Thursday, April 25, 2024
Home Dacwada Badda & Shidaalka Kenya: Ugaarsiga Kheyraadka Soomaaliya

Kenya: Ugaarsiga Kheyraadka Soomaaliya

Todobaadkii dhawaa, dowladda Kenya waxay baafisay inay olole diblomaasiyadeed ku qaadi doonto dalal ku yaal qaaradaha Afrika, Yurub iyo Bariga Dhexe, si codkooda ay ugu taageeraan mowqifkeeda ah, in khilaafka xuduudda badda lagu xaliyo wadahadal, Soomaaliyana ay dib ugala soo noqoto dacwada Maxkamada – ICJ.

Xeeladaas, waxay ka dhalatay socdaal qarsoodi ah ee uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku tegay dalka Imaaraadka Carbeed, isagoo raadinaya in uu helo dhegaha dadka awoodda leh (The East African – August 4, 2019).

War laga soo xigtay ilo wareedyo carbeed ayaa sheegaya wax u eg, in Mudane Uhuru Kenyatta, lala xiriiriyay saaxibada Amiirada Imaaraadka Carbeed ee fadhiya Washington.

Nairobi waxa walbahaar ku haya, in go’aanka Maxkamada ICJ uu cawaaqib ku yeelan doono shirkadaha shidaalka baara ee qandaraaska kula galay badda Soomaaliya. Waxay gacantogaaleysatay kalsoonidii Soomaalida, una rogtay isfahamkii Nairobi (2009), mid xeerinaya soohdinta cusub oo aan sal lahayn, (Jamhuriyadda – June 19, 2019).

Kenya waxay ku doodaysaa in xuduudeeda badda ay xagal-jiifto, lana xiriirto khadka (jiidinta) loo yaqaan “latitude.” Halka, Soomaaliya ay ku adkeysaneyso in xuduudeeda badda ay waafaqsan tahay qaanuunka xuduudaha baddaha ee caalamka, si toos ahna ula socoto teeda dulka, (Jamhuriyadda – August 29, 2018). 

Yuusuf Gaandi, oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika ayaa yiri, “Soomaaliya waxay noqtay bar xiiso badan leh, kadib markii gas laga helay Mozambique iyo Tanzania, Kenyana lagu sheegay shidaal yar.” Intaas wuxuu raaciyay in, “Khubarada jiyoolojida (geologist), ay rumeysan yihiin in meeshi gaas laga helo uu shidaalna ku jiro.”

Kenya waxay ogtahay xaqiiqada, sida ka muuqata war uu qoray wargeys ka soo baxay dalkeeda, “Marka la eego sharciga badda [caalamka], xuduudaha badda ayaa caadi ahaan loo jiheeyaa dhinaca xeebta, sida Soomaaliya ay dooneyso;” (The Star – August 14, 2019).

Haddana, soohdinta cusub, waxay filaysaa inay ku bililiqaysan karto dhul bad-jiif oo baaxadiisa lagu qiyaasay 100,000 kiilomiter oo isku wareeg ah. Shidaalka ceegaaga ka sokow, aagu wuxuu leeyahay kalluun iyo muhiimad ciidan, waana taas xudunta khilaafka labada dal. 

Ismaandhaafka, wuxuu sii kordhay markii dowladda Kenya, xuquuqda sahaminta iyo uruurinta dakhliga, sideed waxaad oo todoba ka mid ah ku yaalaan aaga Jamhuuriyadda Soomaaliya ay xaraashtay si sharci-darro ah, (The East African – August 25, 2012).

Cudud la’aanta iyo Kaydka shidaal lagu sheegay Soomaaliya, ayaa Kenya ku qaaday inay ugaarsato kheyraadka badda dalka, iyadoo 2012 si sharci darro ah shirkadda Eni Energy shati sahamin u siisay, waaxyada L-21, L-23 iyo L-24. Halka shirkadda Total ay siisay waaxda L-22 (Reuters – July 6, 2012).

War laga soo xigtay wargeyska Oil & Gas Journal ayaa sheegaya, in 2012 Total ay la gashay heshiis wax soo saar wadaag ah oo dhan boqolkii 40 shirkadda Anadarko Petroleum Corporation oo ka hawgaleysay waxaada L-5 tan iyo February 2010, (Oil & Gas Journal – June 27, 2012).

Martin Heya oo ah ‘Kenya Petroleum Commissioner,’ ayaa wakaaladda Reuters u sheegay, “inay saxiixeen 7 waxood hal todobaad gudahiis.” Intaas wuxuu raaciyay “in gorgortan ay kula jiraan waaxda L-25, shirkadda Statoil ee Norway, halka shirkad reer Qadar ah ay daneyneyso waaxda L-26 (Reuters – July 2, 2012).

Si kastaba ha ahaatee, muwadiniin Soomaaliyeed oo galangal ku leh ‘Transparency International’ ayaa ka digay in, “Shirkadaha shidaalka ku hawlan [Lamu Basin offshore] ay gebi ahaanba ku xadgudbeen kheyraadka xeebaha Soomaaliya, midnimad dhulkeeda iyo madaxbanaanidba;” (Afronline – August 28, 2012).

Marnaba Kenya kuma xisaabtamin, in isbedel ku dhaca siyaasadda Soomaaliya uu dhali doono tallo hoggaan wadajira, oo ka hor yimaad qorshaha ugaarsiga kheyraadka badda. “Doorashadii September 2012 ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, waxay dalka siisay aqoonsiga caalamka ka sokow, fursad cusub oo hoggaan,” ayuu yiri Cabdalla Jaylaani oo ka faallooda arrimaha geeska Afrika.

Maamulka cusub wuxuu dowladii KMG ahyad ka dhaxlay: (b) Kenya oo dhex jiifta beerka Soomaaliya (Jubaland), (t) qadiyaddii badda oo af madow (waxba laga ogeen), iyo (t) qolfooftii badda oo aan dalabkeedii la dhammeystirin.

Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu qaaday seddax tilaabood oo muhiim ah:

  • Wuxuu raadiyay khabiiro ku xeel-dheer shuruucda badda, isagoo adeegsanaya xigmadda rabaaniga ah ee leh, “Haddii aadan aqoon weydiiya kuwa og;”
  • Wuxuu xogtii khubarada la wadaagay Golaha Wasiiradda iyo Baarlamaanka, kuwaas oo dib-u-soo-nooleeyay go’aankii “null and void” ee August 2009; iyo
  • Wuxuu Kenya la qabsaday dhismahii Maamul-Goboleedka Jubaland oo ay damacsanayd inay ka dhigato “borderland buffer state.”

Mowqifka wadajirka ah ee dowladda iyo baarlamaanka Soomaaliyeed wuxuu dhiilo ku dhaliyay shirkadaha shidaalka iyo gaaska ee qandaraaska kula galay amase kula geli doono dowladda Kenya sahaminta aaga badda Soomaaliyeed.

Joshua Brien oo kala talinayay sharuucda badda dowladda Kenya, kana tirsan Xoghaynta ‘Commonwealth,’ ayaa wakaaladda Reuters ku yiri, “Jahawareeka Kenya ayaa ah inaysan sheegan karin qolfoofta badweynta ee ka xageysa 200 nautical miles, ilaa murunka xuduuda la xaliyo. Taasi waxaa ku xiran bixinta shatiyo sahamin ee dheeraad ah” (Reuters – July 6, 2012).

Warbixinada saxaafadda ayaa muujinaya in shirkadda Maraykanka ee Anadarko Petroleum Corporation ay ka tanaasushay sahaminteedii waaxda L-5 dabayaaqadii 2012 amase horaantii 2013.

Sidoo kale, shirkadda reer Urdun “Edgo Energy” iyo Bankigii maalgeliyay ee “Qatar First Bank” ayaa bishii January 2013, ka tanaasulay waaxda L-26 oo ay ka hawlgalayeen sahaminteeda.

Mazen Masri – Maamulaha Edgo Energy ayaa xusay “in waaxdu ay saameyn doonto muranka xadka badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya” (Offshore Engineer – July 21, 2014).

Afhayeen u hadlay Eni Energy ayaa sheegay in shirkaddu aysan ka hadali doonin caqabad ku saabsan xuquuqdeeda baarista waaxyada. Halka Total oo hore loo siiyay waaxda L-22 aysan ka jawaabin codsiyadii faallada.

La soco maqaalka dambe

Cabdulqadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments