Mucaaradka Maxay Ka Filayeen Kulankii Kismaayo?

Dastuurka iyo xeerarka dalka waxay si cad u damaanad qaadayaan xaqa muwadinka ka qayb galka shir iyo kulan labo ruux ka badan. Waxaa intaas dheer, xaqa muwadinka ee cabiraada fikirkiisa ku muujin karo qoraal iyo hadal intaba. Balse xaquuqda muwaadinka dastuurka siinayo, waxaa feersocda waajibaad, Jabinteeda ka dhalan karto ciqaab adag!

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah diyaarad Kenya ay leedahay oo ku xadgudubtay hawada Soomaaliya Oktoobar 05, 2019 u gudbiyay Danjiraha Kenya u fadhiya Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo.

Waaxda Duullimaadyada Rayadka Soomaaliya ayaa soo saartay markale amar mamnuucayo duullimaadyada tooska ah ee ka imaanaya dalka Kenya, tegayana magaalada Kismaayo oo ah xarunta KMG ee maamul-goboleedka Jubbaland. Oktoobar 11, 2019, waxaa mar labaad amarkaas jebiyay dowladda Kenya, kadib markii wafdi xildhibaano iyo xubno kale ka soo degeen garoonka magaalada Kismaayo, Oktoobar 12, 2019. Taas oo ah xadgub lagu sameeyey qarinimada, iyo madaxbanaanida Soomaaliya! Waana mid ka mid ah qodobada khilaafka dhaliyey ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada, markay timaado go’aan ka gaarida arrimaha socdaalka.

Waxaa xusid mudan, in garoonka Kismaayo ee uu ka soo degay wafdiga Kenya uu hoggaaminayey Mudane Aadan Barre Ducaale, uu yahay isla garoonkii maamulka Axmed Madoobe uu u diiday inay ka soo degaan madaxda xukuumada Soomaaliya.

Haddaba sharciga iyo qaanuunka dalka u yaal maxuu ka qabaa in qayb laga noqdo kulan dhan ka ah qaranimad Soomaaliya? Aadan Barre Ducaale se waa kuma?

Mudane Aadan Barre Ducaale waa xildhibaan Kenya ah, waxuuna ka tirsan yahay isbahaysiga talada Kenya haya, waana Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ee Isbahaysiga Jubilee. Wuxuu ka soo jeedaa qowmiyadda Soomaalida ee degmada Gaarisa.

Kenya oo ka duulaysa aragtida ah in wadaniyaddii Soomaaliyeed dhimatay, ayaa gorgortan la gashay siyaasiyiin Soomaaliyeed, kuwaasoo dhul-badeed ay baaxadiisu ka badan tahay 100,000 Sq Km muran geliyay, kadib markii heshiis ay wadagaleen Kenya iyo Soomaaliya April 07, 2009. 

Heshiiskaasi waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo xilligaasi ahaa Wasiirkii Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, dowladdii Sheikh Sharif Sheikh Axmed. Halka dhanka Kenya uu u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya.

Durbadiiba waxaa heshiiskaas aqlabiyad ku diiday Baarlamaanka Federalka Soomaaliya cod qaadis dhacday August 01, 2009. Baarlamaanka Soomaaliya waxay diideen in fursad la siiyo Wasiir Cabdiraxmaan Cabdishakuur si uu xildhibaanada ugu sharaxo heshiiska uu saxiixay. Waxaa xigtay in dowladda Soomaaliya dacwad u gudbiso Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ah ee ICJ taariikhda markay ahayd August 24, 2014.

Dowladda Kenya waxay ku fashilantay isku dayaddii ay ku doonaysay inay dowladda Soomaaliya ku qasabto in kiiska dacwada badda laga soo celiyo Maxkamada Cadaaladda Caalamiga ICJ, laguna xalliyo wadahadal.

Mudane Aadan Barre Ducaale ayaa Baarlamaanka dalkiisa (Kenya) u gudbiyay mooshin nuxurkiisu ahaa, in xoog ciidan loo adeegsado xallinta khilaafka soohdinta badda.

Isagoo arrinkaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Dastuurka waddanka Kenya waxuu awood siiyay Madaxweynaha, waxuu awood siiyay ciidamada milatariga ee Kenya, kuwa badda, iyo kuwa cirkaba, wuxuuna farayaa inay waqti kasta ilaaliyaan xuduudaha iyo jiritaanka Kenya, markaa haddii la waayo waanwaan diblomaasiyadeed, madaxweynuhu wuxuu ku khasban yahay inuu difaaco dastuurka waddankan ee uu ku dhaartay” (Bbc August 08, 2019).

