Thursday, November 30, 2023
Home Ciyaaraha iyo Dhaqanka HIGGAADDA AF-SOOMAALIGA: Casharka Kowaad

HIGGAADDA AF-SOOMAALIGA: Casharka Kowaad

Wargeyska JAMHURIYADDA waxaa sharaf wayn u ah inay halkan ugu soo gudbiso akhristayaasheeda ama cid allaale ciddii danaynaysa casharro la xiriira Higgaadda Af-soomaaliga.

Bahda JAMHURIYADDA, waxay ugu muuqataa in dad fara badan, gaar ahaan dadka ku nool dalka dibaddiisa iyo inta aan horey u dhigan dugsiyada af-soomaaliga, ay ka faa’iidsan karaan casharradan.

Burburkii dalka ku dhacay wuxuu sababay baabba’a hay’ado dawladeed oo fara badan, kuwaasoo ay ka mid yihiin Akadeemiyada Fanka, Suugaanta, iyo Sayniska (AFSS), Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), Waaxda Manhajyada ee Wasaadradda Waxbarashada (WW) iyo kuwa kale oo ay kaalintoodii meesha ka baxday.

Kolka hore, waxaa digniin naga ah aqoonta af-soomaaliga oo keliya inaysan qofka u suurta gelinaynin inuu farta daadshay, sababtoo ah qorista farta waxay leedahay xeerar u gaar ah oo uu dejiyay Guddiga Af-Soomaaliga ee Akadeemiyada. Xeerarkan waa kuwa saldhig u ah qaamuusyada af-soomaaliga ee rasmiga ah oo iyaguna u ah marjac quman higgaadda af-soomaaliga. 

Ka dib markaan u kuurgalnay xaaladda qoraallada, haba u badnaadeen kuwa bogagga Internet-ka, waxaa inoo soo baxay in gefefka ay u badan yihiin:

  • Shaqallada dhaadheer;
  • Toddobada xarf oo laballaabma, gaar ahaan saddexdan: B, D, iyo G;
  • Erayada lammaanan, waa kuwa laba eray ka kooban, sida baadiggob;
  • Falalka iyo falalka layeelaha ku noqonaaya, (Riflexive), sida isdhiib; iwm

Gefafka badidooda waa laga badbaadi lahaa haddii qoraha uu adeegsado mid ka mid ah qaamuusyada af-soomaaliga ee lagu kalsoon yahay. Waxaa la yaab leh in dadku marka ay ku qoraayaan, tusaale ahaan, af-ingiriiska ay adeegsadaan qaamuus, balse aysan u adeegsan midka hooyo. Waa dhab labada af iskumid ma aha, af-ingiriiska higgaaddiisa aad ayay u adag tahay, halka af-soomaaliga guud ahaan sida erayada loo qoro iyo sida loogu dhawaaqo aad ayay isugu dhaw yihiin. Si kastaba waxaa talo naga ah in qoraha uu qaamuuska ka dhigto wehel mar kasta uu wax qorayo.

Ugu dambayntii waxaan hoos idinku qornay qaamuus Internet-ka lagasoo dejisan karo:

Qaamuuska Af-Somaaliga[i],  waana mid lagu kalsoonan karo oo ay Akadeemiyada la kaashatay Jaamacadda  Roma3.  Waana bilaash.

Ugu dambayntii, aan ku gunaadno casharkan kowaad saddex shay oo fudud:

  • Kuma jiro af-soomaaliga eray ku dhamaada xarfaha[ii]: K, M, T;
  • Af-soomaaliga waxaa ku jira ereyo ay isku mid tahay haddii la laballaabo iyo haddii kale. Waxaa ka mid ah: Billow/bilow; Cabbid/cabid; Dhammee/dhamee; iwm
  • Waxaa jira ereyo magac ah oo lab iyo dheddigba isla ah, sida Dhibka – dhibta. Erayga Iskadhal wuxuu leeyahay micne iyo liddigiisa.

[i] http://dspace-roma3.caspur.it/license-view?viewitem=false&itemid=990&fulltext=%2Fbitstream%2F2307%2F720%2F1%2FQAAMUUSKA%2520AF-SOOMAALIGA%255b1%255d.pdf&submit_item=Visualizza%2FApri

[ii] Kuma aannaan darin eray carruureedka: Alam dheh!(Alamso); ama Gram gram/Balam blam; Blumbam (Pb,  

   waa eray Laatiin ah); iwm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments