Wednesday, December 6, 2023
Home Ciyaaraha iyo Dhaqanka HIGGAADDA AF SOOMAALIGA – Casharka 6^aad

HIGGAADDA AF SOOMAALIGA – Casharka 6^aad

Hadalka iyo Qoraalka

Waxaa mihiim ah in qoraha uu aqoonsado in hadalka afka  iyo qoraalka  farta ay wax kala duwan yihiin. Aqoonta Afka hooyo qur ah kuuguma deeqayso aqoonta habsamiuqorista farta. Sidaan horey  u soo sheegnay, qoraalka farta iyo higgaadda toosan waa wax la  barto sababtoo ah xeerar u gaar ah ayay leedahay.  

Hab Kooban iyo Hab Fidsan

Hadlka waa wax dabiici inuu qokfa degdejiyo markuu hadlaayo, sidaas  daraaddeed ereyada ayaa isku koobmaaya. Marka qoraalku ay tahay waxaa diiradda la saaraa inuu akhristaha si wanaagsan u frahmo  qoraalka.

Arrinkan ayaa wuxuu inagu duwaayaa waxa loo yaqaan: HABKA KOOBAN iyo HABKA FIDSAN. Hadalka wuxuu u badan yahay Habka Kooban,  qoraalkana labada waa la adeegsadaa inkatoo Habka Fidsan aad loo adeegsado. Tusaale muujinaaya labada hab:

1. Cali wuxuu rabaa inuu meel fog aado,        waa hab kooban

Isla weertan waxaa lagu qori karaa habka fidsan.

2. Cali waxa uu rabaa in uu meel fog aado.   Labaduba waa sax.

Weerta 2 haddaad u fiirsato magacyada (Cali, Meel) iyo falka (Aado) iyo tilmaamaha (Fog) isma beddelin waxa aad isbeddelay waa qurubyada[i] iyo

magacuyaallada dhiman (Waxa, in, uu, oo iyaguna uun qurub ah).

Tusaalooyin Kale

3. Warqadahaan qoraayaa ee Mahad ha daabaco

3b. Wrqadaha ayaa aan qoraayaa ee Mahad ha daabaco

4. Waxbaan helay ee yaa raba?

4b. Wax baa aan helay ee yaa raba? Labada habba waa sax.

Qodobka, Tilmaamayaasha, Dibkaabayaal, iwm

Magacyada markaad qoraysid waa khasab inaad raaciso qodobka sida ka, ta, ga, a, da, ha, sha.. Sidaan soo aragnay qodobka keliya ma aha waxa lagu nudo magaca. Tusaalloyinkan eeg:

  1. Buuggayga ii soo dhiib     Magaca: bug  kayga waa tifaftire lahaansho, sida kaaga, keeda, kiisa, kiinna, kooda.
  • Buuggaas ii soo dhiib. Magaca:  bug
  • Qoraayaalkaas maxay rabaan?    magaca: qoraayaal
  • Hooyooyin ayaa ina sugaaya.      magaca: hooyoyin
  • Ninkee yimid manta?-kee waa dibkabe weydiimeed sida –tee,

            Kuwee?

Sidaan aragno magaca gadaal (Dhanka midig) ayaa wax looga kabi karaa. Horey (Bidix) maya. Teeda kale u fiirso qodobka wuxuu raaca keliya magacyada guud oo aan ahayn gaarka sida macayda dadka, sababtuna qodobka hawshiisa waa inuu magaca ku kordhiya aqoonsi. Magacyada gaarka ah ee dadka ( Deeqa, Maka, Cali, Mhad, iwm) waa la yaqaannaa. Marka badanaaba uma baahna qodob ku kordhiya aqoonsi. Marar dhif ah, si loo kala bixiyo laba magac gaar ah waa la adeegsan karaa, tusaale eeg 8. Magaca laguma kabi  karo xiriiriyeyaasha ah: iyo ama.

  • Yaad doonaysa Cali ama Saaqa?
  • Cali iyo Saaqa, kee baad doonaysaa?
  • Caliga aqalka ku jira ama kan baxay, keed ka hadlaysaa?

Xitaa xiriiriyaashan (Oo iyo ee) waxaa wanaagsan inaan wax lagu nudin/kabin laakin waxaa ka sii daran inaan laysku khaldin. Labadan xiriiriye waxay isku  xiraan laba magac ama laba weer.

Xiririyaha Oo

 Oo waxuu xiriiriyaa laba weer.

1. Cali waa nin fariid ah.

 2. Cali waa nin dadaal badan. U fiirso labadan weer waa laba weer oo ebbyoon oo mid waliba iskiisa u istaagi kara.

3. Cali waa nin fariid ah oo dadaal badan.

4. Baraha oo ardadii wax baraya ayaan arkay.

Oo Waxuu xiriiriyaa laba weer amar ama laba fal oo iskumar la qabtay.

  1. Soo dhakhso oo guriga imow.
  2. Adiga oo dugsiga u socda miyuu ku joojiyay?

Ee. Markuu xiriirinaayo laba magac waa sidan:

  1. Jamhuuriyadda Midaysan ee Soomaaliya.
  2. Boqortooyada  Carabeed ee Sucuudiga.
  3. Daarta dheerr ee Wasaaradda.
  4. Guriga gaaban ee Mahad.

Runtii kuwan laba magac ma aha balse Naxwe ahaan waa weer magaceed, balse waxay ugu muuqan karaan laba magac.

Ee Waxuu xiriiriyaa laba weer oo aan xor ahayn.

  1. Wiil yar ee dhiirran     Wiil yar iyo Wiil dhiirran ma aha laba weer  oo ebbyoon oo mid waliba iskeeda u istaagi karo.
  • Nin wanaagsan ee deeqsi ah.   Halkanna kama heli kartid laba weer oo ebbyoon,

Ee Waxuu xiriiriyaa weer tebineed iyo weer amar ah. Weeraha tebineed badanaaba waxay adeegsadaan: WAA, AYAA, BAA, WEEYE.

  1. Meeshan waa gudcur ee iska jir
  2. Xafiiska Cawil wuu furan yahay ee gal

Mararka qaarkood dhammaadka weerta ayaa lagu kabaa/nabaa EE:

  1. Adigu aqalka iska aad, anigaa u sheegaayee
  2. Waxba ha u sheegin ha seexdee

Ee Waxuu xiriiriyaa laba weer oo mid ay tahay Diidmo midna Caddayn:

  1. Cali ma cashayn ee wuu seexday      ma  waa qurub diidmo
  2. Cali ma seexan ee Deeqa ayaa seexatay.     
  3.                        

Axmed Qaasim Cali


[i] [i] Qurub  Af ahaan waa magac lab ah, micnihiisuna waa gabal  yar.  Naxwe ahaan Qurub waa curiyayaal aan keligooda micne lahayn balse waxay lagama maarmaan u yihiin dhismaha weerta. Waxaa ka mid ah: ayaa/baa/waa/ma/ na..iwm. Tusaale: 1.Cali geesi, micneheeda ma dhamma. Eeg marka lagu daro qurubka waa

2. Cali waa geesi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments