Kuraygii Qeydka Guntanaa Qabkana Huwanaa!

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee hore  ayaa wuxuu noo sheegay arrin ka dhacday Afmadow 1968-kii, wuxuuna yiri sidatan:

“Sanadkii 1968kii, waxaa degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose nagu soo booqday koox arday cilmi baaris samaynaysay iyo macalimiintooda, kuwaas oo ka soo kicitimay carriga Talyaaniga. Waxaa taliyaheyga  ii xilsaaray u kala afcelinta iyaga iyo dadka deegaanka, waxaa intaas waajibaadkayga weheliyay ilaalinta badqabkooda.”

Sarkaalkan ayaa sheegay in kooxddii Talyaaniga ahayd teendhooyin ka dhisteen dibedda magaalada Afmadow, iyagoo isu kala qaybiyay koox koox. Macallin kastana waxuu la shaqeynaayay koox arday ah. Agabka ay siteen waxaa ka mid ahaa:

 (B) Daawooyinka dhaymada, qalabka kabista jajabka lafaha, iyo qalabka qalliinka; iyo

 (T) Shabaqyo bir ka samaysan oo lagu xafidido xayawaanada.

Labo dharaarood ayaa la baafinayey in koox cilmi-baaris samaynaysa ay ku sugan yihiin Afmadow, dadka deegaanka waxaa loo ballan qaaday abaalgud lacageed oo looga beddelanayo Bakayle, Sagaaro, Digiiran iyo Cawl midkastana waxaa loo gooyay qiimo, waxaa intaas dheeraa in neefka dhaawacan uu ka qiimo yar yahay kan badqaba.

Dhallintii magaalada waxaa loo qaraab tagay keynta magaalada hareeraheeda ku tiil, xilliguna waxuu ahaa barwaaqo, dhirtuna wada magooshay. Gudcurka habeenkii aydii magaalada ku dhoweyd waxaa isu baxay ifiinka tooshashka, foorida iyo baaqa barbaartuna waxay aheyd mid ay isla helayeen. Nin walbow nasiibkaa ayaa ka dhacday, iftiinka guduudka waabberiga goortuu soo baxay, oo ay kala caddaadeen qof iyo geed, ayaa la soo guryo noqday qof waliba waxbuu tunka ku sitaa, ma jirin qof faramarnaan soo laabtay.

Qof waliba waxuu nasiib u soo helay waxaa la soo wada abbaaray bartii ay qotomeen teendhooyinka, 20 daqiiqo ka dib miiska qiimaynta waxaa soo gaaray kuray sita bakayle dhaawacan.

Professor-kii madaxa ka ahaa kooxda ayaa ku yiri kuraygii yaraa “Waan ka xumaahay bakaylahaaga wuu dhaawacan yahay.” Kuraygii ayaa isna yiri “Siriqda ayaa qabatay sidaas ayuu ku dhaawacmay.” Durbadiiba waxaa la booday Bakaylihii arday Talyaani ah, waxuu ula cararay qaybta daaweynta.

Wiilkii waxaa la siiyay warqadda lacag qaadashada waxuu u dhaqaaqay teendhadii lacagta lagu bixinaayay. Kurygii lacagtii la siiyay ayuu saluugay, dibna waxuu ugu soo noqday miiskii qiimaynta. Waxuuna yiri “Lacagtii la ii sheegay way ka yar tahay, tan la i gudoonsiiyay.” Waxaa lagu yiri “Bakaylahaaga wuu dhaawacnaa.” Isagoo dhiirran ayuu yiri “Lacagtiinna waa tan, bakaylaheyga ii soo celiya.” Waxaa la amray in dib loogu soo cesho bakaylahiisa.

Markuu gacanta ku dhigay Bakaylihii dhaawacnaa, ayuu intuu laba tallaabo dhanka waqooyi u qaaday ayuu yiri “Xeradiisa ayaa u nabad ah.” Kaddibna Bakaylihii ayuu ku fasaxay keyn meesha ku dhoweyd, dabadeedna waxuu u dhaqaaqay dhankii magaalada Afmadow xigtay isagoo aysan murugo ka muuqan wejigiisa.

Professor-kii ayaa u dhawaaqay wiilkii, markii uu soo noqday ayaa la weydiiyay sababtuu u siiddaaye Bakaylaha, raadintiisa uu habeen dhan u dhaxay. Isagoo jawaabta aan la daahin ayuu kuraygii yiri “Awalbaan qaldanaa markii Bakayle Soomaaliyeed aan lacag dhaafsaday.”

Professor-kii Talyaaniga ahaa waxaa gubay erayada dhimbisha ka kulul ee ka soo baxayay dibnaha kurayga. Professor-kii oo cadhada uu qabo wajigiisa laga akhrisan karo ayaa ku yiri kuraygii  “Immisa jir ayaad tahay.” Kuraygii oo aan jawaabta la raagin ayaa ku yiri “Labo iyo toban jir ayaan ahay.” Professor-kii ayaa yiri “Waxaa tahay labo iyo toban jir, sideed sano dalkiisa xur yahay.” Hadlkaas Professor-ka ku dhawaaqay waxaa laga dhadhansan karaa, in wiilku qab gobonimo uu leeyahay, kuna naaloonayo xurnimadda ay waalidiintiisu usoo halgameen dalkiisa hooyo.”

Professor-kii ayaa amray in kuraygii la siiyo qiimaha Bakayle badqaba, islamarkaasna waxuu ku yiri wiilkii “Wixii aad soo qabsatid fayoobi iyo dhaawacba qiimaha ugu sarreeya ayaa laguugu abaalgudi doonaa.” Kuraygii ayaa yiri “Ugaar Talyaani loo dhoofiyo keeni mayo.”

Ujeedadda Professor-ka waxay ahayd inuusan hadalka kurayga saamayn ku yeelan dadka deegaanka, si howlahiisa ugu dhammaadaan si nabdoon.

Haddaba, waddaniyadda wiilkaas yar maxaa u diiday siyaasiyiinta maanta u darban fulinta danaha shisheeyaha? ​Dalkana ay dadkiisu xaraashayaan yaa iska leh?

Waa su’aal da’weynee dalka yaa iska leh
Kaan diidin howshaa leh
Kaan lacag ku doorsanoo
Wax kastaa u dulqaato
Ku dibjiray dhexdiisaa leh
Kan nabadda doonee
Aan daayicin nidaamkee
Dowladnimadda jecel baa leh

Saciid Cabdilaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

2 comments

  1. Sheekada wiilka yar way iga daaddagtay runtiu, heesta aad kusoo gunaannadayna mireheedu waa igu duxeen.

    Warbuxin walba oo aan webka Jamhuuriya ka akhristo waxaa ii kordha xigmado iyo xaalado badan oo iga dahsoonaa.

    Allaha idin dhowro adduun iyo aakhiraba inta u guntan baahinta xaaladda waddanku marayo.

    Like

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s