Washington: Soomaaliya oo Dunida La Hortagtay Qaran Xisaabtami Kara

Cabdiraxman Ducaale Beyle iyo Maxamed Maxamuud Cali Afgoye

Shir sanadeedkii Bankiga Adduunka iyo Sanduuqa Maaliyadda Caalamka (IMF) ayaa October 14 ilaa 20, 2019 lagu qabtay magaalada Washington ee dalka Mareykanka. Shirkaas waxaa Soomaaliya uga qeybgalay wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Khayre, waxaana laysku wareystay xaaladda dibuhabeynta dhaqaalaha Soomaaliyeed iyo dadaallada deyn cafinta.

Dhinaca kale, shirku wuxuu ku soo beegmay xilli is-afgaranwaa ka dhashay warbixin uu Hantidhowrka Guud ka soo saarey maamulka maaliyadda dowladda Federalka Soomaaliya ee 2018. Daah-furnaanta (transparency) maamulka maaliyadda dowladda wuxuu ka mid yahay shuruudaha horudhaca u ah deyn cafinta.

Sida muuqata, Soomaaliya waxay ku dhawdahay inay ka aflaxdo marxaladda 1aad “decision point” ee deyn cafinta, walow haddana looga baahan yahay inay kolka hore bixiso haraaga deynta raagtay (debt arrears) ee hay’addaha maaliyadda caalamka oo shardi u ah ka gudubka marxaladdaas.

Horaantii Octoobar 2019, ayaa dowladda Norway ballanqaaday in Soomaaliya ay u hormarin doonto lacag ay iskaga bixiso haraaga deynta hay’adda IDA ee Bankiga Adduunka. Sidoo kale, dowladda Ingiriiska ayaa iyana ballanqaaday bixinta deynta Bankiga Horumarinta Afrika.

Kristalina Georgieva oo ah Madaxa cusub ee hay’adda IMFta ayaa tiri “Waxaan u xaqiijiyey Ra’iisul-wasaaraha [Khayre] taageeradda buuxda ee  IMFta ee dadaallada lagu sugayo deyn cafinta Soomaaliya, oo ay ku jirto ka shaqeynta xubinimada Sanduuqa si loo helo ilo dhaqaale oo lagu bixiyo deynta IMFta iyo kharashyada hawsha deyn cafinta” (IMF Press Release 19/10/2019).

Dowladda Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Boqortooyada Qadar ayaa iyagana ballanqaaday inay bixin doonaan 150 malyan doolar oo qayb ka aha deynta IMFta ku leedahay Soomaaliya oo dhan ilaa 330 malyan doolar (Reuters 20/10/2019).

Hase yeeshee, warbaahinta qaarkeed ayaa shaacisay in dalka laga lunsaday lacag dhan 18 malyan doolar, kadib markii warbixinta hantidhowrka ay u gacangashay warbaahinta, inta aan faahfaahin rasmi ah laga bixin (Washington Examiner – 21/10/2019).

Shaki kuma jiro, in nidaam hantidhowr xoogan uu yahay aalad muhiim u ah hubinta hantida guud iyo daahfurnaanta wada xisaabtanka, haddana in la soo bandhigo natiijadii baarista inta aan lala wadaagin hay’addihii la baarayay waxay farxadgelisay kuwa neceb horumarka dalka.

Haddaba, su’aasha waxay tahay: Maxay warbixinta hantidhowrka kaga duwan tahay tii hay’adda “Transparency International?”

Hay’adda “Transparency International” warbixinteedu, waxay ku saleysneed mala’awaal macluumaad maaliyadeed, halka baarista hantidhowrku ay xaqiiqo laga helay xisaabaadka Xisaabiyaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ku fadhido.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqda in wadashaqeyn la’aan ay gundhig u tahay dood xisaabeedka Hintidhowraha Guud iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, taas oo ka halis badan maamul xumo dhaqaale.

