Fiiro Gaar ah u Yeelo – Iskaashiga Japan iyo Afrika

Shirweynahii 7aad ee Iskaashiga Japan iyo Afrika, ee ka dhacay Yokohama August 28 – 30, 2019 ayaa sanadkaan waxaa ka muuqday isbedel istraatiijiyadeed oo diirada lagu saarayo maalgashiga gaarka, halkii hore looga arrinsan jiray kaalmada rasmiga ah ee horumarinta Afrika.

Ra’iisul-wasaare Shinzo Abe oo furay shirka ayaa u ballan qaaday madaxdii Afrika ee ka qaybgasha madasha, inuu dalkiisa si xoog leh kor ugu qaadi doono maalgashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Intaas wuxuu raaciyay, in Japan ay daneynayso kaabayaal tayo leh iyo horum​arinta aadanaha si loo helo xirfadleyaal carbisan. Ra’iisul-wasaaruhu wuxuu sheegay in dalkiisu tababari doono 3000 qof, lixda sanadood ee soo socda.

Cinwaanka shirka ayaa ahaa “Horumarinta Afrika ee dhinaca Dadka, Teknolojiyadda iyo Hal-abuurka,” iyadoo hal ku dhigguna ahaa: “Fiiro Gaar ah u Yeelo.”

Japan waxay la tartameysaa Shiinaha oo sanadkii 2018, ballan qaaday inuu kobcinta wax-wada qabsiga Afrika ku bixin doono hanti dhan 60 bilyan doolar, muddo seddax sanadood ah.

Inkastoo uusan si rasmi ah u sheegin hadafka maalgashiga gaarka ah, haddana Ra’iisul-wasaare Shinzo Abe wuxuu sheegay, “in seddaxdii sanadood ee la soo dhaafay shirkadaha Japan ay Afrika geliyeen 20 bilyan doolar” (Japan Times – August 28, 2019).

Waxaa muuqata, in shirkadaha Japan ay isha ku hayaan horumarka lixaada leh ee ka socda qaaradda, gaar ahaan kobaca soo-saarista khayraadka dabiiciga ah, kaabayaasha, warshadeenta iyo adeegga.

Si kastaba ha ahaatee, khubarada dhaqaalaha waxay aaminsan yihiin in shirkadaha Japan weli ay ka caga jiidayaan inay maalgashadaan qaaradda, walow ay soo gudbeen xilligii taas ay ahayd wax aan macquul aheyn.

Waxaa su’aal dhalisay, in fadhiga gaarka ahaa ee looga hadlayay nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, ay si wadajir ah u guddoomineyn Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi – Farmaajo iyo Raiisul-wasaaraha Itoobiya Mudane Abiye Axmed, taas oo dadka qaarkiis ay garan la’yihiin, sida Soomaaliya ay ku gaartay mansabkaas.

Si looga jawaabo su’aasha waxaa muhim ah, in dib loo eego isbedelka Geeska Afrika iyo halka ay arrimuhu hadda taagan yihiin.

  • Kolka hore, Soomaaliya waxay ku biirtay bartamihii 2018, heshiiska Iskaashiga Geeska Afrika ee dhexmaray Itoobiya iyo Eritrea. Kaas wuxuu shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay diyaar u tahay, in ay ka qayb qaadato nabadda iyo iskaashi dadweynaha gobolka. Arrintaas, waxay kaloo soo shaac-bixisay in Muqdisho u taagan tahay, ganacsi fiyow iyo maalgashi faa’iido wadaag ah.
  • Kolka xiga, bilowgii 2019 shirkada Spectrum waxay soo bandhigtay macluumaadkii ugu dambeyay ee sahamintii aaga badda Soomaaliyeed, taas oo lagu xaqiijinayay mugga khayraadka dabiiciga ah. Halkaas waxaa ka soo baxday, in Soomaaliya uu ka jiro “uduga saliida,” oo in mudda ah Bariga Afrika laga baadi goobayay.
  • Ugu dambeyntii, Soomaaliya waxay la shir tagtay mashruuca dekedda Hobyo, kaas oo aan carrabka lagu dhufun inta ku bixi doonta, balse la filayo inuu kor u dhaafi doono bilyan doolar.

Mashruuca dekedda, waxuu dammaanad siinayaa hay’adaha maaliyadda caalamka, bacdamaa uu xaqiijinayo in dalku yeel doono dakhli hor leh mustaqbalka dhow. Sideedaba, cidna diyaar uma aha in dal deyn hore lagu lahaa, mid cusub loogu daro, iyadoo aan tii hore meel la saarin.

Intaba waxay isku kaashteen billidda sumcadda dhaqaalaha dalka, walow haddana mustawaha noolasha dadweynaha aysan ka muuqan isbedelin mug leh.

Soomaaliya waxay ka mid noqotay dowladdaha buuxiyay shuruudaha ugu yar ee daah-furnaanta maaliyadeed Maraykanka, taas oo astaan u ah, inay soo gaartay heerkii dowladda Maraykanka ay ugu cafin lahayd deyn.

Warar lagu kalsoon yahay waxay sheegeen, in Madaxweyne Farmaajo uu ballan qaaday inuu dowladda Japan iyo iskaashiga TICAD, la shaqeyn doono si loo helo xasillooni, horumar dhaqaale, aqoon wareejin abuurto fursado.

Hadd​ii shalay Afrika u muuqatay qaarad kaalmo ku nool ah, waxaa maanta cad in dalal badan ​ay ku tartamayaan ​inay maalgashi ku samaystaan qaaradda. ​Abaabulka shirar iskaashi la mid ah midka TICAD, sida kan Shiinaha iyo Afrika, Hindiga iyo Afrika, ama Maraykanka iyo Afrika, ​waxay qaaradda siinaysaa kobac dhaqaale iyo isku filnaan degdeg ah. Waxaana la filayaa in tartanka qaaradda loogu jiro uu ku soo biiri doono Sanadkaan dalka Ruushka.

Satoshi Ozawa oo shir guddoonka Sub-Saharan ka mid ahaa ayaa yiri, “dalalka Afrika waxaa laga dhowrayaa inay la yimaadan dowlad wanaag, xaqiijisa caddaaladda, daah-furnaan, laguna tashan karo, si jawiga maalgashiga ganacsiga shisheeyaha u sii wanaagsanaado,” (Japan Times – August 29, 2019).

CabdulQadir Cariif Qassim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s