Soomaaliya Ma Ruqaansatay Mise Waa Ragaadisay!

Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gebaggebeeyey shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka, kaasoo socday October 1 ilaa 2, 2019. Waxyaabaha heshiiska lagu gaaray waxaa ugu muhiimsan in Ciidamada Amniga Soomaaliya si buuxda ula wareegi doonaan 2021, mas’uuliyadda sugidda amniga dalka.

Haddaba, su’aasha waxay tahay: Soomaaliya ma hore ayay u ruqaansatay mise way ragaadisay?

Shirka waxaa lagu falanqeeyey arrimaha siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo dibudhiska hay’adaha dastuuriga ah. Warmurtiyeed koobaya dhammaan wixii laga wadahadlay iyo qodobbadii la isku raacay ayaa gunaanadka shirka la soo saaray.

Ka qayb galayaashii ka socday Caalamka waxay Xukuumadda ku bogaadiyeen horumarka ay ka samaysay: (1) Dibuhabeenta dhaqaalaha, sida maaraynta maaliyadda iyo kobcinta dakhliga canshuuraha; (2) Dibuhabaynta ciidamada iyo guulaha laga gaaray dagaalka Al Shabaab lagula jiro; (3) Kor u qaadista adeegga bulshada; iyo (4) Dibuheshiisiinta laga gaaray meelaha qaarkood (Sonna – 02/10/2019).

Qarsoodi ma aha, marka laga yimaad libin sheegashada, in Xukuumadda caqabado ka haystaan dhowr arrimood oo looga hadlay shirka, kuwaasoo ay ka mid yihiin: (1) Gaarista doorasho qof iyo cod ah 2020/2021; (2) Dhammaystirka dastuurka; (3) Ansixinta sharciga doorashooyinka; (4) Dhismo la’aanta maxkamad dastuuri ah iyo guddiga adeegga garsoorka;  iyo (5) Wada shaqayn la’aanta xukuumada iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada (Jamhuriyadda 05/08/2019).

Soomaaliya iyo Beesha Caalamku waxay isku raaceen in ugu dambeyn sanadkan dhammaadkiisa Baarlamaanka uu ansixiyo sharciga doorashooyinka iyo in bartamaha sanadka 2020-ka la dhammaystiro dastuurka.

Dhanka kale, shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka waxuu ku soo beegmay xilli ay dalka ka jiraan (B) Xiisad siyaasadeed oo u dhaxaysa Xukuumadda iyo madaxweyneyaashii hore Xassan Sheikh Maxamud iyo Sheikh Sharif Sheikh Axmed; (T) Khilaaf ka dhashay doorashooyinka Jubbaland; (J) Isfaham la’aanta Xukuumadda iyo maamul-goboleedka Puntland; (X) Faragelinta Kenya ee arrimaha Jubooyinka, (Kh) Hakadka ku yimid wadahadlka xukuumada iyo maamulka Somaliland; iyo (D) Faraggelinta Imaaraadka Carbeed. 

Shir jaraa’id oo lagu soo beegay gebaggebadii shirka ayaa waxaa wada qabtay Mudane Sheikh Sharif Sheikh Axmed iyo Mudane Xassan Sheikh Maxamud, waxay beesha caalamka ku dhaleecayeen ka qaybgalka shirkaas, iyadoo ay ka maqan yihiin maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. “Waxaan ka xunnahay in la qabto shir ay ka maqan yihiin qaar ka mid ah maamul goboleedyada, taas waxaa ay keeni kartaa in dalka uu sii kala furfurmo, waxeyna dhaawac ku tahay dowladnimadeenna” sidaas waxaa yiri Mudane Sheikh Sharif Sheikh Axmed. Halka Mudane Xassan Sheikh Maxamud uu ka yiri “Haddaysan kalsooni imaannin Puntland la arki maayo, Jubaland la arki maayo, Galmudugna wax fiican kama soo baxayaan.”

Walow khilaafka Dowladda dhexe iyo Maamul-goboleedyada uusan ahayn mid maanta bilowday, haddana dhammaan caqabadaha Xukuumadda haysata waxay shacabka ka lumiyeen waqti badan oo lagu qaban lahaa u adeegidda danaha qaranka.

Haddaba, waa maxay nuxrurka khilaafka u dhaxeeya Xukuumadda iyo mucaaradka (Siyaasiyiinta, Jubbaland iyo Puntland)?

Falanqeeyaasha siyaasadda Soomaaliya waxay rumeysan yihiin in Maamul-goboleedyada doonayaan in la dhiso gole ka kooban madaxda Maamul-goboleedyada iyo Madaxtooyada, si ay talo ugu yeeshaan go’aan ka gaarista arrimaha masiiriga ah, sida siyaasadda arrimaha dibedda, difaaca, maaliyadda iyo socdaalka.

Waxaa intaas dheer, inay Maamul-goboleedyada doonayaan inay galaangal u yeeshaan doorashooyinka 2020/2021, inkastoo ay muuqato in dastuurka awoodahaas siinayo dowladda dhexe.

Maxamed Nuur Caalim oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya, ayaa yiri “Laga soo billaabo 2012 waa markii ugu horeysay oo waddanka qabsado Madaxweyne doonaya dowlad adag, doonaya dastuur adag, doonaya siyaasad adag, meesha waxaa yimid madaxweyne adag, oo fariin adag diraya” (BBC Somali Oktoobar 01, 2019).

Kaddib markii, Xukuumadda ay kala dhantaashay madashii ay ku midaysnaayeen Maamul-goboleedyada, ayaa waxaa bannaanka iskeenay madaxweyneyaashii hore Sheikh Sharif Sheikh Axmed iyo Xassan Sheikh Maxamud, si ay u abuuraan madal ay ku midaysan yihiin mucaaradka.

Ilaa iyo hadda ma jiro qodob dastuuri ah oo ay soo bandhigeen mucaaradka oo lagu eedeynayo Xukuumadda inay jabisay. Dooddoodu waxay ku kooban tahay oo keliya “Talo nalama weydiiyo, dalka waddo sax ah looma jiheen, dowladda sharciga ayay ku tumanaysaa iyo sidaan wax looma maamuli jirin, siyaasadda looma dhamma” ayuu yiri Cigaal Yare oo falanqeeya siyaasadda.

Sidoo kale, Xildhibaan Dalxa ayaa yiri “Waa in Xukuumadda lala shaqeeyaa, haddii ay jiraan wax waddanka wax u dhimaayo oo cad miiska hanaloo soo saaro.” Intaas wuxuu raaciyay “Annagaa kalsoonidii shalay aan siinnay kala noqonayno, laakiin anigaa nacay wax shaqaynaaya ma ahan.”

Geesta kale, waxaa socda olole la doonayo in shacabka laga iibiyo qaadashada nidaamka Confederation-ka! Mudane Xassan Sheikh Maxamud ayaa yiri “Dadka waxay ku hadaaqayaan dowlad dhexe ayaan diidnay shalay oo aan dan u arkaynay, waxaan qaadannay nidaamka Federaalisam-ka, maanta wuu noo shaqayn la’yahay,Confederation-ka ayaan ka wardoonaynaa” (Youtube 02/10/2019).

Hadal midkan la mid ah waxuu ka soo yeeray kulan siyaasadeed ay Hay’ada PDRC ku qabatay magaalada Garoowe – maamul-goboleedka Puntland. Ka qayb galayaashii kulankaas waxay soo jeediyeen, in laga guuro nidaamka Federaal-ka, si loo wiiqo awoodda Xukuumadda dhexe, lana qaato nidaamka “Confederation-ka,” si Maamul-goboleedyada ay u helaan awood ka badan tan hadda dastuurka uu siinayo, dalkana si sahlan loo kala daadiyo.

Haddaba, waa maxay nidaamka Confederation-ka? Xalse ma u noqon karaa dhibaatada dalka ka jirta mise waa kud ka guur ee qanjo u guur?

Nidaamka Confederation-ka waxuu ku abuurmaa labo sababood oo kala ah: (1) Dowlado kala madaxbanaan oo isutagay; iyo (2) Dadyow (qowmiyado), af, diin, iyo dhaqan aan ka midaysnayn, si qowmiyad walba loo ilaaliyo waxay gaar u leedahay, sida afka, diinta, iyo dhaqankaba. Labadaas xaaladood midkoodna dalka Soomaaliya kama jiraan.

Dadka Soomaaliyeed waa ummad dhiig iyo dhalasho wadaaga ah, lehna af, diin iyo dhaqan isku mid ah. Haddaba sidee buu qof Soomaali ah oo ku nool Jamhuuriyadda Soomaaliya ugu riyoon karaa in dalkan laga hirgeliyo nidaamka Confederation-ka, haddii aysan jirin ajeendooyin shisheeye oo lagu qaybinayo Soomaaliya, si khayraadkiisa loo boobo!

Siyaasiyiinta mucaaradka ah waxaysan weli fahmin isbeddelka siyaasadda ee ka dhacay Geeska Africa, taas oo ku timid labo sababood: (1) Siyaasaddii Maraykanka ee ku jahaysnayd dagaalka xagjirka, oo ay mudnaan ka yeelatay khatarta isballaarinta Shiinaha iyo Ruushka ee Afrika, taas oo maamulka Farmaajo/Khayre ay dalka uga faa’iideyeen; iyo (2) Isbeddelka ku dhacay hoggaanka Itoobbiya oo keentay in heshiis Iskaashi Saddex Geesood ah ay yeeshaan Itoobbiya, Eritrea iyo Soomaaliya, taasoo ay ka dhalatay in faraggelintii urur gobeleedka IGAD meesha ka baxday (Jamhuriyadda – 22/11/2018).

Doodda mucaaradka ee dibudhiska dalka waxay u muuqataa qori-qori ku tag, taas oo dhalin karta fowdo islamarkaasna aan aheyn mid wax toosinaysa. Halka khilaafka Maamul-goboleedyadu iyo Dowladda dhexe uu u muuqdo inuu yahay loollan awood qeybsi federal, awooddaas oo aysan cidna qeexin halka ay salka dhiganeyso. Balse haddii loo jaheeyo wadiiqada saxda ah waxaa laga yaabaa inay dhisi karto nidaam horumar gaarsiiya dalka.

Nasiib darrada maanta Soomaaliya haysata ayaa ah in madaxdii hore ee qaranka ay qayb ka yihiin mucaaradka, taas oo seejisay doorkoodii shariifka ahaa ee waan waanta iyo dhexdhexaadinta, si qaran fayow loo dhiso.

Khilaafka Dowladda iyo Maamul-goboleedyada waxaa lagu xallin kari lahaa maxkamad dastuuri ah, waana eedda Xukuumadda ay leedahay. ​Inkastoo, dadka qaarkii ku doodayaan inaan maxkamada dastuuri ah, la dhisi karin ilaa iyo inta laga qabyatirayo “Dastuurka,” haddana, eedda waxaa qayb ku leh Aqalka Sare oo wakiil ka ah Maamul-goboleedyada, islamarkaasna u taagan ilaaliyaha dastuurka ee u dhaxeeyo Xukuumadda iyo Maamul goboleedyada.

Sidoo kale, eedda waxaa qayb ku leh aqalka hoose oo ah wakiilka shacabka ku dhex rafaadsan loollanka u dhaxeeya Xukuumadda iyo Maamul-goboleedyada, oo gudan waayay doorkiisa ilaalinta xuquuqda shacabka madaxfurashada uu u haysto Axmed Madoobe.

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s