Tifaftiraha Jamhuriyadda
Magacaabista afar taliye ciidan iyo duqa caasimadda Muqdisho, waxay ku abuurtay baraha bulshada iyo goobaha lagu gorfeeyo siyaasadda dalka hadalhayn badan.
Haddaba, saraakiisha xilalka loo magacaabay, maxay kaga duwan yihiin kuwa ay jagada kala wareegayaan maxaase gaar u ah kooxdan cusub? Waa doodda faallada.
Ma’aha markii ugu horraysay ee uu Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, magacaabo taliyeyaal ciidan iyo duqa caasimadda. Balse, waxa xiisaha gaarka u yeelay magacaabistaan waa waqtiga ay ku soo beegantay, itijaaha siyaasadda xukumadda, iyo sooyaalka taariikh nooleedka saraakhiisha la magacaabay.
Inkastoo siyaasadda arrimaha dibedda, dibuhabeenta dhaqaalaha iyo ciidamada ay dowladda amaan ku heshay, haddana waxaa xukuumadda culays ku haya amaanka caasimadda, madax maamul-goboleedyo u dhaqmaya sidii dowlado gooni gooni ah, dibindaabyada shisheeyaha (Imaaraadka, Kenya iwm), iyo maqaanka Muqdisho oo noqotay mashruuc ay adeegsadaan danleeda gaarka.
Janan Cabdi Xasan Maxamed Xajaar ayaa noqday Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya. Waxaa uu aqoonta ciidanka ku qaatay dalka gudahiisa iyo dibeddiisa, sida waddamada Mareykanka iyo Jarmalka.
Balse Gaashaanle Sare Cabdullahi Cali Macow, oo ka tirsanaan jiray NSStii Soomaaliya, haddana madax ka ah Machadka Cilmibaarista Amniga ee Soomaaliya, ayaa su’aal geliyay sababta ay xukuumadda u doorbidday in xilkan u dhiibto Janan Xajaar. Gaashaanle Sare Macow, wuxuu rumaysan yahay in taliye Xajaar gacmihiisa nadiif ka ahayn ku xadgudub xuquuqda aadanaha.
Intaas wuxuu raaciyay, inuu taliye (mas’uul) ka ahaan jiray NSSta magaalada Hargaysa sanadihii 1978, 1987, iyo 1988. Waxuuna xusay in loo tababbaray howlaha sirdoonka, islamarkaasna magacaabista ay astaan u tahay in la cabburiyo mucaaradka (Radio KNN – August 23, 2019).
Waxaa xusid mudan in eedahaas maxkamadi aysan xukumin, caddeyna uma hayso wargeyska jamhuriyadda. Waxayse dad badan xasuusan yihiin in xilligii uu taliye Xajaar madaxda ka ahaa hawlaha nabad-sugidda Hargaysa ay aheed xilli ururkii SNMta dagaalo kula jireen xukuumadii Madaxbweyne Maxamed Siyaad.
Janan Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ahaa Taliyaha Ciidamada Booliska – maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ayaa noqday Taliyaha Ciidamada Asluubta.
Shacabka Soomaaliyeed waxay si weyn u barteen Jananka, kaalintii uu ku lahaa dajinta rabshadihii ka dhashay xariggii Mukhtar Robow, iyo khilaafkii soo kala dhex galay xukuumada iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM – Nicholas Haysom, xilligii ay socotay doorashada maamulka Koonfur Galbeed.
Janan Mahad Cabdiraxmaan waxuu adeegsaday erayo aad u adag, isagoo la hadlayey shacabka ku dhaqan Baydhabo, waxaana uu yiri “dhib Xamar yaala Baydhabo ha keenin, dhib duurka yaalana Baydhabo ha keenin. Qolyo ayaa dhahaya laandheere ayaan ahay. Haddaad laandheere tahay, anaa kaa laandheereysan [dowladda], kun askari ayaan haystay, kun kale ayaa la iigu soo daray. Ee edeb yeesha nabadda ha la ilaaliyo.”
“Nuxurka khudbadaas, waxay ahayd sugidda amniga inaan lagu barxin siyaasad, wuxuuna si cad u qeexay shaqada Booliiska,” sidaas waxaa yiri khabiir dhanka amaanka ah.
Janan Ismaaciil Yuusuf Raage (odawaa), ayaa noqday Taliyaha XDS. Waa 32 jir ciidanka ka mid ahaa 13 sano. Waxuu tababbarro ku soo qaatay waddamada Ugaandha iyo Turkiga. Waxuu aqoon u leeyahay hoggaaminta ku dagaallanka magaalooyinka, iyo ilaalinta madaxda. Waxuu ku taqasusay hoggaaminta ciidanka lugta, isagoo uga soo baxay Kuliyada Ciidamada eeTurkish – Army War College, sanaddii 2014.
Dad badan oo aqoon u leh Janan Odawaa, waxay ku sifeeyeen inuu yahay ruux u jajaban hawlaha ciidanka, islamarkaasna xiiso gaar ah u qaba ka mid ahaanshaha ciidamada, kuna habboon hoggaaminta ciidanka xilliga dagaalka. Waa taliye jecel ku dhexjirka ciidanka.
Saraakiishii hore ee ciidamada waxaa loo tababbaray sida ay ciidamo dhisan oo ay dowlad leedahay weerar loo geliyo ama difaac loogu sameeyo. Balse dagaalka Alshabaab lagula jiro, wuu ka duwan yahay kii ay yaqiineen saraakiishii hore ee XDS.
“Marka la eego da’diisa, iyo khibraddiisa dagaalka magaalooyinka, waxay ciidanka XDS ka caawinaysaa inuu si sahala uga itaal roonaado kooxda Al-shabaab, waa haddii ciidamadda loo dhammaystiro baahidooda,” sidaas waxaa rumaysan sarkaal horey uga tirsanaa XDS.
Duqa Caasimadda Muqdisho waxaa loo magacaabay Cumar Maxamud Maxamed (Finish). Haddaba, Cumar Finish maxaa lagu sifeen karaa, maxayse xukuumadda ku xulatay?
Cumar Finish waxuu xubin ka ahaan jiray ururraddii hubeysnaa ee qaybta ka ahaa dagaaladii sokeeye. Sanadii 2006, waxuu xubin ka noqday ururkii Isbahaysiga dib u soo celinta nabadda iyo la-dagaallanka argaggixisada (ARPCT), oo dagaal la galay Midowgii Maxaakimta Islaamiga (ICU).
Inkastoo xubin baarlamaan uu noqday, misana dadka reer Muqdisho waxay ku xusuustaan dagaalladii uu qaybta ka ahaa ee sababay barakac, dhimasho, iyo dhaawac dad rayid ah.
“xukuumadda waxay heshay shaqsi ku haboon oo aamusin kara siyaasiyiinta aan xishoon, oo aan ilaalineyn xeerka iyo shuruucda dalka. Markay timaado maqaanka Muqdisho, balse dhanka kalsoonida shacabka lama tixgelin,” sidaas waxaa rumaysan falanqeeye codsaday inaan magaciisa la adeegsan.
Magacaabistani, waxay ku soo beegantay maalintii Mudane Axmed Madoobe dib iskugu doortay madaxtooyada Jubaland, dowladda Kenyana ku taageertay iyadoo madaxda mucaaradka qaarkii oo daba safan yihiin.
Sidaa daraaddeed, magacaabistani waxaa laga dhadhamin karaa, (1) in siyaasaddii ay xukuumadda kula dhaqmaysay mucaaradka ee sasabashada iyo dulqaadka ahayd, meesha ka baxday, iyo (2) inay xukuumadda u diyaar garoowday dagaal dhan ka ah xagjirka.
War wuxuu ka taagan yahay, sidee loo kala dhowri doonaa xadgudubyada siyaasadda maquuninta iyo xuriyadda muwaaddinka ee dastuurka dammaanad qaadayo.
Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda faallada waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.