Hantidhowrka Guud, oo barlamaanka iyo dowladdaba siiya qiimeyn-madaxbanaan, ayaa warbaahinta u faahfaahiyay warbixintii la xiriirtay baaristii maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya ee 2018. Mudane Maxamed Maxamuud Cali Afgoye ayaa beeniyay warka ay shaaciyeen warbaahinta, oo ah in la xaday lacag dhan 18 malyan doolar ah, (VOA – 10/10/2019).

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay u taal bankiga lacag ka badan inta ka muuqata baarista hantidhowrka qaranka, taas oo xaqiijineysa in wax lumay aysan jirin (Youtube – 10/10/2019).

Hase yeeshee, hadalkaas waxaa ka dhashay su’aal ah: Sidee Wasaaradda Maaliyadda u maamuli kartaa hanti aan ka muuqan xisaabta “Treasury General” ee Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Guudna loo baalmari karaa?

Mudane Maxamed Xuseen Amin oo Jamhuriyadda u waramay, kana mid ah khubaradda bankiyada Soomaaliyeed ayaa aaminsan in “xisaab gaar ah ay dowladda ku yeelan karto bankiga dhexe, taas oo door ka qaadata maareynta hantida xukuumada ay ka hesho dunida dacaladeeda.”

Hase ahaatee, waxaa qariib ah in maaliyadaas aysan ka muuqan macluumaadka maaliyadeed ee ay soo saartay Xisaabiyaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, oo ah halka uu hantidhowrku ka helay xisaabaha uu baaray iskuna halleyey inay yihiin kuwo dhammaystiran.

Taas waxay muujineysaa in Wasaaradda Maaliyadda iyo waaxyadeeda maamula hantida dibedda ka timaad aysan la lahayn xogwadaag iyo wada xisaabtan toona xafiisyadda Xisaabiyaha Guud iyo Hantidhowrka, taas oo dalka u horseedi karta khatar maamul xumo!  

Waxaa nasiib darro ah, in iyadoo xukuumadda hirgelisay hab maamul maaliyadeed casri ah, ay xisaabaadka Xisaabiyaha Guud, Bankiga Dhexe iyo Hintidhowrka Guud ku jiraan farqi macluumaad.

Si natiijooyinka hantidhowrka ay uga dhashaan isbedelo wanaagsan, waxaa muhiim ah in la hirgeliyo qaabka ugu haboon ee looga hortegi karo caadooyinka maamul-xumada maaliyadda iyadoo shaqaalaha lagu carbinayo isla shaqeyn joogta ah, si loo helo maamul maaliyadeed huffan.

Sidoo kale, waxaa muhiim ah in dowladda ay aasaasto hababka   loo yaqaan “Peer Review Mechanism,” si dib loogu eego hay’ad kasta inay leedahay hab waafaqsan qaanuunka xogwadaaga macluumaadka maaliyadda dowladda.

Waxaa iyana muhiim ah, in Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya si dhaqso leh u ansixiyo hindiso sharciyeedka hantidhowrka ee in muddo ah horyaalay, si loo xaqiijiyo madaxbanaanidda hay’adda. Dib u dhaca sharciga hantidhowrka wuxuu gacan ka geysanayaa koboca musuqmaasuqa.

Sida keliya ee dadweynuhu u aamini karaan in dowladdu ay dhab ka tahay ololaha la dagaalanka musuqmaasuqa, waa ayadoo si taxadar leh madaxtooyadda u magacawdaa guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa iyo khiyaanada. 

Ugu dambeyntii waxaa muuqata in Soomaaliya ay noqotay qaran wada xisaabtami kara, taas oo ah wax dalal badan oo ka tirsan dunida soo koreysa ay la’yihiin. Waxaase muhiim ah, in warbaahinta iyo dadweynahaba ay helaan macluumaadka baarista hantidhowrka waqti munaasab ah, iyadoo islamarkaas la soo bandhigayo habka loo hirgelin doono tallooyinka hantidhowrka.

Cabdulqaadir Cariif Qassim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s