Buuggani waa midkii 2aad ee qoraaga, Ubax Cristina Cali Faarax (IL COMANDANTE DEL FIUME, 66th and 2nd, 2014, Rome, Italy). Buugga magaciisa waa Taliyaha Webiga oo aan u tarjumnay Baxaar[i]. Buuggani waxaa loo turjumay Af-Ingiriiska waxaana goor dhaw lagu daabici doonaa gobolka Minnesota, US halkaasoo sida aan filayno akhristayaal Soomaaliyeed fursad akhris ay u heli doonaan. Mawduuca sheekadu waa qaxootiga Soomaaliyeed ee jiilka 2aad, kuwaasoo ah ilmihii qaxa ku dhashay oo dal kale ku indhaha furtay, xusuustoodana ay ka maqan tahay Soomaaliya.
Sheekada buugga waxaa tebinaaya Yabar[ii] oo da’da “caasiga” ku jira. Yabar waxaa la geeyay Roma isagoo dhallaan ah halkaas ayuuna ku koray xusuusna kama hayo Soomaaliya aan ka ahayn wuxuu waalidkiisa ka maqlay iyo sheekaxariroyinkii ay habaryar Rosa oo ah hooyada Sissi oo uu walaalshiisa ka dhigtay. Aabbihii, oo dagaalka ka hor ahaa ganacsade ka soo horjeeda Kacaanka, markuu muddo ku sugnaa Roma wxuu dib ugu laabtay dalkii si dagaalka sokeeye uu uga qayb qaato.
Hooyadii Zahra dharaartoo idil way shaqaysaa, sidaas daraaddeed Yabar wuxxuu u badnaa aqalka Rosa isagoo weheshanaaya Sissi. Inkastoo hooyadii ay ahayd qof waxbaratay oo aqoon leh misna koritaan wacan siisay wiilkeeda, haddana waxay ka qarisay arrimo mihiim ah. Waxay door bidday inaysan waxba uu sheegin oo ay u dayso waqtiga iyo in Yabar uu iskiisa uga baaraan dego. Arrinka hooyadii ay ka dabooshay wuxuu khuseeyaa aabbihi halka uu ku dambeeyo, waxa uu ku shuqlan yahay iyo su’aallo kaloo fara badan oo uusan Yabar jawaab u hayn. Arrinkan wuxuu saameeyay xirirka Yabar iyo Zahra, dhanka kalena wuxuu Yabar ku beeray rabitaan xoog leh inuu baadiggoobo xaaladda aabbihii.
Yabar wuxuu ahaa wiil baarri ah, balse madixiisa waxyaaba fara badan ayaa ku legdemayay. Waxbarashada kuma fiicnayn sida Sissi; ugu dambaystiina laba sanoo xiriir ah ayuuba maggudbe kusoo baxay. Hooyo Zahra waxay ku ciqaabtay inuu habaryartiisa lasoo joogo London hal bil.
Kolka hore, qoraaga waxay muujisay inay hodan ku tahay afka talyaaniga iyo suugaantiisaba kaasoo malahaa ay uga jawaabaysay su’aasha mar waliba ku soo noqnoqonayso lana xiriirta sida ay u hantida afkan. Teeda kale, sheekadani waxay ku muujisay inay tahay qoraa gaamuray oo siday doonto u xakamadaynayso qoraalka una rogi karto dhanka ay doonto. Jilaaga sheekada wuxuu ku sugan yahay magaalada Roma. Waxay halkan ku muujisay aqoonta ay u leedahay magaalada gaar ahaan marinka webiga Tevere (Tiber) iyo degmooyinka shacbiga ah ee caanka ah sida Porta Portese, Trastevere, jasiiradda Tevere ku dhextaal, iwm.
Qoraaga waxay ku soo kortay Xamar sidaas daraaddeed ka maqna qoraalkeeda hilowga ay u qabto Xamar, quruxdiisa, dhaqankiisi caalamiga ahaa gaar ahaan bartamaha duugga ah oo dagaalkii sokeeye uu ka dhigay guri dagaal, burbur, iyo gummaad.
Buuggani waxaa saldhig u ah sheekaxarrirta Asalkii Webiyada[iii], oo ay habaryar Rosa u tebisay Yabar iyo Sissi misna u hoosxarriqday sida dadka ay u oggolaadeen inay ku ag noolaadaan webi yaxaas miiran ah iyagoo isku hallaynaaya kartida iyo niyasamida baxaarka u xilsaaraan inuu ahaado taliyaha webiga. Waxay kaloo Rosa tiri in dhibka iyo dheefta, khatarta iyo nabadda ay badanaaba isku xiran yihiin.
Yabar wuxuu barasho la wadaagay dhallinyaro jiilkiisa ah oo ay isku arkaan Barxadda Flaminio ee Roma. Dhallinyadaas inkastooy kala duwan yihiin haddana waxay wadaagaan waxyaabo fara badan oy ka mid yihiin da’da, aragti, midabka, lahaanshaha isir ka duwan kan talyaaniga iwm. Yabar gaar ahaan wuxuu la saaxibay qaar asalkooda yahay Itoobbia, Eritrea, iyo Somaali oo markay isla joogaan aysan isugu jeedin kuwa la fiirsanaayo, la takooraayo, ama la dhaliilayo. Sida saaxibkii Giorghis uu u dhigay “Halkan markaad joogtid cidna ma dhaajinaysid, adiga umbaad tahay.”
Ubax Cristina Cali Faarax (UCF) waxay ku muujisay halkan dhaliisha dadka iyo dawladda talyaaniga ay leeyihiin iyagoo xiriir taariikhi la lahaa waddamadaan haddana muujinaaya aragti liidato oo dhaleecayn mudan.
Yabar carada iyo jahawareerkan uu jiilkan la wadaago waxaa u dheer arrinka aabbihii iyo su’aalaha la xiriiro, caqabadaha hortaagan, kuwanoo mararka qaarkood aad mooddo inay ka tan wayn yihiin. Yabr kolkuu London tagay waxaa usoo baxay ifafaale inuu u heli karo jawaab su’aalaha madixiisa ku wareegaya.
Yabar wuxuu dareemay in oday abtiyaashiisa ka mid ah (Awoowe, loo yaqaan) uu hayo jawaabaha uu u baahan yahay. Awoowe wuxuu u sheegay dadka kale (Kuwii) oo laga fogaynaayo inaysan ahyn cadawgiisa balse yihiin xigtadiisa xagga aabbe. Dadkan isku qoyska waxaa kala irdheeyay misna kala fogeeyay dagaalka sokeeye. Abtigiisa oo lagu tirinaayay inuu aabbihii dilay wuxuu awoowe u sheegay inuu ahaa ruux joogay meel khalad ah waqti khalad ah, waxaasoo idilna waxaa sababy dagaalka. Wuxuu intaa ku daray inuusan qabiilka ahayn sababta dhabta ah balse inuu yahay keliya waxa ay adeegsadeen madaxda awood doonka ah oo uu hunguri wado. Ugu dambayntii, wuxuu ku daray in haddii dadka aysan qiran waxaa ay ku sameeyeen “dadka kale” iyo ilaa ay dadka denbiyada gummaadka galay qirtaan denbigooda, habayaraate shacbigeenna rajo ma laha. Taasi micneheedu waxaa weeye in loo baahan yahay Dibuheshiisiin qaran dhab ah
Waxa buuggan ka dhigaya mid gaar ah waa habka UCF ay u adeegsanayso sheekaxariirta webiga, gaar ahaan sida dadka webiga deggan ay u doorteen inay naftooda iyo hantidooda ay ku halleeyaan taliyaha webiga ama baxaarka. Waxay na tusaysaa tilmaamaha laga rabo baxaarka si heshiiska lala galay uu u najaxo. Tilmaamahan ayay qoraagu noo muujinaysaa inay yihiin kuwa looga baahan yahan hoggaamiyaha dalka. Waxaa arrinkani garab socda mid kale oo ah in dibuheshiisiinta qaranka ay qabya tahay. Ma aha keliya inay qabyo tahay balse waxuu buugga na dareensiinaayaa in haddi taas la waayo uusan shacbigu xal gacanta ugu jirin. Sawirka soo baxaya ayaa ah mustaqbalka Soomaaliya iyo sida uu xalkiisa noqon karo. Waxaana halkaas ka muuqda waxa dadka soomaaliyeed laga doonaaya oo ah inay dibuheshiissin qaran dhab ah baadiggoobaan islamarkiina waxa laga doonaaya hoggaanka dalka oo ah inay yeeshaan kuna socdaan dhabbaha taliyaha webiga.
Ugu dambayntii waakan Yabar oo tilmaamaaya tayada looga baahan yahay ruuxa hoggaanka dalka haya ama madaxa qoyska ku habboon: “Taliyaha webiga waa ruux kala sooci kara xumaha iyo samaha garanayana nuxrurkooda. Waa ruux aan khayaanayn kalsoonida shacabka, aanna ka tagaynin qoyskiisa, aanna dilayn ruux aan waxba galabsan. Ka dib sanooyin fara badan -ugu dambaystii- haddaan gartay; ruuxaas aabbahay ma aha, balse waa aniga qudhayda, Yabar.”
Faaqidadda Buugaagga Waxaa qoray
Axmed Q. Cali
[i] “Baxaar waa nin webiyada aqoon dheer u leh oo lana yiraahdo wuxuu u taliyaa naflayda ku jirta siiba yaxaaska iyo kalluunka.” Yaasiin C. Keenaddiid: Qaamuuska Af-Soomaaliga, Firenze, 1976.
[ii] Qaamuuska wuxxu yabar ku shhegay “hantida loo hormariyo qoys gabar laga doonay.”
[iii] Axmed Cartan Xange; sheekooyin favole Somale, L’Harmattan, Torino, Italy 2005. Runtii sheekadan sida Qoraaga u ku aqoonsaday buugga waa mid dib loo qoray, la ballaariyay, iwm. Sheekada asiiliga ah waxaa lagu sheegaa Af-Maayga waxayna ku kooban tahay wbi Shabeelle oo keliya.