Kenya: Sheegashada Badda Soomaaliya

Xisbiga “Jubilee” ee ugu aqlabiyadda badan Kenya, ayaa baarlamaanka horgeeyay mooshin ay ku doonayaa in dowladda awood loo siiyo, inay cudud ku daydo qadiyadda badda ay sheeganayaan.

Mowqifka Kenya, wuxuu muujinayaa inay gacan ku hayn guul sharciga waafaqsan iyo diblomaasiyad ku dhisan deris wanaag toona. Xaaji Cabdalla ayaa wargeyska ku yiri, “Soomaaliya dagaal ma doonato, mana diido.”

Maqaalku wuxuu bud-dhig u yahay doodda masiirka badda Soomaaliyeed, waxaana si kooban dib loogu eegayaa dhacdooyinkii sababay halka mas’aladu taal, si looga gudbo sheekooyinka khiyaaliga ah ee Kenya dalka ku soo qufeyso, dersina looga qaato sifooyinka halista ku ah dhowrista xuduudaha dalka.

Soomaaliya iyo Kenya, waxay Nairobi Abril 7dii, 2009 ku kala saxiixdeyn “heshiis is-af-garad ah – Memorandum of Understanding – MOU,” oo ujeeddadiisu ahayd in labada dal midkoodna midka kale uusan ka hor istaagin gudbinta dalabka qolfoofta badda.

Heshiiskaas, waxaa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Qorsheynta Qaranka ee Dowladdii Ku-Meel-Gaar ahayd, Mudane Cabdiraxman Cabdishakur Warsame, halka dowladda Kenya uu u saxiixay Wasiirkii Arrimaha Dibedda, Mudane Moses Wetang’ula.

Haddaba, su’aashu waxay tahay, maxaa dowlad meel-ku-gaar ah ku kalifay inay saxiixo heshiis?

Marka hore, Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalkii saxiixay Axdigii “United Nation Convention on the Law of the Sea – UNCLOS” wixii ka horeyey May 13, 1989, kuwaas oo wacad ku galay in dalabkooda qolfoofta badda u gudbin doonaan guddiga “CLCS” inta ka horeysa May 13, 2009. 

Dib oo looga dhaco ballantaas, Soomaaliya waxay ku muteysan lahayd in ay lumiso xuquuq dhul-badeedka, taasoo ay masiirkeedu yeelan lahayd hay’adda “International Seabed Authority – ISA.”

Oktoobar 2008, Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u fadhiyay Soomaaliya – Mudane Axmedou Ould Cabdallah oo fulinaya baaqii Xoghayaha Guud – Ban Ki Moon ee Jun 2008, ayaa diyaariyey macluumad kooban, si Soomaaliya aysan u lumi xuquuqdeeda. Baaqaas, wuxuu ahaa in dowladdaha horumaray ay gacan ka siiyaan kuwa soo-koraya oo aan awood dhaqaale iyo mid khibradeedba u laheyn dalbashada xuquuqda qolfofta badda.

Marka xiga, Desembar 16, 2008 Guddiga Amaanka ee QM oo la horgeyey warbixinta Wakiilka Xoghayaha Guud ee fadhigiisu yahay Soomaaliya, ayaa dib-u-akiday “Xushmeynta Qaranimada, Dhowrista Xuduudaha Dhulka, Madax-banaanida Siyaasadeed iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed.”

Xaqiijinta Qaranimadda buuxda waxaa wehliyay, in January 31, 2009 magaaladda Jabuuti lagu caleemo-saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee KMG – Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, kasoo February 14, 2009 Golaha Baarlamaanka Federalka ah u ansixiyeen in Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu u noqdo Ra’iisul-wasaare.

Ugu dambeyntii, Abril 5dii, 2009 Safiirka Norway u fadhiya Nairobi – Danjire Hans Wilheln Longva oo hore fartiin ugu soo dhiibay Wasiirka Kalluumeysiga, Mudane Cabdirahman Aadan Ibrahiim – Ibbi, ayaa socdaal laba maalmood ah ku yimid Muqdisho.

Safiirka oo la kulmay Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Ra’iisul-wasaare Cumar Cabdirashiid, ayaa u sheegay in dowladdiisa ay gacan ka siin doonto dalka Soomaaliya dalabka xuquuqda qolfofta badda.

Sidoo kale, wuxuu warbixin buuxdo siiyey Golaha Wasiiradda, oo ansixiyey “Mashruuca Dalabka Qolfofta Badda Soomaaliyeed,” (Jamhuriyadda – August 29, 2018).

Haddaba, su’aasha muddan in lays weydiiyo ayaa ah, heshiis dowlad ku meel gaar ah ay sixiixday oo aanan laga ansixin baarlamaan, ma noqon karaa “Axdi Caalami ah?”

Kolka hore, Kenya waxay u bareertay dabammaryaynta, iyadoo fileysa in sidaas uu ugu meel mari doono boobka badda Soomaaliyeed. 

Bilowgiiba, dadka Soomaaliyeed aad ayay uga carooday heshiiska Nairobi, meel kastoo ay wafuuda dowladda ku-meel-gaarka ah tagtana waxay kala kulmayeen muwaadiniin weydiineysa su’aalo kulul oo ku saabsan sharcinimadda heshiiska.

Kolka Xiga, Kenya waxey heshiiskii (MOU), si rasmi ah uga diiwaan gelisay xafiiska heshiisyada caalamka ee xoghaynta QM bishii Juun 2009, si uu u noqdo axdi. Taas, waxay kordhisay tuhunka ah in Kenya iyo Itoobiya oo wadajira ay saameyn ku lahayeen xitaa dib u dhaca qaraarkii August 1, 2009 ee Baarlamanka oo ka dhigayay heshiiskii Nairobi “wax aan jirin – null and void.”

Sida muuqata, Kenya waxay taageero khibradeed ka heshay khubaraada Xoghaynta “Commonwealth” oo ku xeel-dheer shuruucda badda.

Sidoo kale, shirkad Gardline Survey oo Ingiriis ah ayaa labo sanadood ka hor (November 2007), sahan “multi bean survey” ugu sameysay badda oo ay ku jirto aaga badda Soomaaliyeed ee ay sheeganeyso.

Oktoobar 10kii 2009, Ra’iisul-wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke wuxuu warqad u qoray Xoghayaha Guud ee QM, taas oo uu ku tifaftirayey mowqifka Soomaaliya ee xuduudda badda inuu waafaqsan yahay shuruucda caalamiga.

Ra’iisul-wasaaruhu wuxuu ka codsaday Xoghayaha, in Qaramada Midowday ay tixgeliyso go’aan Baarlamaanka Soomaaliya ee ka dhigayay heshiiska Kenya iyo Soomaaliya – wax kuma oolan (null and void).

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya, in Ra’iisul-wasaare Sharmaarke uu gacanta ugu dhiibay warqadda Wasiirkiisii Arrimaha Dibedda Mudane Cali Jamac Jangali, si gacanta looga saaro Mudane Ban Ki Moon amase loogu mariyo wadiiqo ku haboon. Hase yeeshee, QM si dhakhso ah ugama soo warcelin, taas oo kordhisay tuhunka mu’aamaradda Kenya.

Intay arrimahaas oo dhami socdeen, ayaa koox xildhibaanno Soomaaliyeed ah oo qaati ka jooga hab-dhaqanka dowladda, u direen Xoghayaha Guud warqad iyagoo ka codsanaya inuusan aqbalin heshiiska muranka badda ee ay diideen baarlamaanka August 1, 2009. Taas lafteeda, QM kama soo warcelin, lagumana soo qorin bogooda website-ka.

March 2dii, 2010 Safiirka Soomaaliya ee QM – Dr. Cilmi Axmed Ducaale, ayaa mar labaad u qoray Xoghayaha Guud, inuu tixgeliyo codsigii Dowladda Federalka Soomaaliya ee KMG ah. Markaas kadib, ayay QM ku soo qortay bogooda website-ka in heshiiskii uu yahay “Null and Void” (Inner City Press – March 15, 2010).

Ugu dambeyntii, Oktoobar 2011, Ciidamada Kanya ayaa ka soo tilaabeyn xuduudda Soomaaliya, ayagoo burburiyey hanti maguurta ah iyo nafleey.

Sida uu qoray “Foreign Affairs – 11/11/2011,” weerarka Kenya ay ku qaaday Soomaaliya ma aheyn mid looga hortagayo khatar, ee waxaa kiciyey [ugaarsiga khayraadka badda Soomaaliyeed], ujeeddo ciidan [awood sheegasho] iyo dhaqdhaqaaq siyaasadeed [faragelin].

Haddii aan soo koobno dabammaryaynta, Kenya waxay gacantogaaleysay kalsoonidii Soomaalida ee heshiiskii Abril 2009, kadibna riyadeedii u rogatay “heshiis xeerinaya soohdinta badda ee labada dal,” isla markaasna ku xadgudubtay xuduudda Soomaaliya.

La soco maqaalka dambe

Cabdulqadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

One comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s