Dhanka kale, waxaa xubnaha wafdiga Kenya ee mucaaradka kula shiray Kismaayo ka mid ah Senator Maxamed Yusuf Xaaji, ahaana Wasiirkii Difaaca Kenya xilligii ciidamada Kenya gudaha u soo galeen ciida Soomaaliya. Waxaa sidoo kale, Kismaayo ogolaansho (visa) la’aan soo galay Xildhibaan Yuusuf Xassan, ahaana shaqsigii dooddaha qiilsamaynta la taagnaa saxaafada Afka Soomaaliga ku hadasha.

Aadan Barre Ducaale wuxuu dafiray jiritaanka dalka iyo dowladdnimada Soomaaliya, waxaa uu yiri “Kenya iyo Jubbaland waxaa ka dhaxeeya xuduud 800 km ah, dowladda Kenya iyo dowladda Jubbaland waxaa ka dhaxeeya xiriir gaar ah oo wanaagsan.” Ayaan darrada dhacday hadalkaas wuxuu ka jeediyay gudaha Soomaaliya, ayadoo ay goobjoog ka yihiin labo madaxweyneyaal hore. Islamarkaasna wax falcelin aan ka samayn weedhaas!

Balse, Professor Cabdiwahab Sheikh Cabdisamad ayaa yiri “Aadan Ducaale wuxuu u baahan yahay in la baro ‘international relationship course’ [ xiriirka caalamiga]” (RTN Somali TV, Oktoobar 12, 2019). Waxaa si weyn uga felceliyey hadaladda khadafka ee Aadan Ducaale bulshada Soomaaliyeed, ayagoo fariimahooda marsiinaye Baraha Bulshada iyo warbaahinta afka Soomaaliga ku hadasha. Taasi waxay cadho ku abuurtay maamulka Puntland oo irdaha iskugu dhuftay Xarunta Telefishanka RTN ee Magaalada Garoowe.

Dhanka kale, waxaa dareenkooda suugaan ku cabiray Xidigaha Xamar oo ku luuqeeyey heesta ” Kismaayo maxay ugu kala ordeen” iyo weliba Kooxda Waaberi Puntland oo qaaday heesta “Maqal Soomaaliyeey Maqal”

Geesta kale, in ka badan 20 xisbi siyaasadeed kulan ay ku qabsadeen Muqdisho ayaa lagu cambaareeyey farogelinta dowladda Kenya ku hayso arrimaha Soomaaliya. Mudane Cabdullahi Sheikh Xassan oo ku hadlayey afka xisbiyadaas ayaa yiri “qofkii qaranimada Soomaaliya meel uga dhaca waa khaa’in dastuurka ayaa qaba, qofkii Soomaali ah oo meel Soomaaliya lagu googoonayo fariistay raali ka noqday u qoslayna waa khaa’in.”

Haddaba su’aasha taagan ayaa ah: Maxaa ku qasbay mucaaradka, gaar ahaan Madaxweyneyaashii dalka soo maray Sheikh Sharif Sheikh Axmed iyo Xassan Sheikh Maxamud inay cadowga Soomaaliya ee ku xadgudbay qarimada iyo xurnimadda dalka kulan kula yeeshaan Kismaayo?

Falanqeeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa rumaysan in waxa afka diblomaasiyada lagu dhaho “soft power” ay jiraan, taasoo u suurtogelinaysa inay danaheedda ku gaarto Kenya. “Hantida maguurtadda siyaasiyiinta Somaaliyeed ku samaysteen Kenya iyo Baasaboorada Kenya ay sida sharciga Kenya khilaafsan ku heleen waa nabar ku yaala in badan oo ka mid ah jilayaasha masraxa siyaasadda dalka” sidaas waxaa rumaysan Cigaal Yare oo falanqeeye siyaasadda gobolka.

Dowladda Somaaliya waxaa la gudboon in aysan salfudeed ku qaadan go’aano khatar gelin kara dacwadda badda ee taal Maxkamada Cadaaladda Caalamiga ICJ, iyo weliba maalgashiga Shirkadaha Shiidaalka. Islamarkaasna waa inaysan muujin inay halis ku tahay dowladda Kenya. 

Maadaama sababta loo burburiyay dawladdii Soomaaliya ahayd inay khatar ku tahay jiritaanka dowladdaha deriska, gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya. Taas badalkeed waa in dariiq sharciyeed loo maraa xadgudubyadda Kenya ku hayso dalka iyo dowladdnimada Soomaaliya, sida in dacwad dhan ka ah Kenya loo gudbiyo Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo Ururka Duullimaadyada Caalamiga.

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s