Faallo: Gadoodka Madoobe, Gorgortan La’aanta Dowladda iyo Garowsi La’aanta Mucaaradka

Muddo bil iyo bar ku dhow, ayaa Mudane Axmed Maxamed Islaam Madoobe lagu eedeyay inuu boobay doorashadii Maamul-Goboleedka Jubbaland. Siyaasiyiinta qaranka ee mucaardka ah qaarkood waxay la safteen talo xumidii Axmed Madoobe, halka dowladda dhexe ay ku adkeysatay go’aankeedii ahaa inaysan aqoonsan doonin natiijada doorasho aan marin hannaan sax ah, raallina aysan ka ahayn dhinacyada ay khusayso.

Taas waxay sababtay amni darro ka sokow, walwal badan oo laga qabo hoos u daaddejinta hannaanka dimuqraaddiyeenta dalka iyo faraggelinta dowladdaha shisheeyaha ee dantooda ka dhex arka khilaafadka siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Haddaba su’aashu taagan ayaa waxay tahay: Sidee xaaladdan cakiran looga gudbi karaa, si wadajir ah?

Doorashada Maamul-goboleedka Jubbaland waxa ka qaldamay ma aha oo keliya mushkilad siyaasadeed ee waa mid caddaaladeed. Sidaas awgeed ma sahlana in jawaab loo helo, iyadoo aan dib loo eegin tixanaha dhacdooyinkii tegay iyo kuwa taagan, si loo dhirindhiriyo xal ku dhisan xigmadda murtidan: “Sidee xeega loo xagtaa ilkana ku cayntaan/ nabadgalaan.”

Ma aha markii ugu horreysay oo Mudane Axmed Maxamed Islaam Madoobe  uu carqaladeeyo geeddi socodka dimuqraaddiyad nabdoon, isagoo kaashanaya awood shisheeye. Ha’ahaatee, doorasho la boobo waxay dhashaa digtatooriyad quursata codka dadka, taasoo ah waxa dumiyay dalka!

Dhinaca kale, haddii aad fiiriso dawadii ay dalka u qoreen deeq bixiyeyaasha reer galbeed, oo ahayd doorashooyin dimuqraaddiyad xur iyo xalaal ah, waxay la timid jahawareer hor leh.

Haddaba, gadoodka Axmed Madoobe iyo ka gorgortan la’aanta dowladda dhexe ee aan haysan awood ay ku fuliso go’aannadeeda, waa waxa qasbaya in si wadajir ah loo raadiyo xal macquul ah, oo misna raali laga wada yahay, iyadoo dulmiga noocaas oo kale ah aan waddo loo fureyn.

Sideedaba, xalka khilaafaadka doorashooyinka wuxuu ku imaan karaa laba wadiiqo midkood:

b. In la raaco habka dunida dimuqraaddiyadda ku dhaqanto oo ay ku xaliyaan dhammaan khilaafaadka la xiriira doorashooyinka, oo ah in la hortago maxkamad garteedu tahay kama dambeyn. Maanta, taasi suurtagal uma aha dalka, waayo dastuurku wuxuu u baahan yahay qabyatir; ama

t. In dib loogu noqdo dhaqanka Soomaaliyeed ee suubban, si sulux loo dhex dhigo dhincyaha iska soo horjeeda.

Waxaa muuqata, in kooxda Axmed Madoobe inaysan ku sugnayn hilin lagu gaari karo  xalka Jubbaland, sidoo kale xildhibaanada ka soo horjeeda xukuumadda iyo xukuumadda lafteedaba.

Haddaba, su’aasha xiisaha leh ayaa waxay tahay: Yaa gogol sulux lagu gaaro fidin kara?

Intaan doodda la gunaanadin, waxaa muhiim ah inaan qiimeyno xaaladda dhabta ah ee  ka jirta aagga. Kolka hore, Maamul-goboleedka Jubbaland oo ka kooban seddax gobol, waxaa muuqata in kooxda Axmed Madoobe aysan gacanta ku hayn gobollada Gedo iyo Jubbada Dhexe, iyadoo weliba degaanka Jubbada Hoosena ay xagjirka la wadaagan.

Dhinaca kale, waxaa muuqata in dowladda dhexe ay ku guuleysatay dagaalkii xagjirka ee gobolka Shabeellada Dhexe iyo Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed. Sidoo kale, waxaa muuqata in dowladda ay abaabul ugu jirto sidii ay xoog u saari lahayd xureynta gobolka Jubbadda Dhexe. Taas waxay u egtahay in xagjirka loo hagaayo dhinaca Jubbada Hoose.

Dowladda Kenya oo ka soo horjeedda istrateejiyadaas, ayaa iyana ka bilowday weerarro cirka ah gobolka Gedo, si ay u carqaladeyso dadaalka isku gurmadka ciidamada dowladda ee gobolladda Gedo, Bakool iyo Bay.

Kenya waxay ku xisaabtameysaa haddii ciidamada gobollada Bay iyo Bakool ay ka ilaaliyaan dhabar jab kuwa Baardheere lagu uruurinayo, taasi ay suurtaggelin karto in Kismaayo si sahlan gacanta xukumadda ugu dhacdo, walow ilo wareedyo xog’ogaal ah oo ku dhow madaxtooyadda ay sheegayaan in qorshe noocaas ah aysan xukuumadda wadan.

Xaqiiqada kale oo u baahan in la tixgeliyo waxay tahay, in dib u heshiisiintii Maamul-Goboleedka Galmudug ay dowladda ku aflaxday.

Haddaba, haddii doorashada Maamul-Goboleedka Galmudug ay u dhacdo si raali laga wada yahay, halkaas waxaa ku wiiqmi doono awoodda gorgorka Axmed Madoobe.

Haddii aan dib ugu soo laabanno su’aashayadii ahayd yaa gogosha fidin kara oo haybad, xikmad iyo xushmadba wada heli kara, maaddaama bulshada rayidka ah oo abaabulan ay tabardaran tahay, mucaaradkana uusan garwaaqsaneynba sida xaalka u xun yahay, jawaabta waxay u baahan tahay inaan lagu degdegin, iyadoon la helin jawigi uu suluxa uu  ku suurtaggeli lahaa.

Si doodaha horey loogu sii wado, miyaysan habbooneyn in hay’addaha dastuuriga ah ee dalka la siiyo doorkooda dib u dhiska dowladnimo loo dhan yahay?

Haddaba arrintaas waxay u muuqata inaan looga maarmin in Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka loo xilsaaro inuu dhigo gogol qaran.  

Cabdi Xaashi khibraddiisa siyaasadeed ka sokow, wuxuu leeyahay waayo aragnimo gaamuurtay iyo waddaninimo biyo kama dhibcaan ah. Sidaas waa sida u muuqato in lagu soo afjari karo gadoodka Axmed Madoobe, gorgortan la’aanta dowladda iyo garowsi la’aanta mucaaradka.

Tifaftiraha Jamhuriyadda

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda faallada waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s