Thursday, April 25, 2024
Home Diblomaasiyadda Doorashada Jubaland Ma Salfan Doontaa Kenya

Doorashada Jubaland Ma Salfan Doontaa Kenya

Waxaa isguraya waqtiga, daqiiqad kastoo inagu soo food leh waxay leedahay qiimaheeda, ilaa iyo inta xal kama dambays ah oo qanciya dhinacyada isku haya doorashada Jubaland la gaarayo.

Waxaa sii cakirmaya xaalka Kismaayo, marba marka ka dambaysa, dadka magaalada degan waxay welwel ka qabaan in xaalku faraha ka baxo, magaaladuna ay marti-geliso sanqadha rasaasta, barakac, iyo dad la heestayaal isu ah.

Wasaarada Arrimaha Gudaha, waxay danjire James Swan – ergayga QM ku qancisay inuu xal u raadiyo mushkilada ka taagan doorashada Jubaland, isla-markaasna dowladda dhexe uu gacan ka siiyo hannaanka daadejinta maamulka, taas oo ka mid ah howl maalmeedka uu dalka u joogo.

Danjire James Swan waxuu dhowr jeer safaro ku tagay magaalada Kismaayo, si Mudane Axmed Maxamed Islaam-Madoobe ugu qanciyo inuu aqbalo dalabka Wasaarada Arrimaha Gudaha, kaasoo waafaqsan dastuurka federaalka iyo xeerarka dalka.

Intaas kadib, danjire James Swan waxuu soo saaray warqad xambaarsan fariin ah in QM aysan aqoonsan doonin doorasho kasta oo aysan dhinacyada u dhameen! Isla-markaasna waxuu ka digay falal amniga wax u dhimaya.

Balse Mudane Axmed Madoobe iyo gudigiisa doorashada, dhag jalaq uma siin walaaca ay qabaan dowladda dhexe, beesha caalamka, QM, iyo dadka reer Jubaland toona. Waxuuna hore u dhigay damaciisa uu kursiga ku xajisanayo. 

Sida muuqata doorashada Jubaland waxaa ku lug yeeshay dowladdaha Itoobiya, Kenya, iyo Imaaraadka Carabta. Haddaba maxay seddaxda dal danaynayaan?

Ugu horeyn, Itoobiya waxaa ku riixaya seddax arrimood inay gacmaha la gasho arrimaha Jubaland, kuwaas oo kala ah:

  • Warar dhanka sirdoonka ah ayaa sheegaya in xubno askar, saraakiil ciidan iyo rayid iskugu jira oo dambiyo la xiriira dhanka xuquuqda adamaha gaystay xiligii maamulkii Cabdi Maxamud Cumar, ay gabaad ka heleen maamulka Mudane Axmed Madoobe. Taas ayaa keentay in marar badan la soo wariyo inay Kismaayo gaareen saraakiil sirdoonka Itoobiya ka socda.
  • Waajibaadka howlgalka AMISOM waxaa ka mid ah, la dagaalanka Alshabaab iyo inay dowladda dhexe ka caawiyaan sugida amniga, kana hortagaan waxii keeni kara khal-khal amni.

Ciidamada Ka tirsan AMISOM, xaq uma lahayn inay siyaasadda ku lug yeeshaan, balse waxii khal-khal amni iyo xasilooni darro keeni kara, waa inay dowladda dhexe gacan ku siiyaan sidii looga hortagi lahaa.

  • Waxaa jiray heshiis iskaashi oo taabanaya nabadgelyada, dhaqaalaha iyo Siyaasadda oo u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya, Itoobiya, iyo Ereteriya. Maadaama ay dowlada Kenya iyo Soomaaliya xiriirkoodu wanaagsanayn uuna jiro muran dhanka soohdinta badda, isla-markaasna Kenya faraha kula jirto arrimaha doorashooyinka Jubaland, waa mid la filan karo in Itoobiya iyo Ereteriya taageero u muujiyaan dowladda Soomaaliya.

Balse, dowladda Kenya in muddo ah waxay cadaadis ku haysay dowladda Soomaaliya, si loogu qasbo inay gorgortan ka gasho soohdinta badda. Isla-markaasna dacwada badda looga soo celin lahaa maxkamada aduunka ICJ. 

Ciidamadeeda waxay galeen gudaha Soomaaliya ayagoo ogolaansho uga haysan dowladda Soomaaliya, QM iyo Midowga Afrika toona. Balse goor dambe ayaa la hoosgeeyay daladda AMISOM si loola socdo dhaq-dhaqaaqyadooda.

Kenya inay hesho hogaamiye ay isku haleen karto, si ay danaheeda uga fushato Soomaaliya waa mid muhiim u ah. Balse waxaa dad badan ka yaabisay “in Kenya ay si bareer ah uga hor timaado go’aanka wakiilka QM ee Soomaaliya,” sidaas waxaa yiri Cigaal Yare oo falanqeeye siyaasada gobolka. 

Kenya waxay Kismaayo u soo dirtay xubno ka socda sirdoonkeeda, iyo xildhibaano uu ka mid yahay Mudane Ilyaas Barre Shiil, si ay gacan uga siiyaan Mudane Axmed Madoobe sii joogistiisa madaxtooyadda Jubaland. 

Warar xog-ogaal ah waxay sheegayaan inay la kulmeen sirdoonka Kenya xubno musharixiin ah, iyo shaqsiyaad kale oo ka soo horjeeda Mudane Axmed Madoobe haystana baasaboorka Kenya ama ku leh gudaha kenya xisaabaad ganacsi iyo hanti maguurto ah. Waxay ugu hanjabeen inay ka qaadayaan talaabo lagu wax-yeelenayo danahooda ay ku leeyihiin Kenya, haddii aysan bedelin mowqifkooda.

Sidoo kale, ilo wargal ah waxay sheegayaan in sirdoonka Kenya arrimaha Jubaland u adeegsanayso xubno ka mid ah baarlamaanka iyo siyaasiyiin kuwaaso haysta waraaqada dal ku joogga ama hanti maguurto ah, ka samaysatay Kenya.

Dhanka kale, Imaaraadka Carbabta waxay Kismaayo u soo dirsadeen wakiilo fulinaya danaheeda. Qaar ka mid ah wakiiladaas waxaa lagu tilmaamayaa inay yihiin xubno ka tirsan baarlamaanka federalka, halka kuwa kale ay yihiin siyaasiyiin danley ah.

Ujeedadda Imaaraadka Carbabta, waa inay Kismaayo ka dhisaan maamul u janjeera dhankeeda, kulana mataanoobaan maamulka Puntland mucaaradnimada dowladda dhexe.

Balse, markii ay soo baxday warqada Danjire James Swan ee waafaqsan go’aanka Wasaarada Arrimaha Gudaha, si cadna ugu sheegtay Mudane Axmed Madoobe inaysan QM aqoonsan doonin natiijada doorasho aan marin hanaan sax ah, raali ka yihiin dhinacyada ay qusayso. Waxaa isbedel ku yimid aragtidii Imaaraadka Carbabta.

Ilo xog-ogaal waxay xaqiijinayaan in Mudane Axmed Madoobe ay Imaaraadka u soo jeediyeen inuu keeno qof kale ay doortaan baarlamaanka uu soo xulay, si looga gado Beesha Caalamka. Maadaama QM iyo dowlada dhexe isku mowqif ay qaateen.

Balse, Mudane Axmed Madoobe wuu diiday yaboohi ay Imaaraadka Carabta u soo jeedisay.

Haddaba doorashaddii Koonfur Galbeed waxay salfatay Danjire Haysom oo ahaa wakiilkii hore ee QM u fadhiye Soomaaliya, tan Jubaland ma salfan doontaa joogitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya?

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad daneyneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments