Dowladda Soomaaliya Ma Ku Xujoobi Doontaa Waxbarasha La’aanta Jiilka Da’da Yar!

Toddobaadyadii la soo dhaafay, waxaa magaaladda Addis Ababa ka socday kulammo wax ku ool ah oo dhexmaray Hay’adaha Maaliyadda Adduunka (IMF iyo World Bank), qaar ka mid ah Deeq Bixiyeyaasha, Dowladda F Soomaaliya, Bankiga Dhexe, iyo xubno ka tirsan Golaha Shacabkaba.

Waxaase isweyddiin mudan, maxay xildhibaannadu iyaguna ka dooneen Addis Ababa, muxuuse shirku kaga duwanaa kuwii ka horreyay?

Tan iyo sanadkii tegay, dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha maaliyadda adduunka waxay saddexdii biloodba mar ka shiraayeen, halka hawlqabadka dibuhabaynta maaliyadda iyo lacagta ay maraayan, si loo qiimeeyo horumarka laga gaaray gaaritaanka yoolalka deyn cafiska.

Si kastaba ha ahaatee, Bankiga Adduunka iyo IMF-taba waxay bogaadiyeen dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka, balse Bankiga Adduunka waxuu ka dayriyay heerka akhris iyo qoris la’aanta jiilka da’da yar oo khatar ku ah koritaanka muddada dheer ee dhaqaalaha dalka.

Inkastoo, warbixinta Kooxda Barnaamijka Dabagalka Deyn Cafinta ay siiyeen Wakaaladda Sonna aan lagu soo bandhigin khatartaas, haddana, su’aashu waxay tahay, maxaa isku xiray habraaca deyn cafinta iyo waxbarashada jiilka da’da yar ee dalka?

Mar kastaba dalalka ka dhursugaya deyn cafiska waxaa laga rabaa buuxinta shuruudaha horumarka. Sidaas darteed, kor u qaadista waxbarashada jiilka da’da yar ayaa fure u ah: (b) kor u qaadidda wax soo saarka, (t) joogtaynta dib u soo kabashada dhaqaalaha, (j) kor u qaadidda kobcinta dhaqaale loo dhan yahay, iyo (x) xadeynta saboolnimada (Jamhuriyadda – July 18, 2018).

Sida muuqata, ku qorista carruurta dugsiyada hoose ee dalka ayaa ka hooseeya 32% isku celcelis ahaan, iyadoo boqokii 75 dadka Soomaaliyeed yihiin da’ yar, sida ku cad warbixin ay hay’adda UNFPA ee Qaramada Midoobay soo saartay 2018kii (Jamhuriyadda – December 6, 2018).

Dhinaca kale, siyaasadda maamulka iyo uruurinta canshuuraha oo gacan ka geysatay inuu kordho dakhliga guddaha boqolkiiba 29 sanadkaan, ayaan ku filnayn daboolista kharashyada adeegga bulshada.

Hay’adaha maaliyadda adduunka waxay saadaalinayaan inuu GDP-ga kori doono sanadkaan 2.9 boqolkiiba, iyadoo la filayo in xilliga dhexe uu kordhi doono 3.2 ilaa 3.5 boqolkiiba. Filashada kobacaas, waxay ku xiran tahay awoodda sii wadista hirgelinta dibuhabaynta dhaqaalaha dalka.

Inkastoo loo riyaaqay horumarkaas dhiirrigelinta leh, haddana dowladda Soomaaliya waa inay diiradda saarto kordhinta dadaalka dakhli uruurinta Maamul-Goboleedyada xubnaha ka ah DFS inta aan la gaarin yoolka “decision point” (Jamhuriyadda – July 18, 2018).

Sideedaba, deyn cafisku wuxuu ku xiran yahay buuxinta afar xaaladood: (1) In hannaanka siyaasad-dhaqaale lagu maamulo hufnaan; (2) In laga fogaado amaah dambe oo qaali ah; (3) In la diyaariyo istaraatiijiyada lagu yareynayo saboolnimada; iyo (4) In la maalgeliyo fidinta adeegyada asaasiga u ah bulshada (Jamhuriyadda – December 3, 2018).

Shirka waxaa ka muuqda, in Wasaaradaha Maaliyadda, Qorshaha iyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ay ku dhaw yihiin buuxinta qodobbada kore, inkastoo fidinta waxbarashada carruurta ay dowladda ku xujoobi doonto, haddii aan loo helin kaalmo iskaashi-dhaqaale, amase maalgelin-horumarin oo kaba dakhli yaraanta dalka.

Walow si fudud aan dayn laysugu cafinayn, haddana dhaqaaleyahanada qaarkood ayaa ku doodaya in deyntu si gaar ah u cadaadinayso fidinta adeegyada aasaasiga ah ee ay waxbarashada ka mid tahay, loona baahan yahay in beesha caalamka si dhaqso leh gacan uga geystaan, si dalku u xaddido saboolnimada baahsan.

Mudane Hugh Riddell oo ah Wakiilka Bankiga Adduunka u fadhiya Soomaaliya ayaa yiri “Soo jiidashada qaybta waxbarashada ee Soomaaliya maalgelin dowladeed iyo mid gaar ahaaneedba waxay aasaas u tahay xasilinta saboolnimada, iyada oo la raacayo rajada Qoorshaha Horumarinta Qaranka ee cusub;” (World Bank – September 5, 2019)

Waddada deyn-cafinta waa mid aad u dheer oo qallafsan, waayo dalna dhaqaalihiisa ma hagaagayo, ayadoo shuruucda aysan u jahaysneyn jawi ganacsi xur ah. Si taas loo helo, mus’uuliinta Bankiga Adduunka waxay si gooni ah ula kulmeen xubnaha Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda ee Golaha Shacabka.

In badan oo ka mid ah hindiso sharciyeedyada la yaal labada aqal ee golaha, ayaa muhiim u ah hirgelinta howlaha dibuhabaynta, sida sharciga maamulka maaliyadda iyo la dagaallanka argaggixisada (anti-money laundering and combatting the financing of terrorism).

Inkastoo, aysan ahayn markii ugu horreysay oo xildhibaanno Soomaali ah ay iskugu tagaan caasimadaha deriska, haddana “kulunka Addis Ababa wuxuu u muuqdaa mid soo kordhiyay wanaagga iyo wadashaqeynta hay’adaha sharci-dejinta iyo kuwa fulintaba,” ayuu yiri Cabdalla Jaylani oo wax ka qora arrimaha dhaqaalaha.

Deyrtii dhaweed (2018), xubno ka mid ahaa Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Golaha Shacabka ayaa si qaanuunka baalmarsan u shaaciyay warbixin sheegaysay in dhaqaale fara badan uu ku maqan yahay xukuumadda, iyadoo xisaab xirka sanadeedka uusan idlaan.

Hantidhowraha Guud ee Qaranka, Mudane Maxamed Maxamuud – Afgoye, ayaa horey u yiri, “Guddiga xoghubin kama dalban Xisaabiyaha Guud iyo Hantidhowrka Qaranka toona,” (Hiiraan Online – Nove 23, 2018).

Fudaydkaas, wuxuu sigay inuu waxyeelleeyo dadaalka dibuhabaynta hay’adaha maaliyadda iyo lacagta dalka, walbahaar geliyo maalgeliyayaasha gudaha iyo dibedda, qalbi jibiyana dalalka deynta ku leh Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka.

“Wada shaqeynta hay’adda sharci-dejinta iyo kuwa fulinta waxay kor u qaadaysaa kalsoonida dunida ku qabi karto habsami u shaqeynta dowladnimo Soomaaliyeed,” ayuu raaciyay Cabdalla Jaylani.

Inkastoo dowladda Soomaaliyeed ay siisay ahmiyad weyn dibuhabaynta dhaqaalaha, hirgelisayna jaangooyadii loo dhigay, sida meelmaritan guddiga madaxbanaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa, haddana si loo gaaro yoolka “decision point,” golaha sharci-dejinta waa inuu si dhaqso leh u ansixiyaa hindise sharciyeedyada hor yaal.

Sidoo kale, dowladda waa inay diiradda saartaa carruurta qoysaska danyarta ah, abuurtana dugsiyada waxbarashada dadka waaweyn si loo bartilmaameedsado kuwa aan horey u helin fursadda waxbarashada, si ay u qaaddo tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah kor u qaadista waxbarashada oo saameyn lixaad leh ku leh dhimista saboolnimada, iyo ilaalinta jawiga deggenaanshaha dhaqaalaha.

Inkastoo, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada daah furtay siyaasadda daryeelka bulshada, islamarkaasna Bankiga Adduunka ballanqaaday inuu gacan ka gaysan doono  taabbagelinta siyaasadda daryeelka bulshada, taas oo bilow u ah fidinta adeegga bulshada, haddana waxbarashada carruurta oo laga ilduufo amase dib u dhacda waxay xujo ku noqon kartaa hannaanka deyn cafinta dalka.

Cabdulqaadir Cariif Qassim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

3 comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s