Yaa Eeda Iska Leh Guul Darrada Xulka Qaranka

Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxuu muujiyey guud ahaan ciyaar bilow fiican ah. Haddiise dib loo eego natiijooyinkii ciyaaraha xulka qaranka Soomaaliya ee 1984, waxaa soo baxaysa in kooxda Zimbabwe, oo ka mid ah kooxaha ugu sareysa (Lambar 90) wareega 1aad ee horudhacyada qaaradda Afrika, inay guusha tahay mid lagu faani karo.

Sidoo kale, difaaca ciyaartoyda Soomaaliyeed waxuu qaybtii ugu horeysa ee ciyaarta Harare muujiyeen adkeysi samata bixiyey kooxda xidiggaha badda. Hase yeeshee, faro isku fiiqa iyo dood fadhi ku dirir, waxay bilaabatay guul darrada ka dib.

Sideedaba, guushu waa aabe badan tahay ileen waa la wada sheegtaa, halka guul darradu ay agoon ka tahay oo cidna aysan qaadaneyn khaladka. Haddaba, guul darrada ku dhacday Xulka Qaranka Soomaaliyeed yaa ka mus’uul ah, yaase qaadan doona mas’uuliyaddaas, waa gundhiga doodda maqaalka.

Maanta Badi, Beri “Chille”

Bal aanu dib u eegno ciyaartii la baxday “Maanta Badi, Beri Chille” ee isreebreebkii kubadda cagta Adduunka qaybtii Afrika. Ciyaartaas, wareegeedii lugta dambe waxaa garoonka Muqdisho ku ciyaaray Soomaaliya iyo Nigeria. Kooxda Nigeria, waxay u baahnaayeen inay barbar dhac la imaadaan, si ay guusha u hantaan. Halka, xulka Soomaaliyeed uu isku soo diyaariyay guul.

Difaaca Xulka Qaranka “Amaa” oo rabay inuu u dhiibo kubadda goolhayaha, ayaa nasiib darro, dabamariyay kubaddii goolhayahii oo uu ka filayay inuu joogo gadaashiisa. Kadibna waxaa kubaddii dhammeystiray weerarka Nigeria ee lambar 9. Halkaasna waxaa guusha ku raacday Nigeria.

Yaa Loo Eedsanayaa Harare

Fikradda aaminsan istrateejiyadaas, waxay qabaan haddii xulka Soomaaliya ay u ciyaari lahayd sidii Nigeria oo ahayd “ciyaar difaac caqliyeysan” in guusha gacanta lagu hayn lahaa.

Falanqeeyaasha cayaaraha, waxay aaminsan yihiin in ciyaarta qaybteeda hore ay ku xiran tahay awoodda kooxda (xirfad wanaag, firfircooni, isku kalsooni iyo adkeysiba). Halka qaybta dambe ee ciyaarta, had iyo jeer ay ku xiran tahay hoggaaminta, halabuurka iyo xiriir wanaaga tababaraha. Waxaa u muuqda tababaraha meelaha ciyaarta ka biyo dayn karto, islamarkaasna loo moosi karo inta daadku soo jabsan.

Sidaas darteed, waxay eeda saarayaan tababaraha oo qaybtiisii ciyaarta Harare ka adkaan waayay seddax asbaabood awgeed: (1) Inuu ku degdegay bedelista lambar 19, markii ay kooxda dhalisay goolkana uu xoojin waayay difaaca; (2) Inuu si fiican u aqoon ciyaartoyda, xiriir ismaqalna uusan jirin; iyo (3) Inuu guud ahaan xaaladda kor ka odorasi wayey, go’aan degdeg ahna qaadan waayay, gaar ahaan qaybtii ugu dambeysay qaybta 2aad ee ciyaarta.

Aragtidaas, waxaa ka soo horjeedda koox fikrad kale qabta oo leh: (1) Ciyaartoyda waxay ahaayeen ashaamud xirfadley hoose ah oo dunida darfaheeda laga soo uruuriyay; (2) Ciyaartoyda ma isla jaanqaadi karin, maadaama aysan hore iskula qaadan tababar lixaad leh oo ay isku ciyaar bartaan; iyo (3) Ciyaartoyda ciyaar wanaagooda ma wehlin awood adkeysi jir dhis (90 minutes’ endurance).

Sidaas awgeed, waxay qaladka saarayaan Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Isboortiga oo aan u diyaar garoobin maalintaas oo kale inay soo mari doonto.

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo 2009 markii xulka qaranka uu ka badiyay kooxda Tanzaaniya, tirade guul darrada Soomaaliya la hoyatay waa 27 jeer. Waa laga soo gudbay maalmihii xulka kubadda cagta Soomaaliyeed lagu dhibco badsan jiray. Haddaba, miyaysan guul darrada laga la kulmay kooxda Zimbabwi ahayn guul bilow fiican!

Gunaanud

Guusha iyo guul darradda ciyaarta Soomaaliya iyo Zimbabwi waxay huwan tahay fariimo dhowr ah: (a) In qurba joogta bahda Isboortiga ka baxaan fadhi ku dirirka, kuna dhiirigeliyaan dhallinyarada xirfadleyda ah (professional football players), ee u safata kooxaha dalalka kubadda ciyaaraha ku hormaray, inay u ciyaaraan qarankooda maalinta dhiida ay taagan tahay; (b) In Wasaaradda Isboortiga Soomaaliya ay mustaqbalka uga raadiso deeq waxbarasho da’yarta dunida, gaar ahaan naadiyada hormaray ee Afrika; iyo (j) In dunida aragto in Soomaaliya hadda ka dib aysan qaadan doonin inay ka ahaato tirakoobka “FIFA/Coca-Cola World Ranking” kuwa ugu hooseya (lambar 202).

Balse, arrinka xiisaha leh ee soo jiitay indhaha Soomaalida ayaa ah in Xulka Qaranka Soomaaliya ay ka mid ahaayeen labo cayaartoy oo walaalo ah! waa bisayl ay gaareen Xiriirka Kubadda Cagta. Qofka oo lagu qiimeeyo xirfaddiisa, kartidiisa iyo aqoontiisa waa talaabo dhiirogelin leh, muddana in lagu hambalyeeyo Xiriirka, iyo Wasaaradda.

Cali Cusmaan Cali iyo Haruun Rashid Cumar

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s