Aadan Barre Ducaale Gefkiisa Cudur Daar Ma Leeyahay?

Uhuru Kenyatta iyo Aadan Barre Ducaale

Qofka oo xurriyadda laga qaado waa mid ka mid ah ciqaabta ugu xun oo bin’aadmiku isku sameeyo, taana waxay ku timaaddaa  sababo oo ay ka mid yihiin: (1) Awood sharciga iyo qaanuunka waafaqsan, sida dambiile lagu xukumay ciqaab xabsi, si ay ugu noqoto edbin, (2)Afgembi Ciidamada ama koox kale ama labadan oo iskudhafan oo amar deg deg ah kusoo rogaan Dalka oo ka qaadaaya dadka xurriyaddoda gebigeedaba sidii afgembigii askareed ee Dalka ka dhacay 1969.

Markay timaado, xurriyad ka qaadista sharciga waa inuu qofku raalli ku noqdaa, mar haddii doodda garta maxkamadda looga guulaysto, waana inuu qofku dhamaystaa mudadda xabsiga si asluubaysan. Balse, haddii xaalad afgembi oo ay ka dambayso diktatoriyad waa inuu qofka ama shacabka marnaba raalli aysan ku noqon oo ay ka dagaallamaan, si ay xurriyadooda dib ugu helaan iyagoo  iska caabbinaaya (Resistance) dulmiga sidii gumeysiddiidkii iyo gobannimo u dirirkii.

Ummadda Soomaaliyeed waxuu  gumeystaha u  qaybiyay 5 qaybood. Dhamaan qaybahaas waxaa ka bilowday kacdoonno, balse halganka kama wada sinneyn, qaar baa sida biriqda xawli ku socday, halka qaar halgan gaatinsocod ku jireen, lahaana socod diindiin.

Aadan Barre Ducaale, wuxuu nasiib u yeeshay inuu ka dhashay qoys Soomaaliyeed oo ku noolaa deegaanka NFD, waana deegaan lagala bakhaylay in dhiig badan loo huro helitaanka xurnimada.

Maanta dadweynaha ku nool Soomaali Galbeed, waxay leeyihiin xuquuq la mid ah qoomiyadaha kale. Waxaa xusid mudan, in shiidaalka laga soo saaro gobolkooda nacfigiisii ay kala badh (50%) helayaan, taas oo ay dheertahay ismaamul buuxa, warbaahin xur ah iyo ciidan Komandoos ah.

Inkastoo burburkii dowladdii Soomaaliya dhibaato badan dhaxalsiiyay dadka iyo dalka Somaaliyeed, misna fursad waxay u noqotay dadka Somaaliyeed ee gobolka NFD oo Xukamadda Kenya ay ku xadgudubtay xuquuqdooda muwaadhinnimo. Waxaan sir ahayn, in qaxootigii Soomaaliyeed wax badan ka beddeleen Soomaalida Kenya, dhanka nolosha, ganacsiga, waxbarashada iyo weliba fikirka siyaasadeed.

Siyaasiga Mudane Farax Macalin ayaa yiri “Waa waxaa jirtay ninka Soomaaliga uu Kenya ka ahaan jiray sidii harag Shabeel.” Isagoo iftiiminaya dhibaatada, iyo bahdilka Soomaalida Kenya lagu hayey waxaa uu sheegay “Horumar la’aanta ka jirtay gobolka Soomaalida waxaa sabab u ahaa, jawaasiista iyo khaa’iniinta Soomaalida Kenya. Cadkaaga aadan isu oggolayn nin walba wuu iska qaadanayaa.”

Dhanka kale, Mudane Faarax Macallin mar uu ka hadlayey guulaha ay gaareen Soomaalida Kenya waxaa uu yiri “Soomaalida Kenya maanta horumar weyn ayaan gaarnay. Maanta guddi kasta oo laga hagaajiyo Kenya haddii 5 qof yihiin, mid waa inuu noqdaa Soomaali” (CNA Somali TV February 07, 2019).

Mawqifkiisa Faarax wuxuu ku caddeeyay waraysigisi uu 8da Oktoobar siiyaay RTN Tv, in Kenya ay ku xadgudubtay hawada Soomaaliya oo Dawladdeda ay xaq u leedahay inay kala xisaabtanto waddankii sammeyay xadgudubkaas. Wuxuu kaloo caddeeyay qofka Soomaali Kenya ah raalli kama noqon qeybna kama noqon karo wax allaale wixii ummadda Soomaaliyed wax u dhimaaya qarannimadeeda iyo sharafteedaba.

Halka Mudana Aadan Barre Ducaale khudbadiisi caleemasaarkii Axmed Madoobe uu ku muujiyay si bareer ah in uusan haba yaraatee tixgelinaynin wax la yiraahdo Dawlad Dhexe ee Soomaaliya, balse hammigiisa uu yahay Juubbaland oo uu yiri waxaan wadaagnaa 800 km soohdin ah sidaas daraddeedna nabadgelyada Kenya ayaa ku xiran Jubbaland.

Warkiisa kama maqnayn sarbeebbo lagu duraayaa Dowladda Federalka Soomaaliya isagoo adeegsanaaya maahmaahyo iyo oraahyo foolxun sida: ”Islaan aan uunsan jirin hadday uunsato waxay ka gubanaysaa meel aysan ka guban jirin.”

Wuxuu kusii daray sarbeeb ah manta Soomaaliya dad badan ayaa unsanaaya marka dad badan baa ka  guban doonaa meelo aan laga guban jirin. Wuxuu si tifaftiran ku faanayay dadkii uu wafdi ahaan uu usoo hoggamiyay oo la saarna dayaaraddii  si bareer ah ugu xadgubatay hawada iyo qarannimada  Dalka iyagoon rukhsad  dalkuggal aan sidan.

Xigmad Soomaaliyeed ayaa odhanaysa “libaax nin ganay, iyo nin galladay kala garan og”. Faarax Macalin iyo Aadan Barre, Soomaalida isku buug uguma qorna!

Tifaftiraha Jamhuriyadda

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

One comment

  1. Been maaha, Faarax Macalin iyo Aden Barre Ducaale lama maamuus bay noo kala leeyihiin, illaahay waa awoodaa inuu maalin degmo aan madax ka ahay Aaden Barre uu cago soo dhigo….. yaah way oo way😰🙄

    Lahjadda Maay baa xigmad oranaysaa “Nin alool nugul addiin ma dubow” Nin calool jilicsan baruur ma dubo, waayo markayFASH-FASH tiraahdaba waa kalasoo cararaa dabka oo waa gubatay buu ia-dhahaa… Marka Aaden oo aan jaanis ku helay dacar badan waa cabsiin lahaa…🙆🏽‍♂️🙆🏽‍♂️ Laakiin nasiibkaas malleeyahay🙏🤲🏾🙏🙏🤲🏾

    Like

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s