. Cabdiraxman Omar Cusmaan –Yariisow, diyaarad looga qaaday magaaladda Muqdisho. Wuxuu Eebe oofsaday kol dhaawiciisii la tacaalayeen dhaqaatiirta isbitaalka Dooxa ee dalka Qadar (Qatar).
Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo u tacsiyaynayay qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ayaa yiri “Waxaa lagu xasuusan doonaa sidii hagar la’aanta ahayd ee uu ugu khidmeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, iyo dadaalkii uu geliyay horumarka magaalada Muqdisho iyo la dagaalanka argagaxisada oo uu ka qaatay dowr muuqda.”
Warbaahinta ayaa shaacisay in qaraxa uu dhacay xilli uu xarunta ka socday shirkii Amniga ee Gobolka Banaadir. Ilaa hadda waxaa lala yaaban yahay sida loogu xaluushay ilaa afar bar baaris oo ka soo sokeysa xafiiska duqa.
Goobtaas, waxaa ku geeriyooday ilaa lix mas’uuliyiin oo laba ka mid ah ay ahaayeen guddoomiyeyaal degmo, halka ay ku dhaawacmeen ilaa sagaal kale ee uu duqa ka mid ahaa.
Cumar Maxamuud Mursal “Uno” oo ay ku wada koreen xaafadda Hodon (Valle del Nord), ayaa yiri “Cabdiraxmaan wuxuu ahaa weligii hoggaamiye, dad jaceel badan.” Wuxuu intaas raaciyay “aqoontiisa shaqsinimo ka sokow, wuxuu isku wareejiyay koox firfircooni, karti, aqoon iyo waayo aragnimo isku darsatay.”
Inj. Cabdiraxman Omar – Yariisow, wuxuu ahaa Duqii ugu horeyay ee aqoon iyo waayo aragnimo maamul-magaalo wayn (metropolitan city) isku darsaday, haddana ku dhashay Xamar.
Wuxuu degenaa 17 sanadood magaaladda London, halkaas oo uu ka soo shaqeyay dawladda Hoose, kana soo noqday “councillor for the Labour party,” intii u dhaxeysay sanadihii 2000 ilaa 2003.
Wiilkiisa oo arday ka ah “Queen Mary University – London” ayaa yiri, “maanta dadka reer Muqdisha waxay waayeen duqoodii magaaladda, anigase waxaa iga tegay aabahay. Ilaahay jannadiisa fardawsa ha ka waraabiyo” (The Guardian – August 1, 2019).
Werarkaas waxaa lagu waayay, guddoomiyeyaasha ka sokow, Qareen Xasan Sabriye oo khabiir ku ahaa shuruucda dulalka, kuna soo biiray dowladda hoose nus qarni ka hore markii uu ka qalan jibiyay dugsiga hindisaha iyo sahminta (Scuole Geometro).
Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Danjire Yamamoto iyo hawlwadeenadiisa oo ka tiiraansan ayaa twitter ku yiri, “Duq Yariisow, wuxuu ahaa lamaane (partner) wanaag badan oo aan ka daalin inuu u doodo dadka reer Muqdisho iyo Soomaaliya guud ahaan” (US Mission – Somalia, August 1, 2019).
Sidoo kale, waxaa halkaas ku baxay Dr. Cabdi Daahir Diiriye oo ahaa khabiir duqa magaalada kala taliya xiriirka hay’addaha QM, iyo Marxuun Cabdifatah Cumar Xalane oo hore u ahaan jiray afhayeenka magaaladda.
Wasiir Ku Xigeenta Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Talyaaniga – Emanuela Del Re, oo la hadlaysay hay’adda warbaahinta NOVA ayaa tiri, “Geerida Duqa Muqdisho si qoto dheer leh ayey ii xanuujisay.”
Intaas waxay raacisay in loo baahan yahay, “in la xoojiyo dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, si looga hortago in xajirka ay helaan dhul bacrisan ah.”
Inj. Yariisow iyo kooxdiisa, waxuu qorshahooda magaalada Muqdisho ahaa, inay dhisaan magaalo nabdoon waana taas tan keentay in waqooyiga xeebta Lido loo asteeyo degaanka safaaraddaha dalalka shisheeye.
Taariikhiyan, xeebta Lido waxaa hore u deganaan jiray safaarahada wixii ka horeyay 80yadii. Qorshahaas, waxay duqa magaaladda isku seegeyn Muuse Suudi oo ay xigaal ahaayeen, balse ku milkiyey sifo aan sharci ahayn, ama qanuunka hareer marsan, dhulkaasoo dan guud looga qaaday muwaadiniin hore.
Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire Ben Fender ayaa yiri, “Gacmaha ayaan isqabsan doonaa, si aanu u dhammeystirno shaqadii aad bilowday, Soomaaliyada aanu dhisi doonana waxay noqon doontaa xusuustaada ugu weyn.”
Ilaa hadda hay’adaha amaanka kama aysan soo saarin masiibada war rasmi ah, waxaase ku tiri ku teenta ku shaacday (baraha bulshada) inay ahayd haween qofka siday waxyaabaha ku qarxay xarunta.
Cigaal oo khabiir ku ah baariista fal dambiyeedka ayaa yiri, “weligeedba wax la filayo wax ka duwan ayaa baarista ka soo baxa.” Hay’adaha ammaanka waxay wadaan baaritaan ku aadan falkaas oo la filayo inay dib u faahfaahin doonaan wixii ka soo baxa.
Xagjirta ayaa sheegatay in qaraxaas lala maaganaa James Swan oo ah Wakiilka cusub ee QM u fadhiyo Soomaaliya. Ergega iyo hawlwadeenadiisa waxay kormeel ku yimideen xarunta Gobolka dhowr saacadood ka hore inta falka uusan dhicin.
Calanka Jamhuuriyadda ayaa 3 maalmood hoos loo dhigay inta lagu jiro baroordiiqda Guddoomiyaha. Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyadda Soomaaliya – Cabdinuur Maxamed Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri, “Geerida duqa magaaladda waxay noo [Soomaali] mideyneysaa inaan si wadajir ah ula dagaalano xagjirta.”
Dhanka kale, siyaasiyiin, iyo xildhibaano dhaliili jiray fulinta howl-maalmeedkiisa iyo qorshaha Injineer Yariisoow, ayaa hadda qiraya wanaagiisa iyo siduu masuuliyadiisa uga soo dhalaalay.
Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Khayre ayaa yiri, “waxuu ahaa nin qaran, dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa abaal weyn u haaya, sharaf iyo karaamo ayuu ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskiisaba u soo hooyay,” (Twitted Somali Prime Minister – August 3, 2019). Waari mayside war ha kaa haro!
Cabdulqadir Cariif Qassim
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.