HIGGAADDA AF SOOMAALIGA – Casharka 5aad

Akhristow ma aha in casharradii Higgaadda ay isurogeen casharro naxwe, balse waxaa khasab noqotay inaan ereybixinta naxwaha aan si kooban u taabanno si aan usii wadanno casharrada higgaadda ee inoo harsan.  Naxwaha wuxuu ku saabsan yahay habsamibarashada ereyada, weeraha, iyo qaybaha hadalka. Haddii habka Naxwaha duugga ah (1973)[i] la raaco qeybaha hadalka waa kuwan:

1. Qodob (Article). Qodobku wuxuu mar kasta kabaa magaca, sidaas daraaddeed magaca iyo qodobka waxay isku noqonaayaan hal eray, ha ahaado magac keli ama wadar, lab ama dheddig ah, sida Dabka, inanta, farta, faraha, usha[ii], libaaxyada, iwm. Afrta qodob ee ah: -ka, -ga, -ha, -a waa lab, saddexdanna waa dheddig: -ta, -da, -sha. Isuggee qodobbada waa toddobo. Ogow markii wadar laga dhigo magacyada badanaaba (Ka badan 90%) caynta magaca way isbeddeshaa, labka wuxuu isurogaa  dheddig iyo caksigiisa. Wiilka wuxxu noqonayaa wiilasha, fartana faraha. Qodobka wuxuu ku biiriyaa magaca aqoonsi (Dabka iskajir iyo Dab iskajir.)

Higgaad: Xusuuso magaca iyo qodobka waa khasab in laysku qoraa. Qodobka waa dibkabe; gadaal ayuu kaga qabsoomaa magaca.

2. Magaca (noun): waa erey lagu garto: b. Cayn (Caynta, gender, lab ama dheddig),

t. Qodob (Lafta, afka), iyo wadarta (Lafaha, afafka). Magaca waxaa wakiil ka noqon kara magacuyaal (Pronoun). Tusaale: Cali baa yimid. Isaga ayaa haysta buugga. Isaga waa macgacuyaal. Magaca waxaa la dhihi kara: Magac guud (bir), magac gaar ah (Cali), magac muuqda (Dibi), qarsoon (Aqoon), magac koox (Xayn), magac lammaane (Daadxoor), iwm.

Higgaad: Magaca wax waa lagu dabakabi karaa , balse wax loogama dhejin karo horey. Eeg: Warankayga, buuggeeda, leebkaas, runtiinna, iwm.

3. Magacuyaal ( mu, Pronoun) waxuu u kala baxaa: 1. Magacuyaal dad: b. Aniga, Adiga, isaga, iyada oo keli ah iyo wadartoodi. Kuwan waxaa la yiraahdaa mu ebbyoon  t. aan, aad, uu, ay oo keli ah iyo wadartoodi sida aannu, aydin iwm. J. i, ku, na, ina, idin; x. ii, kuu, u, noo, inoo, idin, u;  2.Magacuyaal lahaansho : kayga, kaada, kiisa, keeda oo lab keli ah tayda, taada, tiisa, teeda oo ah keli dheddig ah; keenna, kaayaga, kiinna, kooda oo lab wadar ah; teenna, taayada, tiinna, tooda oo dheddig wadar ah. 3. Magacuyaal Tusmo: Wuxuu tilmaamaa dhawaan iyo fogaan, tusaale: Kan, kaas, koo, keer oo lab keli ah; tan, taas, too, teer oo dheddig keli ah; kuwan, kuwaas, kuwoo oo wadar (Lab iyo dheddig).

4. Magacuyaal  Su’aleed ama weydiimeed: Kee, tee, kuwee, yaa (waa afartan keliya). 5. Magacuyaal noqo ama celis: is Tusaale: Wuu isdilay; way isarkeen. La waamagacuyaal qoflaawe. Cali waa la arkay. (Yaa arkay lama cayinin.)

Higgaad: Magacuyaalka dadeed ee ebyoon sida Aniga, idinka, iyaka, iwm iskooda ayaa loo qoraa. Kuwa kale magaca (mu dadeed ee dhimman) laguma kabi karo magac balse wax kale oon magac ahayn ayaa lagu kabi karaa.

4. Tilmaame (T, Adjective) wuxuu raaca magaca kana bixiyaa tilmaan cad. Cali waa nin wanaagsan. b. Tilmaame ahaanso: Wayn, yar, cagaaran, dheer, xun, iwm.

 T. ahaansho ma kala jecla lab iyo dheddig balse wuxay waafaqaan keli iyo wadarta (Tirada). Deeqa waa gabar yar. Deeqa iyo Saaqa waa gabdho yaryar.  Nin weyn iyo niman waaweyn.

Higgaad: Timaamayaashan iskooda ayaa loo qoraa. Sida: Geedka waa cagaar. Mahad waa fariid. Arag! dibi xun.

t. Tilmaame lahaansho: wuxuu tilmaan ka bixiyaa lahaanshaha wuxuuna raaca tiro (Keli iyo wadar) iyo caynta(Lab iyo dheddig). Tusaale:

Buuggayga     Buuggeeda     Buuggaiisa      Buuggeenna   Buuggiinna   Buuggooda

Fartayda         Farteeda         Fartiisa           Fartenna        Fartiinna        Fartooda

Wiilkayga        Wiilkeeda        Wiilkiisa          Wiilkeenna     Wiilkiinna       Wiilkooda      

Sida muuqata tilmaamaha lahaansho[iii] waa inuu waafaqo caynta waxa la leeyahay ee  ma aha qofka hadlaaya ama lala hadlaaya.

