Siyaasadda Farmaajo iyo Khayre ee Galmudug Ma Guulaa Mise Waa Gebidhac?

Shirweynihii dib u heshiisiinta Galmudug oo muddo dheer ka socday magaalada Dhuusamareeb, ayaa si rasmi ah Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo u xiray. Shirkaas waxaa ka qaybgalay 356 ergo oo ka kala yimid dhammaan deegaannada Maamul-Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya.

Inkastoo ergadu si habboon ay u soo gunaanadday shirkii oo aan isdiidma lahayn, haddana dib u dhisidda maamul sal adag leh ee Maamul-Goboleedka Galmudug ma shiddo yara (Jamhuriyadda 07/03/2019).

Gobolku wuxuu ku sugnaa khilaaf iyo isdiidmo joogta ah oo ka dhaxeeyay hoggaanka fulinta iyo midka sharci-dejinta, tan iyo maalintii uu unkamay maamul-goboleedka. Dhaqankaas iyo gorgortan la’aantii Ahlu-sunna waxay curyaamiyeen adeeggii loo fidin lahaa bulshada iyo horumarkii degaankaba.

Si kastaba ha ahaate, jawiga doorashada Galmudug waxaa laga filayaa inuu isbeddel keeno oo ah maamul mideysan iyo xasillooni siyaasadeed oo waara, iyadoo laga faa’iidaysanayo casharradii laga bartay khilaafadkii dib u dhigay gobolka.

Sheikh Maxamed Shaakir ayaa horey u yiri, “aniga iyo saaxiibkay Axmed Ducaale Geelle Xaaf dib dambe uma tartami doonno” (Jamhuriyadda 07/03/2019).

Haddaba, su’aasha waxay tahay:  Qaabkeebaa maamul mideysan oo abuura xasillooni siyaasadeed ku imaan karaa?

Ilaa hadda madaxda maamul-gobooleedyada dalka waxay awoodda ku hanteen seddax qaab oo kala duwan:

  • Lagaamudan, waa awood qaybsi degaanka raalli ka yahay dhaqan ahaan, waxaana tabta Puntland ay ku soo caanamaashay wixii ka danbayay dagaalkii awoodda loo galay ee dhexmaray Cabdullaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse;
  • Loomadhamma, waa awood boobid rabitaan la’aanta dadka, kaddibna lala hoos galo awoodaha deriska, waana tabta Jubbaland ka socota tan iyo 2012kii; iyo
  • Afduub, waa awoodda oo faraqa loogu shubo qof halkii laga hormarin lahaa rabitaanka dadka, waa tabta Koonfur Galbeed ka dhacday deyrtii dhaweed.

Dood sharciyeed ayaa dhammaan aqoonsiga maamulladaas ku xeeran.Weliba waxay muujinayaan jahwareer ballaaran oo ka jira iskhilaafka nidaamka dimoqraaddiga dalka hiigsanayo iyo dhaqanka siyaasadda gurracan ee maamul-goboleedyada dalka.

Taas, ayaa ka dhigeysa habka doorashada Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Galmudug, mid imtixan ku ah guusha ama guuldarrada siyaasada gudaha ee maamulka Farmaajo-Kheyre.

Dhanka kale, qaar ka mid ah khubarada siyaasadda dalka ayaa rumeysan hoggaanka golaha wakiillada ee maamul-goboleedka Galmudug oon isbeddelin inuusan suuraggeli doonin in la helo maamul la wada leeyahay, oo ka wada shaqeeya horumarka gobolka.

Haddaba, su’aashu waxay tahay: Yaa loollanka madaxtooyada cusub ee Galmudug ku soo bixi doono?

Hoggaanka Galmudug waa mid saadaal ka fog, waxaa ku hardamaya xoogag iskubahaystay, afkaar, dano, iyo qabiil, waxayna dhabarka ku hayaan awoodo qarsoon.

Jawaab kasta oo maanta laga bixiyaa waxay u egtahay ka hordhac rabitaanka dadweynaha gobolka iyo male-awaal carqaladeyn kara musharaxiinta.

Maqaal lagu qoray wargeyska Caasimadda ayaa hoosta ka xariiqay in dadka reer Galmudug aaney xiiso u qabin hoggaamiye khilaaf abuura (Caasimada – September 13, 2019).

Waxaa iyana shaki ku jirin, in maamulka talada haya uu doonayo  in doorashada uu ku soo baxo qof ay isla shaqeyn karaan, haddii la waayo musharaxooda.

Dhinaca kale, maqaal lagu qoray wargeyska Allbanaadir ayaa fallanqeyntiisa ku haleelay inay suuraggal tahay inuu ku soo baxo madaxweynaha Galmudug, qof saadaasha ka baxsan (Allbanaadir – September 15, 2019).

Hase yeeshee, barnaamijka madaddaalada Kalamaan ayaa iyagana kaftankooda siyaasad ku sifeyay mas’uulka Galmudug maanta laga sugayo. Waxay tartanka ka reebeen mid aan mowqif lahayn oo meel ka sarreysa wax looga soo mariyo iyo mid ismaqiiqa oo madaxdii ka sarreysa muran (khilaaf) la dultaagan (YouTube – September 12, 2019).

Halkaas waxaa laga dhadhansan karaa in musharraxa ku soo baxa doorashada Galmudug uu noqon doono, masu’uul danta guud u taagan oo metelayo dadka una miciina aayaha dalkiisa.

Haddaba, musharaxu miyuusan u muuqan mid aqoonta, khibrad maamul, dad la macaamil, karti iyo degenaasho u dheer tahay diin, si uu u saxo khaladaadkii ka horreyay, una arki karo halka loo socdo?

Talo waxay hortaal odayaasha dhaqanka ee soo xulaya wakiillada maamul-goboleedka Galmudug sida xigmada ay leedahay in “ummad kasta sida lagu maamulo iyadaa go’aansato.”

Cabdulqaadir Cariif Qassim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s