Casharkan waxuu la xiriiraa xeerarka laba xaraf oo ka mid ah kooxda 2aad ee xarfaha labalaabma, oo aan ku soo jeedinnay casharkii hore. Kuwaasso ah B & D. Xarafka Ga’da waxaan ku arki doonnaa casharka soo socda ee 4aad.
Ba’da
Ba’da waxay leedahay laba dhawaaq: mid buuxa/culus/adag iyo mid fudud.
Marka erayga uu ka billowdo Ba’da (Bar) ama ku dhamaado Ba’da (Lab) iyo marka Ba’du ay u dhexayso shaqal iyo shibbane (Abqo) ama marka ay B’du labalaaban tahay (Ubbo) dhawaaqeedu waa B’a buuxda ama culus: Bar, lab, iyo ubbo (U fiirso bishimaha way isqabanaayaan.)
Dhawaaqa kale e ba’da oo ah mid fudud ama ah wax u dhexeeya B iyo V
(Markan bishimaha ismataabtaan.): Abaar, Sabuul. Ma jiro eray Ba’da fudud ka billowda ama ku dhammaada; mar waliba laba shaqal dhexdooda ayay ku jirtaa.
Kolka hore aan bixinno tusaalooyin:
Xabbad iyo Xabad.
Abbaar iyo abaar.
Buur iyo abuur.
Tusaalooyinkaas waxay muujinaayaan in dhawaaqa xarfaha aysan isku mid ahayn. Xabbad ba’du waxay leedahay dhawaaq buuxa ama culus xabad-na dhawaaqa ba’da waa mid fudud. Balse eeg kuwan: Bar iyo abqo, cab iyo cabbaar, dhawaaqa waa mid adag. Haddaba sidee lagu gartaa? Far soomaaliga Ba’da waxaa loo dejiyay xeerkan hoos ku qeexan.
1. Marka ereyga uu B ka billowdo, sida: baar, baad, bil, iwm. Ba’ culus.
2. Marka xarafka ba’da uu u dhexeeyo shaqal iyo shibbane, sida:
abris, jilbis, Iblays, Ibta, Ubco, Abtidoon, ibtilo, iwm. Ba’ culus
3. Marka xarafka ugu dambeeya erayga uu yahay b, isna dhawaaqa waa
mid buuxa, sida: qab, lab, cub, danab, kub, lib, qoob, doob, iwm.
4. Marka Ba’da ay labalaabantahay, sida: Ubbo, Cabbaar, Kabbo,
gabbaaad, habboon, jubbad, rabbayn, iwm. Dhawaaqa waa mid buuxa.
Waxaa marka cad in dhawaaqa fudud ee ba’da uu surta galo hal mar keliya, kaasoo ah marka ba’du ay u dhexeyso laba shaqal, sida: abaar, dhibaad, reebaysa, sibir, hobol, dabayl, labaatan, hebed, iwm..
Waxaa jira ereyo oo aan la kala jeclayn in loo qoro BB ama B. Erayadaas waxaa ka mid ah: dabaasha/dabbaasha, cabid/cabbid, iwm.
D iyo DD
Da’du iyaduna waxay leedahay laba dhawaaq oo kala duwan. Mid buuxa/culus (Dad) iyo mid fudud (Madax).
Tusaale:
Baddan iyo badan; Middi iyo midig; caddaan iyo cadaadin, madax muddo, mudac, riddo iyo ridid, kaddar iyo kadeed, iwm.
Badan, madax, midig iwm. xarafka Da’ wuxuu leeyahay dhawaaq sida kan qodobka afka ingiriiska The, ama daalka carabigasida haaaa (kan), meesha badda, muddo, iyo middi ay u leeyihiin dhawaaq buuxa.
Aan eegno xeerka iyo tusaalooyin:
1) Laba shaqal dhexdooda: Gadaal, fadeexo, caado, wade, xaday, xoday,
caday, Cadar, badar, cadaab, budo, bidix, iwm. Waa dhawaaq fudud.
2) Laba shaqal dhexdooda: Waddo, caddaan, caddayn, miidda, cadduun,
budda, iwm. Waa dhawaaq Culus. Waana Labalaab.
3) Marka uu erayga ka billowdo Da’ sida: Dab, Dal.. Waa dhawaaq culus
3) Ereyga D ku dhammaado: cuud, Hanad, hawd, haad, waxgarad, Siraad, curad, iwm. Waa dhawaaq Culus.
4) Shaqal iyo shibbane dhexdooda: foodsaar, fiidmeer, madfac, ladnaan,
keydsane, sedraac, badmaax, abidkiis, haaneedka, midkee. Iwm. Waa
dhawaaq culus
Kuwa dhif ah. Haddii da’du ay u dhexeyso shibbanayaasha ah w,c,q,x, & hamsada(‘) iyo shaqal, sida: Waa kowdii. Qacda hore ayuu baxay. Baqdin iguma jirin. Saaqa way baxday. Da’da hore iyo da’da dambe. Waa Da’ Fudud. Teeda kale ma jiro eray ka billowda ama ku dhammaada dhawaaqa Da’da fudud. Mar waliba Da’da dhawaaqa fudud leh wuxuu u dhexeeyaa laba shaqal.
**
ALIF BA’DA FAR-SOMMALIGA (iyo sida ay kala horreeyan
1. Shaqal gaaban (5): a, e, i, o, u. Shaqal dheer (5): aa, ee, ii, oo, uu.
2. Shibbanayaasha (22):
B, T, J, X, KH, D, R, S, SH, DH, C, G, F, Q, K, L, M, N, W, H, Y, Hamsa (‘).
Axmed Qaasim Cali