Thursday, April 25, 2024
Home Ciyaaraha iyo Dhaqanka HIGGAADDA AF SOOMAALIGA - Casharka 7aad (Dhammaad)

HIGGAADDA AF SOOMAALIGA – Casharka 7aad (Dhammaad)

Hamsada

Hamsada astaanteeda waa (‘). Naxwaha Af soomaaliga hamsada waxaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay shibbanayaasha inkastoo ay tahay shibbane gaar ah. Dhawaaqa hamsada waa hakad ama aamus gaaban. Kolka waxaan muran ku jirin inay xaraf dhan tahay, sidaas daraaddeed waa lagama maarmaan in si habsami ah loo qoro hamsada. Erayga kolka ay hamsada ka maqan tahay micne kale ayuu yeelanaayaa ama lama garan karo waxa erayga loola jeeday. Bal u dhabba gal erayadan: Da’dii iga yarayd iyo daadi miraha! La’an ama laan?  Lo’ iyo Lo. Magacyada dadka markay ku dhammaadaan hamsada waa laga tagaa: Ceebla, Saluugla, Saxala, iwm. Qaamuska kama helaysid baab u gaar ah hamsada, sababtoo ah erey billowgiisa lama qoro hamsada, sida:iil, awalba, aadanaha, iwm.

Falka

FALKA ISKIISA AYUU U ISTAAGAA

Falka mar kasta iskiisa ayuu u istaagaa. Waxaa xeerkaas raacsan fal-gargaarha sida lahaansho (Waxaan warsan lahaa Cali), doon (Cali baan warsan doonaa), iwm. Falka wuxuu leeyahay sal. Salka falka wuxuu la mid yahay fal amarka. Qaammuuska marka aad fal ka eegaysid waa inaad ku gashaa salka. Falka cunidda salkiisa waa cun oo ah salka falkaas isla markiina ah fal amar qofka labaad e keli ah. Falka aad buu isu rogrogaa. Markuu isrgrogo falka salkiisa isma beddelo, balse waxaa raaca nadooc oo ah qaybta muujinaysa qofka, tirada, iyo caynta, iyo goorta. Tusaale: Waad cunteen. Cun waa salkii teen waa nadooc , waxaana muuqda in falku la xiriiro qofka 2aad ee wadar ah; goortuna waa tagto (Goor ama amminka falka waa waqtiga uu falku dhacay ama la falay).

Tusaalooyinkan waa kuwa caaddaynaaya habka loo qoro falka:

b) Ma doonayo inaan arko iyo: Ha ii qorin!: Maddoonayo iyo haiiqorin! Waa gef.

t) Waxaan iri ka dhig. Si kasta oo u yar yahay falka wax lama raaciyo.

Run ahaantii, waxaa jira falal kale oo aan aad u badnayn balse aad loo adeegsado oo iskurogroga dhanka hore[i].

Waxaa iyagan jira falal lagu magacaabo Fal Sifo oo lagu lammano falkaaliye oo ah Fal ahansho. Kuwan higgaaddooda waa gaar.  Falalkan waxaa ka mid ah: Adag, cad, bisil, dheer, eg, feejig, culus, cayriin, dhow, irmaan, fayow, cusub, kulul, fog, jeceel, la’eg, madow, macaan, oggol, la’, nugul, moog, fudud, qabowm, iwm.

Tusaale: Waan adak-ahay=Waan adkahay, Waad adagtahay, Waad adagtihiin…

Higgaad: Kuwan labada fal waa laysku qoraa.

U fiirso waxaa jira falal qaata  falkaaliyaashan: Jir, Doon, Leh (Waan qori jiray, Waan qori doonaa, Waan qori lahaa)  iyo kuwan kale: Kar, Waa’, Rab, La’, Gaar (Waan cuni karaa, Waan ordi waayay, Waan seexan rabaa, Waan arki la’ahay, Waan hurdi gaaray).

Higgaad: Kuwan qaata  falkaaliyaashan kor ku taxan layskuma qori karo.

 Higgaad: Tilmaame. Tilmaamahase laguma qabto magaca ay wax ka sheegaayaan, sida: Dab kulul ( Ma aha dabkulul), Biyo kulul, Ruux liita, Will yar.  U fiirso haddii aan ka hadlayno magac lammaanan oo ka kooban ama meel magaceedu yahay Biyakulul Biyo + kulul markaas, sida cashar hore kusoo aragnay, waa laysku qoraayaa; saa magac hor leh. Marka aan laysku qorayn waa sida tusaalaha kore ee ujeeddaduna ay tahay: Biyuhu way kulul yihiin.

Astaamaynt iyo Xarfaha Waaweyn:

Arrintani af soomaaliga wuxuu kala mid yahay afafka kale. Waxaa khasab ah in xarafka hore ee weerta laga dhigo xaraf weyn. Weer hor leh kama billaaban karto xaraf yar. Tusaale: Maanta waa malin wacan. Astaamaha hakadka (,) joogsi iyo hakadka (;), labada dhibic (:), jiitinta (-), bilaha ( ), oraahda ka dambeysoa uma baahna xarafkeeda hore noqdo mid  weyn; balse  joogsiga (.), yaabka (!), iyo warsiga (?) weerta ku xigta xarafkeeda hore waa mid weyn, mar kasta. Baraakeedyada-quotation marks “” haddii ay muujinaayaan oraah lasoo tebiyay xarafkeeda hore waa mid weyn; oraahda xigta uma baahna haddaysan ahayn weer hor leh.

Magacyada dadka, dalalka, qaqradaha, quruumaha, magaalooyinka, tuulooyinka, webiyada, buuraha, magacyada Ilaah, iwm waa inay dhammaan ka billaabmaan xaraf weyn sida: Daalo, Kiilimanjaaro,  Waaqa, Quraanka, Ganaane, Niil,  London, Beled Weyn, Berbera, Burco, Nugaal, Togdheer, Diinsoor, Wirkoy, Berbera, Garowe, Kanada, Iglan, Qaahir, iwm.

Magacyada dalalka marka ay noqdaan tilmaan (sifo), ama xilliyada, bilaha, maalmaha toddobaadka, iwm ma aannaan arag xeerka u degsan. Dadka qaarkood waxay raacaan habka Ingiriiska oo adeesanaaya xarf weyn, sida: Nin Jarmal ah ayaa ka dhoofay subax Talaada ah ee bisha Sebtembar

Axmed Qaasi Cali


[i] Kuwa uggu mihiimsan ee koxdan waa falalkan: Dheh, imow, aqoo, iwm. Qofka iyo cayntaba wqxay ka muuqda horkaabaha. Tusaale:

 Waan aqannaa, Waad taqaanna….Waan iqiin, Waad tiqiin…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments