Injineeradda Leyla Yuusuf waxay hantiday abaal marin: “Standout Woman Award” oo la siiyay 21 dumar ah oo laga soo xulay dalka talyaaniga oo idil . Keligeed ayaana ka heshay abaalmarintaas gobalka Talyaaniga ee Emilia Romagna. Abaalmarinta waxaa la siiyaa dumarka loo aqoonsado karti, bani-aadaninimo, dhiirri, dareen iyo go’aan adag.
Layla Yusuf waa 56 jir ku dhalatay Muqdisho waxayna timid dalka Talyaaniga waqtigii burburkii iyadoo kasoo carartay dagaalkii sokeeye.
Layla waxay ka qalinjebisay Chemical Engineering waxayna bare ka ahayd Jaamacadda Ummadda. Ka dib markii dalkujoog dalka Talyaaniga la siiyay waxay heshay deeq waxbarasho waxayna wax ka baratay Jaamcadah Padova oo ay cilmi baaris ka samaynaysay iyo Jaamacadda Bologna oo ka qaadatay Master in Science Engineering ku qadaaty Materials Science and Technology.
Ka dib markay ka shaqaysay dhanka warshadaha guud ayay ugu gudubtay dhismaha baaburta oo ay ku yeelatay khibrad dheer 12 sano. Shirkadda ay la shaqeynaysay waxay hawsheeda ahayda sugidda habsamida hawsha oo loo yaqaan “Quality Control.” Shirkadaha shirkaddeeda ay ku hawlaneed waxaa ka mid ahaa Shirkadaha gawaarida Ferrari, Lamborgini, iyo Maserati ee orodka dhheer oo adduunka idil laga yaqaan.
Sannadkii 2010 ayaa waxay billowday inay u shaqayso iskeeda si madaxbannaan. Hawsheeda waxay ka dhexaysaa Italia, Africa iyo China, waxayna ku jirta addunka shaqada iyo warshadaynta. Haddeer waxay gacanta ku haysaa laba mashruuc oo waaweyn; kuwaasoo kala ah: Warshad China ay ka dhisayso Kenya oo ah Warshad rakibaadda gawaarida Shiinaha oo ay 30 kun qof ka shaqayn doonaan, iyo Warshado kale oo lagu dhisaayo Kenya iyo Ruwanda oo la xiriirta warshadaynata caleenta shaaha iyo bunka qaxwada.
Hawsha injineernimada Layla waxaa u dheer hoyonnimo. Waxay leedahay gabar (Muna) oo haatan jaamacad ka dhiganaysa dalka Australia. Layla waxay kaloo ka muuqataa hawlana ka wadda ururrada haweenka. 26-kii sanoo lasoo dhafay magaalada Reggio Emilia ayaa degaankeeda ahaa.
Abaalmarinta waxaa faraha laga saariya xaflad weyn oo lagu mamuusiya Daarta Montecitorio oo ah xarunta Baarlamaanka Talyaaniga maalinta 6da bishan ahayd, halkaasoo ay ka muuqdeen Wasiirro iyo madaxda Talyaaniga fara badan.
Axmed Qaasim Cali
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.