Marwo Monica Juma Goorma Ayay Qaladaadkeedii Hore Wax Ka Baran

Geeska Afrika waxaa saameeyey isbeddello isdabajoog ah, ka dib markii mugdi siyaasadeed iyo xasillooni la’aan  muddo dheer hareeraysay. Somaaliyana waxay ka mid tahay isbeddelladaas ka soo iftiimay guud ahaan gobolka.

Arrintaas, waxay dhalisay in Kenya durbadiiba dareento in horseednimadeedii Bariga iyo Geeska Africa, ay ciriiri geli karto dib u soo noolaashaha dowladnimada Soomaaliyeed, tasoo saamayn ku yeelan karta gobolka. Mararka qaar waxaad u malaysaa habdhaqanka Kenya sidii bukaan uu dhaqtar ku soo sheegay cudur oo ay ismoogeysiinayso in dan u tahay inay wax ka beddesho nolosheeda si dhaawac horleh uga badbaaddo. Isdhegammarinta Kenya waxaa saldhig u ah, iyadoo ay ka degi la’ in Soomaaliyada maanta ay ka duwan tahay middii ay u baratay macaamilkeeda.

Sida la wada ogsoon yahay Maxkamadda Caalimiga ee ICJ, ayaa dib loo dhigay dhagaysiga dacwadda u dhexeysay Soomaaliya iyo Kenya, kuna saabsanayd dhulbadeedka Soomaaliya ay Kenya sheeganeyso. Kenya waxay ku marmarsiinyootay dalabkeeda, in ay garyaqaanadeedii dib uga gurteen difaacidda dacwaddeeda, oo ay u baahan tahay muddo kordhin sannad ah, si ay garyaqaanno kale u raadsato.

Maxkamadda ayadoo ka ambaqaadaysa codsigaas, islamarkaasna ka walaacsan dib u dhaca aan qorshaysnayn ee soo foodsaaray, ayay waxay u kordhisay muddo laba bilood ah, taasoo aad uga yar middii ay Kenya codsatay. Go’aanka maxkamadda waxaa laga dhadhansan karaa diidmo farsamaysan oo ay ku diidayso dib u dhac uu ku yimaado garta ay u fadhiso. Halkaas waxaa kaaga cad in shirkadaha garyaqaannada ugu caansan dunida iyo garyaqaannada shaqsiga ah ay doorbidayaan dacwadaha ay ka filan karaan in ay ku guulaysanaayaan, taasoo kor u qaadeysa sharaftooda iyo magacooda. Maadaama uu waqtigu aad u kooban yahay, isdifaaca Kenyana uu dhidibbo adag ku fadhin ayaa waxay u badan tahay in qareenno badan ay isku fogeeyaan difaacidda Kenya.

Waxaase la yaab leh, siyaasadda gurracan ee Kenya oo ay horboodeyso marwa Monica Juma aysan waxba ka dheefin qaladaaadkii siyaassaddeed ee ay gashay labadii sanno ee la soo dhaafay. Kenya waxay weli aaminsantahay in ay awood u leedahay in ay sidey doonto u furdaamin karto dacwadda badda ee kala dhaxaysa Soomaliya.

Maalmo ka gadaal markii ay hubsatay in ay maxkamadda dib u dhigtay qaadista dacwadda, ayay waxay horeyba ka bilowday luggoyntii lagu yaqiin. Maalintii Axadda ee 15ka Sateembar ayay tiri “waxaan doorbideynaa waanwaan ka baxsan maxkamadda, si xal waara looga gaaro garta labada dhinac” (TheEastAfrican, Sabteembar 14 2019).

Juma waxay kaloo raacisay ayadoo hadalka sii wadata “Waxaan doorbideynaa garta noocan oo kale, taasoo ah, haddaad u fiirsato, habka ay mudnaanta siiyaan Qaramadda Midoobay (UN), Isutagga Africa (AU) iyo urur goboleedka IGAD. Sababtoo ah waa sida ugu fursadda weyn oo taabbagelin kara in ay nabadgalyo ku dhammaato garta”. Hadalkaas, wuxuu ifafaale u yahay in Kenya aysan u hoggaamsamaynin go’aanka maxkamadda hadday gartu raacdo Soomaaliya.

Su’aasha meesha taal waa ma suurtoobi kartaa in ay Kenya diido go’aanka kama dambaysta ah ee maxkamadda? Jawaabtu waa maya. Kenya waxay saxiixday in ay u hoggaansamayso maxkamadda ICJ 1963-dii. Maxkamaddana waxay leedahay habab kala duwan ay ku hirgeliso go’aamadeeda oo ay ugu horrayso Golaha Ammanka.

Kenya waxay hadda u ololaynaysaa in ay ku fadhiisato kursiga xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka ee 2021-2022- ka. Marwo Juma waxay waraysi siisay ayadoo ku doodaysaa “Geeska Africa waxay noqotay marinka isgaarsiineed aad muhiim ugu ah adduunwaynaha waxayna horyaala dhibaatooyin amnidarro (Daily Nation, 16 Sabteembar 2019).

Mar haddii ay ka soo horjeedsato go’aanka maxkamadda waxaa hubaal ah in ay dhuminayso fursadda kursigaas oo ay Jabuuti tartanka kula jirto. Waxaa layaab leh, dhuunirraaca Kenya ay marna isku tiriso Bariga Africa oo ay samaysatay Urur Goboleedka Bariga Africa (East Arican Community- EAC), marna Geeska Africa oo ay ku doodayso in ay ayadao horjooge u tahay. Haddaan si kale u dhigno, Kenya waxay si bareer ah marar badan u horistaagtay ka mid noqoshada Soomaaliya urur goboleedka EAC. Laakiinse waxaa ka sii yaab badan markay u fududaysay Koonfurta Suudaan in ay ku biirto EAC 2016-kii, ayadoo madaxbanaanayd 5 sano oo kaliya.

Hadal kale oo dareenkayga soo jiitay ay tiri marwo Juma ayadoo siinaysa wareysi muuqbaahiye ka mid ah kuwa maxalliga ee dalka Kenya (KTN News Kenya), aya ah “Sidaad la socoto annaga iyo Soomaaliya waxaa horey u kala saxiixanay heshiis is-afgarad ‘MoU’ 2009kii kasoo qoraayey haddiiba ay dhacdo in uu muran ka dhasho badda labada dhinac in lagu xalliyo hab wadaxaajood nabadeed”.

Sida ka muuqata, marwo Juma waxay iska maaweelinaysaa halku maantay mowqifku taagan yahay iyo sababta keentay arrinku meeshuu maantay marayo. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ” Beenaale waxaa sira xasuus-xumi”. Bal aan xasuusino haddii ay xasuusteeda yaraatay.

Waa run in uu heshiis is-afgarad labada waddan kala saxiixdeen 2009kii. Laakiinse marwo Juma waxay ku indho-adeegaysa arrin ka baxsan heshiis is-afgaradka. Heshiisku wuxuu ku saabsanaa in labada dowladood ay midba midda kale ay ka horistaagin codsigeeda xaddaynta sare ee Hoobad Qaaradeedka (Continental Shelf). Heshiiska waxaa uu kaga gaabsaday xallinta wixii khilaafaad ah ee ku saabsan xadaynta badda ee labada dal ay wadaagaan ka heshiiyaan. Habka loo heshiinaayo, meesha lagu sheegin, sidoo kalena cidda heshiinaayso kuma xusnayn. Heshiiska marnaba uma aqoonsanayn Kenya lahaanshaha aagga muranka dhaliyey. Laakiinse, Kenya ayadoo og arrintaas ayay gacandhaaf ku samaysay heshiiska waxayna si bareer ah uga xaraashtay bishii Juunyo 2012 shirkadaha shidaalka ee Eni iyo Total oo Talyaani iyo Faransiis kala ah.

Waxaa su’aalshu tahay, haddii ay Kenya daacad ka tahay maxay u afgembisey heshiiska is-afgaradka ay hadda ku marmarsiyoonayso?

Intaas arrinku kuma eka, ee markii ay Soomaaliya kaga dacwootay UN-ka in Kenya marin-habaabisey heshiiska dhexyaalay ayaa Kenya lagu qasbay in wadaxaajood lagasho Soomaaliya. Labadii shir ee hore waxaa martiggelisay Nayroobi. Mas’uuliyiintii Keenyaatiga waxay la soo shirtageen dhulka annaga ayaa leh. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ee uu waqtigaas Dr. Cabdiraxman Bayle ayaa warqad u qoray dhigiisa Kenya oo uu ku leeyahay “meeqa ayaad rabtaan inuu arrinku sidaan ku sii socdo ayadoon wax miro dhal lahayn shirarka noocan?”

Keenya waxay ka soo jawaabtay ayadoo codsatay in mar seddexaad la kulmo. Akhristow arrintaas si fiican ula soco. Dowladda Soomaaliya waxay aqbashay codsigaas, waxaana lagu ballamay Muqdisho in shirka lagu qabto 25kii ilaa 26kii Agoosto 2014. Kenya ballanti ayay ka baxeen, mana aysan imaanin shirka. Taa waxaaba ka darnaa, maamuus xumada iyo yasidda ay Soomaaliya u muujiyeen ayagoo aanan wax cudurdaar ka bixin sababta ay u maqnaadeen maqnaadeen. Soomaaliyana ayadoo ka caraysan islaweynidda Kenya dacwo hordhigtay maxkamadda ICJ, 28 Agoosto 2014.

Intii waqtigaas ka dambeyey, marwo Juma iyo dowladdeeda waxay marar badan cunaqabatayn iyo aflagaaddo joogta ah la dabasocdeen shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda. Haddaba waxaa arrin lagu qosla ah in maanta ay marwo Juma ay fagaare kasta la soo taagan tahay in ay Soomaaliya ay u carartay maxkamad ayadoo ay waddooyin kale oo badan ay u furnaayeen iyo in Soomaaliya dan ugu jirto in wadahadal ka baxsan maxkamadda lagu xalliyo arrinta.

Waxaan leenahay marwo Juma, waddooyinka aad sheegayso adigaa hore u xiray “waagaad isla waynayd.” Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa “Mar i dage Allahaw dego, mar labaad i dagase anaa isdagay.” Marka Kenya ha ku adkaysato islaweynideedii illeen “gar laba nin kama wada qoslisee”.

Cusmaan Maxamed iyo Cabdulqaadir Cariif

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

One comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s