Higgaad: Kuwan waa khasab in lagu qabto magaca. Eeg tusaalooyinkan kore.

j. Timaame tusmo: wuxuu la xiriiraa fogaanta iyo dhawaanshaha la tilmaamaha, wuxuuna raaca tirada iyo cayntaba. Tusaale (keli):   

Kan     kaas    ninkan   ninkaas       

Tan     taas     fartan     fartaas

Koo     too      ninkoo    fartoo

Ker      teer     ninkeer  farteer

Eeg Wadarta:

Kuwan            kuwaas           kuwoo            kuweer

Higgaad: Kuwanna waa lagu qabtaa magaca , sida Ninkaas, farteer iwm.

x. Tilmaame tiro. Wuxuu caddeeyaa tirada magaca, wuxuuna gali karaa  horey iyo gadaalba. Wuxuuna noqon karaa: Kowle (Kow, Laba, saddex, …) iyo Koowaadle (Kowaad, labaad, saddexaad, …)

Labaatan nin  iyo       Ninka labaatanaad

 U fiirso: Boqol nin     balse    Boqol farood (waa wadar) Labka isma beddelin balse waxaa is beddeley dheddigga. Teeda kale halka tirada kow iyo laba..ay ka hormaran magaca (Shan wiil) kowadleyda-se way ka daba maraan (Ardayga lixaad).

Higgaad: Tirada laguma qabto magaca.

Kh. Tilmaame weydiineed[iv]: kee, tee, kuwee, iwm. Tusaale:

  1. Wiilashii Cali baa yimid.
  2. Kee yimid?
  3. Kuwee yimid?
  4. Gabdhihii Calina mid baa ka timid.
  5. Tee timid?

Higgaad: Sida wax loogu kabo tilmaamayaashan weydiineed casharrada dambe ayaan ku arki doonnaa.

5. Falka (Verb), Waa qeybta ugu ballaran Naxwaha. Falku wuxuu leeyahay habab iyo noocya fara badan. Fal ebyoon, Fal dhimman, Fal gargaare (Auxiliary), wuxuu leeyahay Waqti: tegay, jooga, iyo iman doono. Wuxuu leeyahay amar iyo sifo.  Fal gudbaha iyo fal maggudbaha. Falalka soomaaliga waxaa lagu galaa fal amarka (Sida af ingiriiska loogu galo falka loo yaqaan infinitive oo ka bilowda To..)

Higgaad: Falka waa inuu iskiisa u istaagaa. Casharrada dambe ayaan ku falanqayn donna higgaadda la xiriirta Falalka, falkaabyada., xiriiriyayaasha iyo meeleeyeyaasha.

6. Falkaab (fk, Adverb). Waxuu caddeeyaa  sida wax u dhacaan ama u qabsoomaan. Waxaa jira falkaab waqtiyeed, fk. meeleed, fk. jiheed, fk. masaafo, fk. siyeed, iwm.

Tusaale:  Waxaan Cali arkay xaly. Buugga hoostiisa ayaan dhigay. Buugga soo celi, iwm

7. Xiriiriye (Preposition) Waxay isku xiraan erayada, oraahda, weeraha iwm.

oo, ee, iyo, ama, laakin,  iwm.

8. Meeleeye. Meeleeyayaalka waxay la shaqeeyaan falka wayna ka hormaraan sida: u, ku, la, ka iwm. Tusaale: Cali baan u sheegay. Deeqa ayaa  ku jirta qolka. Cali wax  ka sii. Dibiga waa la arkay.

Axmed Qaasim Cali


[i] Tusaale ahaan qaar ka mid ah abwaannada Naxwaha cusub, waxay ku koobaayaan sidatan: 1. Magac iyo magacuyaal; 2.  Fal; 3. Tilmaame; 4. Falkaab; iyo Qurub.

[ii] Mgacyada dheddigga ah ee xarafka L ku dhammaada qodobkooda waa sha.

Tus. Ul usha, bil bisha, xalaal xalaasha, iwm. Xitaa hadduu magaca keli markuu ahaa uu lab ahaa balse

Markuu wadar noqdo oo usu beddelo dheddig sha ayuu qaadanaayaa haddiba uu L ku dhammaado. Sida:L Wiil , biil biilal biilasha, iwm

[iii] Naxwaha cusub Tilmaamayaasha lahaansho waxaa lagu yiraahdaa Tifaftirayaasha Lahaansho. Dibkaabayaasha –kayga, -kiisa, -tayda, -teeda, tiisa, iwm. Waxaa la muujinaaya in tifaftiraha lahaansho lagu dhejiyay qodobka. –kaiga wuxuu ka kooban yahay –kay iyo ka oo marka lagu dhejiyo isu rogaaya –ga. Xeerarkan waxay ku fasiran yihiin bug kasto oo ah Naxwaha cusub.

[iv] Akhristow xusuuso darsigani ma aha dersi naxwe. Weyddiima af soomaaliga waa wax baaxad dheer leh oo laga heli kar bugaagta Naxwha. Waxaa jira weyddiimo kale oo loo adeegsado: ma, sida Ma aragtay Cali? Maxaa tiri? Iwm.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s