Casharkan 2aad waxaan ka hadlaynaa Shaqallada dheer/Gaaban iyo Shibbanayaasha Labalaabma. Kolka hore, gefka ugu wayn uu qoraha gali karo waa “fududaysaho”, taasoo ah inuu/inay isyiraahdo/tiraahdo: “Maxaa ka micne ah! Waa la garanaayaaye.”
Gefef loo dulqaadan karo runtii way jiraan. Magacyada loo badan yahay ee dadka, waxaa suurta gal ah in la fududeeyo shaqallada dheer iyo shibbanayaasha labalaabma. Waxaa dhici karta in loo qoro: Liibaan/Liban ama Liiban; Geeddi/Geddi; ama Yaasiin Cismaan Keenaddiid lo qoro Yasin Cisman Keenadiid. Haseyeeshee, haddii magacu uu yahay mid dhif ah waxaa qumman in higgaad sax ah lagu qoro, sida magacan: Kaanaa Gaarane.[i] Qoraha waa inuu/inay maanka ku hayaa/haysaa in akhristaha si sahlan uu u akhrin karo/karto qoraalka.
Waa dhif ruux af-soomaaliga ku hadli karo/karto oo aan shaqallada kala bixin karin, balse waxaa dhici karta haddii ruuxa af-ingiriiska ama af-carabiga keliya uu/ay yaqaan/taqaan waxaa suurtagal ah inuu/inay shaqallada iyo shibbanayaashaba dhib kala kulmo/kulanto. Sababtuna waxaa weeye in labadan af higgaaddoda ay aad uga duwan tahay midda af-soomaaliga.
Eeg sida micnaha isurogaayo haddii la isweydaariyo shaqal gaaban iyo mid dheer:
BAR BAAR -CAD CAAD -SAGAL SAGAAL -DAB DAAB -XIR XIIR
DAD DAAD -KAL KAAL -XAR[ii] -XAAR -LAB LAAB -MAL[iii] -MAA
Idil sun bay siisay Liibaan iyo Idil suun bay siisay Liibaan
Waxaan aragnay dad badan iyo Waxaan aragnay daad badan
Yaa arkay kashii? iyo Yaa arkay kaashii?
Haddii magaca uu lammaanan[iv] yahay shaqallada iyo shibbanayaashaba midna lama fududayn karo, balse waxaa dhici karta in xaraf aan labadaba ku jirin uu meesha soo galo. Tusaale: Caano+diid shaqallada ismabeddelaan balse shibbanyaasha ayaa isbeddela: Canaddiid. Caana+geel Caanaggeel; Badi+goob, Baadiggoob. Lakin Xaad+San Xaadsan; Xad+gudub Xadgudub. Sabatuna: xarafka labalaabmaya waa inuu laba shaqal u dhexeeyaa. Xusuuso Waranle, inkastoo uu ka kooban yahay waran+le waa farac; sidaasoo kale Xariifnimo, Fulaynimo, iwm waa faracyo. Faraca wuxuu ka kooban yahay magac+dibkabe. Badanaaba qoraha wuxuu/waxay eegi karaa/kartaa Qaamuuskiisa/keeda oo ay ku qoran yihiin magacyadaan iyo habka qumman ee loo qoro.
Waxaa xusuus mudan in af-soomaaliga uu leeyahay keliya 7 xaraf oo labalaabma. Haddaad isku daydid inad labaalaabtid xaraf kale oo aan toddobadaas ahayn wax isbeddel ah ma arkaysid. Tusaale: Naa Mako kaalay iyo Naa Makko kaalay! waa isku mid sida Bisad iyo Bissad. Waxa keli oo la dareemi karo waa inaad xoogga saartay magaca. Marnaba ma aha sida: Way abaartay..iyo Way abbaartay. Sidaas daraddeed looma baahna in la labalaabo xarfaha kale.
Sidaan hore usoo sheegnay xarfaha labalaabma waa toddobo waxaana u kala bixin karnaa laba kooxood. Kooxda hore oo ah afar xaraf: L,M,N, &R markay labalaabmaan dhawaaqooda ismabeddelo balse way “shidmaan” keliya(Sida shidka carabiga, xoog ayaa loogu dhawaaqaa). Eeg: Bare/Barre; Caro/Carro; Bile/Bille; Shilal/Shillal; Aan Cuno/Aan Cunno; Xummad/Xumaan.
Kooxda labaad oo ah: B, D, iyo G waxay leeyihiin laba dhawaaq oo kala duwan. Ogow xarfahan ma shidna. Shibbanaha labalaabmaaya mar waliba waa mid ku dexjira laba shaqal sidaan kor kusoo aragnay. Hadduusan u dhaxayn laba shaqal aslanba lama labalaabi karo: waa hadduu erayga ka billawdo (God) ama ku dhamaado shibbanahaas (Doog) ama haddii uu shibbanaha u dhexeeyo shaqal iyo shibbane kale (Cagcagaar/Cagsi), balse Cagaggub.
Axmed
Qaasim Cali
[i] Waxaan rajaynaayaa in saxibkay Kaanaa u iga raalli ahaado
[ii] Budada ka soo daadata qoryaha iyo looxyada bulunbuliyada gasho.
[iii] Ilma yar oo caana keliya ku nool ahi mal dhigid.
[iv] Magacyada lammaanan, waxay ka kooban yihiin laba magacoo kala ah oo laysku daray.
Waa nasiib wanaag in af-soomaaligu uu leeyahay astaantan oo ka dhigaysa af hodan ah, oo loo samayn kara
Inta magac hor leh ee la doono.