Thursday, November 30, 2023
Home Dib U Eegis Buug Faallo Buugga: SHEEKO-BARALEY

Faallo Buugga: SHEEKO-BARALEY

Buugga Cabdulqaadir Nuur Xuseen “Maax”(Daabacay:Hormuud Telecom, Muqdisho) wuxuu ka kooban yahay 77 sheekaxariirooyin ama sheekabaraley oo uu qoraagu soo uruuriyay soona xulay inay ka faa’iidsadaan da’yarta, waaliddiintooda iyo dadweynahaba. Dhammaan sheekooyinka waxaa lagasoo xulay suugaanta carruurta ay Soomaalidu hodan ku tahay oo jiilba jiilka ka dambeeyo ay isu tebin jireen. Waxaa kaloo la yaab leh in sheekooyinka buuggani ay giddigood leeeyihiin cinwaan warsi ah, sida: Maroodiga: Maxaa Gacankiisa Dheereeyay?, iyo Shabeelka Maxaa Baraha U Yeelay? oo sida Maax uu noo sheegay su’aalahaas inay yihiin “Waxyaabaha ay carruurta had iyo jeer isweyddiyaan.” Wuxuuna ku daray in ujeeddadu ay tahy “Maaweelin iyo Madaddalin.”

Wuxuu kaloo buuggu xambaarsan yahay 300 xikmadood ama murti iyo dhowr iyo 40 halxiraale oo badidoodba ay yihiin kuwa xusuus mudan. Akhristaha wuxuu durbadiiba dareemayaa in sheekooyinku oo uu qoraagu noo soo xulay ay yihiin kuwa kasoo burqaday webiga suugaanta Soomaaliyeed ee duugga ah, balse xigmooyinka iyo halxiraalayaashana ay yihiin kaalinta ammaanta mudan ee qoraaga. Tusaale (Halxiraale): Sheeg waxa markabna qaadi karo oo aan musbaarna celin Karin? Fure: Badda; ama sheeg Jaamacad adduunkoo idil aqonsan yahay assise uusan dhigan arday qura? Fure: Jaamacadda Carabta. Xulka sheekooyinka waxaad mooddaa in sheeka waliba midda kale ka miid badan. Haddaan tusaale ahaan usoo qaato sheekada 24aad oo ah: Lugta Waraabaha Maxaa Gaabiya? Sheekada waa 40 sadar. Aan kusoo koobno dhowr sadar oo qura.

 Waxaa la yiri beri hore waraabe iyo gorgor ayaa saaxiib ahaa. Mar ay abaar xun dhacday ayuu waraabihii weyddistay saaxibkiisa inuu dushiisa ku qaado oo uu gaarsiiyo daruuraha si uga noolaado xyadhriyaadkaas[i] baruurteeda halkaas iska dharaaran. Gorgorkii markuu ka dhaadhicin waayay waraabihii inauu safarkaas ka aalo ayuu daruurihii ula kacay. Markay gaareen daruuraha  ayuu waraabihii yiri: “Iskakay dhig halkn anigu waan imide.” Islamarkii uu ka booday gorgorka dushiisa ayuu durbadiiba dhicid billaabay ka dib qaarka dambe ayuu dhulka ku dhutfay. Xooggi uu u dhacay qaarkiisa dambe ayaa isku noqday. Wakaa waraabaha ilaa maanta qaarka dambe u gaaban.

Waxaan filaayaa inuu Maax ku guulaystay ujeeddadiisa oo runtii albaabka u furaysa akhriska buugaagtiisa faraha badan oo sheekooyinka la xiriira sida buuggiisa “Diiwaanka Sheekooyinka Qarniga” oo uu waraysi ku sheegay inuu xambaarsan yahay 1000 sheekaxariir oo uu kasoo uruuriyay kayda weyn ee Suugaanta Carruurta ee Soomaaliya. Af Soomaaliga uu adeegsaday waa mid aad iyo aad u qurux badan isla markiina uu u qoorsheeyay inuu ku sii duwo da’yarta suugaanta iyo hodantinimada af soomaaliga.

Aqoonyahanno fara badan oo Soommaali ah ayaa adduunweynaha iyo dhaqamada kale ku baahiyay sheekooyinka caarrurta Soomaaliyeed  si ay u  tusaan  hodantinimada suugaanta soomaaliyeed gaar ahaan qeybta loo yaqaan Suugaanta Carruuurta.   Taasoo keentay in Sheekaxaariirooyinka  Soomaaliyeed  qeyb ka mid ah loo tarjumay afaf shisheeye fara badan sida Ingiriiska, Ruushha, Talyaaniga, Yukrania, iwm. Dadkaas waxaa horseed u ahaa Muuse X. Ismaaciil Galaal oo ka ahaa Kulliyadda Lafoole bare Suugaanta Carruurta; tiirarkeeda tioriga ahna taagay wax bandanna ka uruuriyay. Waxaa kaloo xusuus mudan Axmed Carte Xaange[ii], G.L. Kapjits[iii], iyo kuwa kale oo adduunweynaha ku faafifiyay sheekooxariiroyinka soomaaliyeed. Buugga Maax ee Toban Magacley iyo Sheekooyin kale waa tusaale kale sida qoraaga uu muujinaayo hodantinnimada afka hooyo[iv]. Waxa tobanka magac ku leh af soomaaliga waa Bissadda.

Nasiibdarro, buuggenna waxuu leeyahay gefef aan badnayn ee higgaadda soomaaliyeed. Gefafkaas waxay ka maqan yihiin buuggisa Diiwaanka Xiddigaha Maansada oo aan filaayo inuu ka saxay gefafka higgaadda. Waxaan rajaynaynaa ina daabacaadaha dambe aysan xambaarsanaan gefefkaas oo kale.

Sikastaba, buuggani wuxuu ka mid yahay buugaagta ku wanaagsanaan lahaa in uu keydkooda kutubta ka marnaanin waaliddiinta qurbaha ku nool si ay ugu  duwaan suugaantan ubadkooda. Waa buug waalid kastoo qurbaha jooga oo ubad korinaaya u ah: Hamoogaan!

Axmed Qaasim Cali


[i] Xaydhariyaad waa daruuro cad cad oo leh qaabka iyo midibka xayrta riyaha oo circa lagu arko waqti roobaadka.

[ii] Axmed Cartan Xaange, Folktale from Somalia, Scandinavian Institute of African Studies, Uppsala 1998, Sweeden. Buuggan  sheekooyinkiisa waxay ku qoran yihiin Ingiriis iyo Soomaali.

[iii] G. l. Kapjits, “Waxaa La Yiri”: Sheekooyin Hidde Ah, Omime Intercultural Publisher, Cologne, Germany,1996.   

  Qoraagan wuxuu qoray buugaag kale oo uu af soomaali ku qoray sida: Qaamuuska Mahmaahyada Soomaaliyeed,

  A Dictionaly of Somali Proverbs, Moscow, 1998.

[iv] Isla buuggani wuxuu ku tusaaya in caanaqubta (Kashiitada) ay leedahay afar iyo

   malahaa wax ka badan magac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments