G iyo GG
Waxaa tusaalooyinkaan hoose ka cad in Ga’du ay leedahay laba dhawaaq oo midna adag yahay midka kalena fudud yahay.
Tusaale:
Bogga iyo boga. Raggee? iyo Raage.
Xaggaa iyo xagaa. Hogga iyo hooga!
Ruugga iyo ruga. Doog iyo dagaal
Marka tusaalooyin aan ku muujinno xeerka u degsan:
- Laba shaqal dhexdooda (G): Sagal, sagaal, beegan, cagaar, Magan, Magool, Mooge, dugul, fagaare, iwm. Waa dhawaaq fudud.
- Laba shaqal dhexdooda (GG): hooggaan, bogga, ragga, mugga, deggan, faraggal, gaaggaab, siigga, iwm. Labalaaban. Waa dhawaaq adag
- Ereyga Ga’da ka billowda: god, goob, goodir, gorgor, Guuleed, goor, geel, iwm. Waa dhawaaq adag/culus/buuxa
- Eyeyga Ga’ ku dhammaada: rag, mug, dig, edeg, iwm.Waa dhawaaq adag
- Shaqal iyo shibbane dhexdooda: megdan, argeeg, ergo, cagbaruur, wigle, fargal, mugdi, iwm. Waa dhawaaq adag
Sida muuqata dhawaaqa culus ee Ga’ wuxuu suurta galaa marka uu ereyga uu ka billowdo Ga’ sida: God, ama Ga’ ku dhammaado: Bog, amase, ma Ga’da u dhexaysa shaqal iyo shibbane: Mugdi, iyo marka Ga’da ku dhex jirta laba shaqal balse laballaaban tahay: oggol, iwm.
Ugu dambayntii mar waliba dhawaaqa fudud ee Ga’ wuxuu u dhexeeyaa laba shaqal: Dagaal, ogaal, ragaad, magaan, fagaare, xagal, magaalo, negow, ugaar, iwm.
U fiirso: Haddii xarfaha W iyo Y ay u dhaqmaan sida shaqal-u-yaal (Semivowel) dhawaaqa G wuxuu noqonaayaa mid fudud, sida: Meygaag waa geed. Cadawga iga dhici. Kayga isii, Gelowga cidiisa, iwm[i]
LAMMAANIN
Sidaan horey u aragnay erayada la lammaaniyay waa kuwa ka kooban laba erey kuwaasoo yeelanaaya micne hor leh.
Dan+wadaag danwadaag. Xeel+dheer xeeldheer. Dab+xir dabxir. Xeer+ilaaliye Hagar+bax hagarbax.
U fiirso : baadi+goob baadiggoob. Ga’da goob waxay leedahay dhawaaq adag; haddaba markaan labada eray isku lammaaninno Ga’da waxay ku jirtaa laba shaqal dhexdooda, marka si dhawaaqa uu u ahaado G adag waxaa khasab ah in la laballaabo: baadiggoob.,sida Caanaggeel, Labaggaras, dabaggal, indaggashi, cagaggub, balse u fiirso: indheergarad, isafgarad, iwm.
Haddii lammaanintu ay keenayso inuu meesha soo galo dhawaaq hor leh, markaas waa khasab in la kala gooyo lana addegsado jiitin gaaban:
Gows+haysad gows-haysad (Ma aha gowshaysad), sababtuna waaa SHa’da ka dhalatay iskuduubidda. Balse eeg; gows+danbeed gowsdanbeed. Mar waliba waxaa wanaagsan in qoraha uu qaammuska agtiisa dhigto si uu u hubsado higgaadda toosan ee ereyga.
Ereyga Mad-hab isna waa khasab in la kala gooyo oo jiitin gaaban la adeegsado, balse Mac-had dadbaa kala gooya balse khasab ma aha mana loo baahna.
Lamaaninta markay shaqaallada ishardiyaan ama laga baqo in la garan waayo waa lakala gooyaa jiitin gaabanna loo adeegsadaa[ii] sida:
Ina-abti, ina-adeer, ina-eeddo, iwm., balse inahabreed ama ina-habreed sababtoo wax wareer keena sooma galin. Ogow ina– iyo ilma waa iskumid: ilma-adeer, ilma-eedoo iwm. Haddana eeg: Daba-orod, Dagaal-aqoon. Balase eeg: Dagaal+gal dagaalgal.
Erayga Af, naxwe ahaan ah magac guud oo lab ah (Common nouns, masculine) marka loo adeegsanayo in lagu nudo dad waxaa caada noqotay in la addegsado jiitin gaaban mase aha khasab: Af-hindi, Af-qalaad, Af-soomaali, Af hindi, af qalaad, af soomaali iwm. Jiitinta gaaban adeegsigeeda wuxuu ku badan yahay ereybixinta sayniska.
Falalka layeelaha ku noqonaaya, waa kuwa af-ingiriiska lagu yiraahdo reflexive verbs, sida: ismoogeysiin, ismaris, isbahayso, isbeddel, iwm.
Koley tahay magacyada ka billowda is iyagana waa laysku qoraa dabcan sida: isbahaysi, isboondhays (geed), isbitaal, isbig (turub), isgaarsiin, iwm.
Balse u fiirso: is-afdhaaf, is-afgaranwaa, is-hayso, isu-ekee, iwm.
Qodobbada (Articles) waa khasab in lagu nudo magaca (Nouns) sida: Ninka, buugga, raha, faraca, naagta, usha, bisha, eyda, iwm.
Si aan u wadanno casharradenni Higgaadda waxaa haddeer ka dib loo baahan yahay inaan wax yar ka taabanno Naxwaha Af Soomaaliga. Weli waxaa noo dhiman: qoraalka Habka kooban iyo habka fidsan, qaybaha hadalka (Parts of speech) oo marka la qoraaya iskooda u istaaga ee aan lagu qaban karin wax kale.
Axmed Qaasim Cali
[i] Marka w&y (Semi-vowel) ay dhaqman sida shaqal, si loo helo dhawaaq G culus waa in lalabalaabaa sida: Dawggal, cawggiir. Iwm
[ii] Dadka Naxwaha ku xeel dheer waxay ku talinaayaan in xarriqinta ama jiitinta gaaban la adeegsado marka allenaynta (Allen waa syllable, allanaynta waa erayga lonqaybiyo. ) erayga aysan iswaafaaqasanayn. Eeg buugga Prof. Maxamed Xaaji Xussen Raabbi (JUS) buuggisa: Naxawaha Sifeyneed ee Af Soomaaliga, Muqdisho 1995. Qoraagan wuxuu Lammaanaynta yiraahdaa Jibaarayn.