Thursday, April 25, 2024
Home Gudaha Puntland oo ay Ka Socoto Xiisad Siyaasadeed

Puntland oo ay Ka Socoto Xiisad Siyaasadeed

Waxaa bannaanka u soo baxay loollanka awoodda oo u dhaxeeya Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Puntland, kaddib furitaankii kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka carooday su’aal u muuqatay inay jirto hubaal la’aan ku gaadaaman muddo xileedka madaxweynaha inuu dhamaysan karo muddada loo doortay inuu xafiiska hayo.

Xildhibaan Cawil Daad ayaa yiri “Mudane Madaxweyne, waxaad xilka haysay sagaal bilood, wejiga dhabta ah ee Xukuumadda aad hoggaamisana waxaa la moodaa in uu ku jirto maalmihii ugu dambeeyay ee muddo xileedkaaga.”

Isagoo xildhibaan Cawil Daad qodobeenaya dhaliisha uu u ujeediyay Mudane Saciid Deni ayaa soo hadal qaaday, khilaaf u dhaxeeya madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, iyo weliba inuu madaxweynuhu lumiyay kalsoonida shacabka ku qabeen hoggaankiisa, taasoo horseedday kacdoon bulshada qaybaheeda ka mid ah, siiba dhaqanka iyo culamada.

“Mudane Madaxweyne, maaddaama khilaafka adiga iyo Madaxweyne ku-xigeenkaagu uu soo noqdnoqday, oo uu yahay mushaakil dadka niyad xumi ku sii abuuray, soo kulama habboona inaad adiga iyo ku xigeenkaaga xafiiska bannaysaan si aynu u badbaadinno bulshadeenna” sidaas waxaa yiri Xildhibaan Cawil Daad.

Mudane Saciid Cabdullahi Deni, ayaa hadalkii boobay durbadiiba, isagoo si cadho ay ku jirto uga jawaabay su’aasha, walow uusan ku qancin xildhibaan Cawil Daad. Dabadeedna markii uu hadalka dhamaystay madaxweynaha dibedda ayuu uga baxay fadhigii Baarlamaanka. Taasoo dad badan ka yaabisay hab dhaqanka Mudane Saciid Cabdullahi Deni.

Dhanka kale, Mudane Saciid Deni, waxuu sheegay inay jiraan xildhibaanno tiro yar oo doonaya inay jiheeyaan siyaasadda dowladdiisa, taasna aysan marnaba suurtaggelaynin.

Labada dhinac waxay bilaabeen olole siyaasadeed, midba kan kale uu doonayo inuu kaga guulaysto. Ugu horeyn Mudane Saciid Deni waxuu qaaday saddex tallaabo

(1) Waxuu amray in wasiir kasta xubinta baarlamaanka ay isku beesha yihiin ku qanciyo inuu taageero Xukuumadda, haddii kale uu lumin doono ka mid-ahaanshaha Xukuumada, (2) Inuu amray Wasiirka Caddaalada inuu joojiyo khudbadaha lagu mucaaradayo Xukuumada oo laga jeedinayo masaajiddada, iyo (3) Inay laamaha amniga la socdaan shirarka ka dhanka ah maamulkiisa.

Halka ay xildhibaannada doorbideen inay la xisaabtamaan Xukuumadda si toobiyaha loogu soo celiyo. Waxay ansixiyeen qodobbo ay ka mid yihiin (1) In la soo gole-istaajiyo madaxweynaha iyo xubno wasiirro ah, si loola xisaabtamo (2) In dib-u-eegis lagu sameeyo heshiisyadii ay DP World la gashay Xukuumaddii Cabdiweli Gas, iyo tan Xukuumada Deni la gashay shirkadaha laga leeyahay Imaaraadka, iyo Shiinaha, iyo

(4) In Baarlamaanka ka hawlgalo sidii loo hagaajin lahaa xiriirka Dawladda dhexe iyo maamulka Puntland.

Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya waxay rumeysan yihiin in loollanka uu ka dhaxeeya Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo tuhunsan in guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) uu u janjeero siyaasadda Nabad iyo Nolol.

Gudaha Puntland wuxuu maamulka ka mamnuucay inay xafiisyo ka furtaan xildhibaannada federaalka Baarlamaanka ku matala Puntland. Tallaabadan waxay dad badan u fasirteen in Mudane Saciid Cabdullahi Deni uu lumiyay kalsoonidii uu ku qabay xildhibaannada federaalka ee matala Puntland.

Geesta kale, waxaan sir ahayn, in shacabka Puntland uusan la dhacsaneyn in heshiiska DP World gacanta loogu geshay dekedda Boosaaso, iyo weliba heshiisyada cusub ee maamul-goboleedka Puntland gacanta u galinayo ilaha dhaqaalaha gobolka ganacsato u dhashay Imaaraadka.

Carada shacabka Puntland waxay u muuqataa fursad Xukuumada dhexe ay gobolka ka heshay. Waxaa kordhaya taageerada Xukuumada dhexe ay ku leedahay gudaha Puntland. Taasoo ka dhigan in Mudane Saciid Cabdullahi Deni uu wajahayo culaysyo kaga imaanaya dhinacyo badan.

“Dhaliisha loo hayo lataliyayaasha Mudane Saciid Deni, iyo faraggelinta Imaaraadka waxay fursad siinaysaa dhinacyada ay is-hayaan Mudane Deni” sidaas waxaa rumaysan Cigaal Yare oo falanqeeya siyaasadda gobolka.

Balse, dad badan waxay isweydiinayaan: Xagee saldhigi doontaa duufaanta siyaasadeed ee garaacaysa kuraasta ay ku fadhiyaan Mudane Saciid Cabdullahi Deni iyo Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed ( Dhoobo Daareed).

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments