Fashilka Kenya & Faragelinta Imaaraadka

Doorashada madaxtooyadda Maamul-Goboleedka Jubaland ee Soomaaliya, oo si weyn natiijadeeda xiiso loogu hayey, ayaa tijaabisay xadka hanaanka federaalaynta dalka.

Duruufihii ama xaaladihii ku gadaanaa doorashadii Jubaland, ayaa muujinaya baahida loo qabo qabyatirka dastuurka iyo wadahadal ku saabsan mustaqbalka dimuqraadiyadda maamul-goboleedyada, si loo xadido saameynta awoodaha qarsoon oo khalkhal gelinaya dimuqraadiyadda curdunka ah ee dalka.

Siyaasiyiintii ku loolamayey, ma aysan helin hanaan doorasho loo siman yahay, laguna kalsoon yahay. Jawiga sharci darrada waxaa albaabada u furay, maqnaashaha hay’addo dastuuri ah oo la isku halleyn karo.

Dhinaca kale, ujeeddadii Kenya ay u soo gashay Soomaaliya 2011kii, waxay ahayd dhismaha maamul-goboleed xuduudeed “buffer state” oo Nairobi laga hago.  Maamul noocaas ah, waxaa loo adeegsadaa xijaab amni iyo xujo joogta ah, waana hadafka guud ee dowladda Kenya ay ka leedahay Kismaayo.

Sida muuqata, Kenya waxay ka faa’iideysata: (1) khilaafka awood qaybsiga siyaasadda; (2) qaranimo xumadda siyasadda qabyaaladda; iyo (3) qiimo darrada khaa’inu wadanka.

Ma aha markii ugu horeysay ee Axmed Maxamed Islaam – Madoobe uu boobayo awoodda amase uu carqaladeynayo geedi socodka dimuqraadiyad nabdoon, asagoo kaashanaya cadowga.

Darsiga laga qaadan karo dhacdooyinkii Jubaland ayaa ah, in laga digtoonaado guddi doorasho hoos taga awood fulin. Taariikhda Soomaaliya waxay si weyn u xustaa, in doorasho lagu shubto ay salfatay dowladdii rayadka ahayd (1960-69), halka codka dadka oo la quursadana ay dumisay digtatooriyadii askarta (1969-1991).

Falsafi Fransiis ah – Roger Garaudy, ayaa hore u sheegay in cadawgaaga oo laysku jibiyo uu yahay “dagaal qiima jaban.”

Haddaba, su’aashu u baahan in meel leysla dhigo, iyadoo maanka lagu hayo falsafadaas waxay tahay, gaboodfalida Madoobe ma loo dulqaataa danta guud (nabadgeliyada) awgeed, mise qaanuunka ayaa lala tiigsadaa?

Ergeyga QM u fadhiya Soomaaliya – Danjire James Swan oo August 21, 2019 u warbixiyay Golaha Ammaanka ayaa sheegay, in Soomaaliya ku talaabsatay horumar dhinacyo badan.

Xaq uma laha Kenya, inay soo farageliso arrimaha Soomaaliya (gudo iyo dibedba) marka la eego shuruucda caalamiga ah, weliba iyadoo ciidamadeedu dalka ku joogaan axdiga nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika (AMISOM).

Dhinaca kale, faragelinta doorasho loo siman yahay, waa tacadi xadgudub ku ah qaranka Soomaaliya. Sidaas darteed, waxaa loo baahan yahay, in dib loo qiimeeyo faa’iidada iyo khasaaraha hawlgalka ciidamada Kenya ee AMISOM.

Waxaa la soo gaaray waqtigii lagala wareegi lahaa ciidamada shisheeyaha, gaar ahaan kuwa Kenya nabad ilaalinta, loona guuri lahaa nabadaynta guud, ayadoo laga tusaale qaadanayo habka qarameynta miliishiyada maamul-goboleedka Galmudug.

Tan iyo markii Soomaaliya ay dacwadii badda horgeysay Maxkamadda ICJ, Kenya, shirkadaha shidaalka ee qandaraaska kula jiray aaga badda Soomaaliyeed, banuugta maalgashatay iyo dowladahoodaba waxaa murugo iyo walbahaar ka heestaa garta halka ay u iilan doonto.

Kenya waxay taagan tahay quus, waxayna khasbaysaa in dib loogu laabto wadaxajood ay muddo dheer meermeerineysay, weliba iyadoo ku fashilantay diblomaasiyadda caalamka, gaar ahaan tan deriska.

Muqdisho, waxay go’doon diblomaasiyadeed ku riday Nairobi, taas oo sababtay inay maciin bido Ururka Midowga Afrika iyo cunaqabateen hor leh, kadib markii IGAD ay ku agoontooday.

Xisbiga “Jubilee” ayaa baarlamaanka Kenya horgeeyay “bayaan dagaal,” oo ay doonayaa, haddii cunaqabateen 1267 u mariweydo Golaha Ammanka QM, inay Soomaaliya duulaan ku qaadaan.

Jilalkii dhawaa dood ka dhacday Casmara (Eritrea), oo ujeeddadeedu ahayd – sidee khilaafka Soomaaliya iyo Kenya looga ilaalin karaa inuusan saamayn ku yeelan nabadda iyo xasiloonida gobolka, ayaa Kenya looga digay “colaad oogida,” (03/13/2019).

Sidoo kale, Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, oo la hadlayay warbaahinta ayaa u xaqiijiyay in, nabadgelyada Soomaaliya ay xaqiijin doonto ammaanka iyo amniga Itoobiya, Kenya iyo dhammaan dalalka deriska ah (Goobjoog – March 9, 2019).

Sidaas oo ay tahay, haddana Kenya kama waantoobin inay ololeyso – 1267 oo ah cunaqabateynta ugu hasita badan caalamka, ilaa lagu jibiyo. Abuukar Carmaan ayaa qoray, “[Kenya] waxay rabtaa inay xurnimo u hesho cadaadinta iyo majiijinta hoggamiyaasha siyaasadda iyo ganacsata hantida ku leh dalkeeda.”

Ergeyga Soomaaliya u fadhiya QM – Danjire Abuukar Dahir Cusmaan – Abuukar-baale, oo la hadlayay Golaha Ammaanka August 21, 2019 ayaa xusuusiyay in cunaqabateentii 751 (1992) la geliyay Shabaab 2007kii ay ilaa hadda taagan tahay. Intaas wuxuu raaciyay, in Kenya u baahan tahay inay ka hirgeliso cunaqabateenta (751) Kismaayo iyo Buur Gaabo, joojisana dhoofinta dhuxusha ay ciidamadeeda ku lug leeyihiin.

Hay’addaha samafalka ayaa aaminsan, in cunaqabateen 1267, ay dhibaateen doonto dadka abaaraha ku aafoobi, iyadoo beesha caalamkana ka fiigi doonto inay u gargaarto dalka Soomaaliya.

In mudda ah, waxaa walwal ka taagnaa itijaaha siyaasadda Abu Dhabi, oo ay muuqato inay ka hor imaanayso siyaasadda Afrika ee Washington. Iskhilaafkaas, wuxuu ku soo shaac baxay dhacdadii dalka Libiya iyo kacdoonkii Sudan.

Danjire Donald Yamamoto, ayaa hore u yiri, “Waxaan dooneynaa ‘Mareykanka ahaan,’ in aan hubinno in cid kale aysan ku yeelan kaalin xun ama talo bixin [Soomaaliya],” (Goobjoog – March 9, 2019).

Si kastaba ha ahaate, Kenya waxay ka didsan tahay ciidamada Soomaaliya ee ay dhisayaan Maraykanka iyo Turkiga. Waxaan sir ahayn, in Soomaaliya ay Turkiga la leedahay iskaashiga difaaca badda. Heshiiskaas, waxaa lagu tababarayaa ciidamada badda, laguna ilaalinayaa badweynta ilaa Soomaaliya ay awood u yeelato difaaca qarankeeda.

Haddii haddaba, “Kenya ay rabto inay ku duusho badda Soomaaliya, ayadaa cirka wax ku og,” ayuu yiri Yuusuf Gaandi oo wax ka qora arrimaha Geeska Afrika.

War iyo dhammaantii, Nairobi waxay aamini la’dahay in waxa la dabaaqaya ay yihiin Soomaali. Taas ayaa keentay, inay ka argaggaxdo Iskaashiga Geeska Afrika, kuna tilmaanto inuu yahay gashaanbuursi “Kushitic,” ah oo haddana lid ku ah.

Guul darrada diblomaasiyadeed ee Kenya ka soo raacday Golaha Ammanka ee QM, waxay marqaati u tahay in xaqu kol kaste ka gacan sareyo xaq darrada. Taas waxay kor u qaaday kalsoonida ummadda Soomaaliya ay ku qabaan qadiyadda dacwada badda ee hor taal Maxkamadda ICJ.

Dhinaca Kale, faragelinta Kenya iyo xulufadeeda, waa tillaabo aan u wanaagsaneyn xasilloonida gobolka, siina kordhin doonto khatarta xagjirta, oo haddii labada dal ay iskaashtaan kaga guuleysan kari lahaayen.

CabdulQadir Cariif Qassim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

8 comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s