Yaa Sharciga Ku Xadgudbay: Sheikh Shariif, Xasan Sheikh iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo!

Madaxweynihii DKG Sheikh Sharif Sheikh Axmed ayaa laga horjoogsaday inuu ka dhoofo garoonka magaalada Muqdisho xilli uu ku sii jeeday magaalada Kismaayo, si uu uga qaybgalo caleemosaarka Mudane Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Taas waxaa xigay, war sheegaya in Waaxda Duullimaadyada Rayadka ay soo saartay amar gebi ahaanba lagu xannibaayo duulimaadyadii tegayey magaalada Kismaayo laga bilaabo September 23, illaa 26, 2019.

Labaddaas dhacdo oo is xigay, waxaa ka dhashay inay shir jaraa’id oo kala gooni ah qabtaan Madaxweynihii DKG Sheikh Sharif Sheikh Axmed, iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamud. Waxay eed dusha u saariyeen xukuumadda, ayagoo ku  dhaliilaya ku tumashada Dastuurka, gaar ahaan qodobka 21, farqaddiisa 1aad, ee qeexaysa xaqa dhaqdhaqaaqa muwadinka. Sidoo kale, waxay tilmaameen in awoodda maamulka hawada xukuumaddu u adeegsanayso hub siyaasadeed.

Waxay ka ilduufeen, in xukuumadda xaq u leedahay inay qayb ama gobol dalka ka mid ah ku soo roggi karto “bandoow,” haddii ay xogta sirdoonka ay hayso sheegayso inay jiraan khatar amni. Hase yeeshee, amarka lagu xannibaayay duulimaadyadii gebi ahaan, waxuu xadgudub ku yahay xuriyada muwaadiniinta aan qaybta ka ahayn xiisadda siyaasadda ka taagan Jubbaland, loogana cabsi qabin inay huriyaan colaad.

Dowladda waxay ka kooban tahay ​sida uu qeexayo dastuurka saddex awooddo oo kala madaxbanaan haddana is dheeli tiraya, kuwaas oo kala ah: (1) Sharci dejinta; (2) Fullinta; iyo (3) Garsoorka.

Mudane Sheikh Sharif Sheikh Axmed, iyo Mudane Xassan Sheikh Maxamud waxay aheed inay qareeno qabsadaan dacwadoodana u gudbiyaan hay’adda garsoorka (maxkamad), halkii ay u dacwoon lahaayeen Beesha Caalamka (international community) amase u durbaan tumi lahaayeen colaad qabyaalad oo dhici karto inay dib dalka ugu celiso dagaalkii sokeeye.

Hay’adda Garsoorka waxay qaadaa dacwaddo, fulisaana xuku​nno dil ah, islamarkaasna waxay xuriyada ka qaadaa muwadiniin kuna xukuntaa sanaddo badan. Haddii aysan siyaasiyiintu ku kalsoonayn, siday bay xukunno adag ugu fulin kartaa muwaadiniinteena! Miyaan loo sineen sharciga!

Dhinaca kale, Xukuumadda (La Taliyeyaasha Sharciga ee xukumadda, Xeer Ilaalinta Qaranka iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud), waxay ku fashilmeen inay maxkamadda barwo (warrant) uga soo jaraan amar (awaamiir) lagu xanibayo dhaqdhaqaaqa safaradda shaqsiyaadka (siyaasiyiinta) lagu tuhmayo inay khalkhal gelinayaan amaanka iyo degenaanshaha dalka, gaar ahaan Kismaayo, darajo iyo maamuus kasta ay huwan yihiinba.

Xasiloonida siyaasadda, ee horseeday inay xukuumada shaqayso ku dhowaad seddex sano waxay ku timid labo arrimood oo dalka horey looga la’aa: (1) Ra’iisul-wasaare iyo Madaxweyne is waafaqsan, haddana ku wada shaqeya siyaasadda iyo qorshe ay wada taageersan yihiin; iyo (2) Aqlabiydda baarlamaanka oo taageersan siyaasadda xukuumadda.

Haddaba, Mudane Sheikh Sharif Sheikh Axmed ma waxuu doonayaa baarlamaan luqunta uga maran xukuumada, si hawlihii qaranka u curyaamaan mise Ra’iisul-wasaare aan ku shaqeyn siyaasadda madaxweynihiisa, sidii caadada u ahayd xukumadihii shalay! Habkaasi soo dib u dhac hor leh kuma ahaan lahayn dalka!

Dhanka kale, Mudane Sheikh Sharif Sheikh Axmed waxuu ka dhawaajiyay inaysan jirin dib u heshiin dhab ah. Tani miyeysan ka horimanayn, in la duubo nin isduubay sida Mudane Axmed Madoobe oo diidan doorasho loo dhan yahay. Mise mudanuhu wuxuu qaatay aragtida xukumadda ee leh, dib u heshiisiin ka dhacda Jubbaland waa lagama maarmaan!

Madaxweyneyaashii hore, Mudane Sheikh Sharif Sheikh Axmed, iyo Mudane Xassan Sheikh Maxamud waxay ku dhaarteen intii aysan fadhiisan Madaxtooyada Soomaaliya inay dhowrayaan, ilaalinayaanna dastuurka, sharciyadda iyo xeerarka dalka u yaal! Ereyada kicinta (incited) iyo dhiirogelin dagaalsokeeye ee ka soo yeerayay ma aha kuwo waafaqsan wacadkaas, balse waxay meel ka dhac ku yihiin midnimadda ummadda, waxaana loo maxkamadeyey dad badan oo dunida ​door hoggaan ku lahaa.

Doorashada Mudane Axmed Maxamed Islaam Madoobe waxaa aqoonsaday dowladda Kenya, kadib markii ay danteeda ka dhex aragtay. Haddaba, taageerista doorashadaas miyeysan ahayn iska indha tirka go’aanada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo weliba mowqifka xafiiska QM ee Soomaaliya, si loo dhabqiyo xasiloonida iyo degenaanshaha.

Cabdalla Jaylaani oo wax ka qora siyaasadda ayaa aaminsan marka sharciga dib loogu noqdo, “in ka horimaa​nshaha xasiloonida iyo degenaanshaha ay xadgudub ku yihiin amniga dadweynaha (public security), amaanka qaranka (national security) iwm.”

Intaba waxaa ka daran, in siyaasiyiinta olole siyaasadeed u adeegsadaan dhiiga ciidamadooda dagaalka xagjirta kula jira. Waxaa nasiib darra ah, in dhiiga XDS loo isticmaalo siyaasad, taas oo dhaawacaysa sharafka ciidanka iyo xurmadda waalidiintii nafhureyaasha qaranka. Siyaasigii arrintaas ku xadgudba miyuusan ogeen inuu noqon doono “tuke cambaar leh,” taasna waxay horseedi doontaa inuu siyaasadda ku fashil​mo.

Falanqeeyaasha siyaasadda Soomaaliya waxay rumeysan yihiin in Kenya ay doonayso mucaaradka xukuumadda inay ku midayso taageerada Axmed Madoobe, si Kismaayo u noqoto xarun laga furfuro siyaadda dowladda, taasna waxay dhabar jab ku tahay “amaanka qaranka – national security.”

“Walow, tiro koobka ciidamada, dibuhabaynta dhaqaalaha​, maamulka hawada, iyo dib u heshiisiinta Galmudug ay ahaayeen riyo ka fog xaqiiqda, haddana waxaan shaki ku jirin in dib u heshiisiin iyo doorasho loo dhan yahay ay ka suurtogeli karto Jubbaland,” sidaas waxaa yiri Cigaal Yare oo falanqeeya siyaasadda gobolka.

Labad Madaxweynnayaal ee hore [oo aan filayno cid waliba inay ka badiyaan sharciga, dawladnimada iyo Dastuurka] waxay ku hadleen waxay ka weyn tahay gefka ay tirsanayaan in laga galay. Marka hore, waa dhiillo dagaal qabiil oo dalka dib ugu celinaaysa dagaalkii sokeeye. Marka xigtana, la safnaashaha gadoodka “Madoobe” waa sharcidarro iyo boob awood. Ugu dambeyntii, mowqifkooda wuxuu xigaa siyaasadda Kenya ay dalka ku dumineyso! 

​Dhowrista sharuucda dalka u yaal, iyo ixtiraamka go’aanadda hay’adaha dastuuriga, waa dhabada lagu gaari karo horumar iyo nabadgelyo, islamarkaasna lagu hanan karo quluubta shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa hubaal ah inay muwaadiniinta Soomaaliyeed dhadhamiyeen xanuunka iyo dhibka ay leedahay dowlad lagu dumiyo kacdoon, iyo siyaasad qabyaaladaysan. Xigmad Soomaaliyeed ayaa odhanysa “dab (deb) aan lagu guban dambaskiisa lagama durgo.”

Cabdulqaadir Cariif Qassim iyo Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

2 comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s