Cabdulqaadir Nur Xussen (Maax) waa qoraa, suugaanley, aqoonyahan aad u xeeldheer ku sugan Dalka gudighiisa. Wargeyska Jamhuriyadda ma aysan u suurtoobin inay hesho taariikh nololeedkiisa. Dhambaalkaan ugu hagaajinnay boggiisa facebook-gga kama helin weli warcelin.
Qoraha waa Guddoomiyaha Akademiyada Cimliga, Fanka iyo Suugaanta ee qaranka. Waxaana Akhristayaasha wargeyska ugusoo gudbinaynaa halkan Video wareysi uu siiyay telefishanka SNTV ( https://www.youtube.com/watch?v=xJJvPiIjdu0) oo nus saac soconaayaa oo ka waxtar badan wax allaale wixii halkan aan ku qori lahayn[i].
Cabdulqaadir wuxuu meel ku leeyahay bogga Facebook isagoo ku saxiixa Baraha Fecebook oo gaar ahaan la xiriira barista Higgaadda toosan ee Af soomaaliga. Wuxuu kaloo tebiyaa Barnaamijka Murti-Maal ee ka baxa TV KNN. Wuxuu hormuud ku yahay kuna firfircoon yahay Bandhigo Buugaagta Soomaaliyeed.
Qoraha wuxuu qoray buugaag aad iyo aad u fara badan oo badidooda lagu daabacay dalka gudihiisa iyo qaar ay daabaceen ama suuqgeeyeen hud-hudbooks. Dalka gudihiisa waxaa buugaagtiisa daabaca Hormuud Telecom. Buugaagta Cabdulqaadir waxay u badan yihiin Suugaan oo ay ka mid yihiin Suugaanta Carruurta iyo Maahmaahyada oo uu qoraaga qeyb weyn ka qaatay uruurintooda iyo baahintooda.
Dhanka sheekooyinka uu qoray waxaa ka mid ah:
Khiyaamooyinka Dawacada
Abaabiye: Mahmaahda iyo Nolosha[ii]
Diiwanka Sheekooyinka Qanniga[iii]
Sheeko Baraley
Toban magacley iyo Sheekooyin Kale
Murti iyo Maahley Tirole
Wuxuu kale oo uu qoray Cabdulqaadir: Diiwaanka Xiddigaha Maansada oo Tixane buugaag ah iyo buugaag kaloo fara badan. Wuxuu kaloo qoray: Qaamuuska Kooxeynta Murtida iyo Maahmaahyada iyo buugaag kale. Qoraha wuxuu kalo xeeldheer ku yahy aqoonta dhaqanka soomaaliyeed. Dhammaan sheekooyinka uu soo uruuriyay oo uu qoray waxay bannaanka usoo saarayaan murtida iyo xikmadaha ay xambaarsan yihiin. Kaalinta qoraaga xagga sheekooyinka, maahmaahyada, iyo suugaantaba waa mid xusuus iyo qaddarin weyn mudan.
Axmed Qaasim Cali
[i] https://www.facebook.com/watch/?v=1481671518538595
[ii] Buuggaan wuxuu xamabaarsan yahay wax ka badan 1000 sheeko
[iii] Buuggaan wuxuu xambaarsan yahay in ka badan 1000 sheeko
Asc, waxan aad u xiiseynaya inaan wax ka ogaado taariikh nololeedkii qoraaga, walow aan in badan wax ka ogahay taariikh nololeedkiisi mudadii u dhaxeysay 1983 ilaa 1991, waana mudadii uu magaca (Maax) hirgaliyay, ma doonayo in aan si faahfaahsan uga hadlo taariikh nololeedkiisi, balse aad ayan u xiiseynayaa in aan maqlo qaabkii uu wax uga xusi lahaa taariikh nololeedkiisi. “F.G ” Taariikh nololeedkii (Cabdi Maax) waa hubaal in qoyskii aan ka dhashay iyo anigaba aan ka dhax muuqan doono. Waxan wada sugnaabaa waa taariikh nololeedkii qoraaga Cabdiqaadir Nuur Xuseen (Maax).
Fadlan email noogu soo dir jamhuriyadda@gmail.com war faahfaahsan si aanu u raadino jawaab waafi ah.
Mahadsanid