Maxaa Sababa Isku Kalsooni La’aanta iyo Hanyarida

Raadadka, ay ka tageen dagaaladii sokeeye ee weli muuqda, waxaa ka mid ah inuu dhaawac soo gaaro isku kalsoonaantii qofka nafsadiisa ku qabay. Intaas waxaa ka sii daran, inay yaraatay ama hoos u dhacday hanweynidii qof iyo ummad!

Doodda maqaalka ayaa ah maxaa sababa isku kalsooni la’aanta, iyo hanyarida ku dhacda qof, iyo ummad, maxaase lagu daaween karaa?

Culamada cilmi nafsiga waxay rumeysan yihiin cabsida (baqdinta), iyo welbahaarka waqtiga dheer qofka la soo darso inay tahay tan abuurta kalsoonidarrada, waana barta ay ka bilaabato hanyarida!

Dhanka kale, qofka oo si xad-dhaaf ah uga welwela mustaqbalkiisa waxay ku keeni kartaa xanuunada ku dhaca maskaxda, sida waalida ama qofka oo nolosha naca. Taas waxay sababtaa inuu soo yareeyo maalmihii uu joogi lahaa dunida uuna sababsado gacantiisa, ama qudha iska jaro.

Suugaanyahanka reer Brazil, Mr. Paulo Coelho de Souza ee qoray buuga  “The Alchemist – 1988,” ayaa yiri, “u sheeg nafsadaada dhibka ku haysta inuu ka xanuun badan yahay, cabsida (baqdinta) aad ka qabtid dhibka lafsadiisa.” 

Culamada Cilmu-Nafsiga, waxay rumeysan yihiin in walaaca, iyo welbahaarka lagaga bogsan karo labo hab oo isku dhafan, kuwaas oo kala ah daawo (medication) iyo daaweynta ku saleysan hadalka (talk-based therapy) (www.flowpsychology.com).

Shaki kuma jiro, in dalkeena muddo dheer ku jiray dagaalo abuuray, dhib iyo ba’aduun oo dhan, islamarkaasna marar badan qofka Soomaaliga ah u welwelo bed-baadadda nafsadiisa, qoyskiisa, iyo hantidiisa.

Balse, waxaa yar inta u welwesha ciidda iyo calanka oo astaan u ah ummad iyo jiritaankeeda. U gaar yeelashada dal iyo calan waxay dhashaa dowladnimo, iyadaana ah tan lagu ilaaliyo badqabka qof iyo ummad, waa haddii la dhiso hay’addo ku qotoma sharci iyo sareenta qaanuunka.

Caalimkii weynaa ee Cilmiga Falsafada, Dr. Cumar Cismaan Raabi ayaa rumaysan in sharuudaha ku xiran jiritaanka ummad tan ugu muhiimsan ay tahay hadba sida dadka u ilaashadaan ama u difaacdaan wadajirkooda. Kuwaas oo kala ah: (1) Midnimada dadka; (2) Midnimada dalka; iyo (3) Midnimada qaranimada.

Sedexdaas midnimo oo ay maamusho dowlad dhexe, ayaa lagu ilaalin karaa danta gaarka ah (qof), iyo mida guud (ummadda).

Dr. Cumar Cismaan Raabi ayaa yiri, “Ninka wadaniga ah, haddii uu daciif yahay dowladdiisa u xoog weyn. Hadduu jaahil yahay, dowladdiisa caalim u ah. Hadduu cunug yahay, dowladdiisa ciro-weyn u ah.”

Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu Dr. Raabi yiri, “qofka baahidiisa waxaa loo isticmaalayaa awoodda inta kale oo dhan. Dowladda ayaa maamusha daruufaha jiritaanka, nolosha iyo sharafta ummadda.”

Halkaas waxaa ka cad, in ku hoos noolaanta dowlad leh hay’addo dastuuri ah, si wacan (hufan) u shaqeenaya, isla-markaasna daboosha baahiyaha dadku qabaan inay hoos u dhigi karto, ama yarayn karto qofka oo ka welwela aayaha noloshiisa iyo inta huran.

Haddii welwelka iyo walaaca meesha ka baxo, waxaa hubanti ah in qofku dareemayo giir-taag  (sharaf), taasaa u suurto gelinaysa dib u hanashada kalsoonida qofku ku qabo nafsadiisa!

Dhiirogelintu waa quudka ruuxda, waxay awood wax qabad siisaa maskaxda, iyo xubnaha jidhka. Sidoo kale, waxay awood adkaysi ku beertaa nafsada, markii ay la soo daristo dhibaatooyinka.

Paulo Coelho de Souza ayaa rumaysan, “waxa keliya ee kaa hor-istaagi kara xaqiijinta riyadaada waa cabsida aad ka qabto inaad guul-daraysato.” Balse aduunka oo dhami waxay diyaar u yahay inuu kaa caawiyo sidii aad u xaqiijin laheed hammigaaga.

Dhanka kale, Mr. Paulo Coelho de Souza waxuu dadka ku dhiirogelinayaa inay noqdaan geesiyaal khatarta u bareera, haday guulaystaan wey gaareen hadafkooda, haddii ay guuldaraystaana waxay helayaan khibrad ka maqneed. 

“Noqo geesi, khatarta qaata, khibrada wax la qiimo ah ama u dhiganta ma jirto,” ayuu yiri Falasuufkan reer Brazil Mr. Paulo coelho.

Sidoo kale, doorka dhiirogelintu ku leedahay nolosheena waxaa inoo iftiimiyey Dr. Cumar Cismaan Raabi. Sanadii 2011, waxaa dalka Soomaaliya ku dhufatay abaar aad u xun, oo dad iyo duunyo saamaysay. Dadka taariikhyahanada ah waxay sheegeen inay la mid ahayd ama u dhoweyd abaartii Dabo-dheer. Xilligaas dalku waxuu lahaa dowlad u gurmata shacabkeeda. Taasaa keentay in la xakameeyo saamayntii Dabo-dheer.

Dr. Cumar Cismaan Raabi, ayaa dadka oo quus ka jooga inay helaan, dowlad dadka maciin u noqota ayaa yiri “Illah fadligiisa dad iyo duunyo waa la doogsan doonaa! Waxaa la arki Soomaali dib u magoosha! Waxaa la arki Soomaali is-jeclaataa. Dalkuna waxuu yeelan doonaa dowlad weyn oo aan dib u dumin!”

Ogow, ummad weliba horumarkeeda iyo dib-u-dhaceeda waxay ku xiran tahay hadba dhallinteeda siday u fekeraan iyo aragtida (vision) hogaankeeda.

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s