Thursday, June 1, 2023
Home Gudaha Galmudug Ma Waxay Dhamaan Ayadoo La Iskudhamaan?

Galmudug Ma Waxay Dhamaan Ayadoo La Iskudhamaan?

Dhismaha Galmudug midaysan ayaa gashay waji cusub, kadib markii ciidamada federalka la wareegayn amaanka magaalooyin ay maamuli jireen urur diimeedka Ahlu-Suna. Matabaan, Guriceel, iyo Dhuusomareeb ayaa ahaa degmooyin mudo dheer gacanta ugu jiray urur diimeedka Ahlu-Suna.

Gudoomiyaha degmada Dhuusomareeb, Mudane Macalin Nuur Cilimi Cabdulle, ayaa sheegay in ciidamada iskudhafka ahaa ee hoostagaye dowladda federalka sugayaan amaanka magaalada Dhuusomareeb, islamarkaasna waxuu shacabka faray inay kala shaqeeyaan sugida nabadgelyada.

Shacabka ku dhaqan saddexdan degmo ayaa intooda badan si isku mid ah usoo dhaweeye isbedalka ka dhacay deegaanadoodda, waxaa sidoo kale talaabadan u riyaaqay waxgaradka Galmudug, ayagoo u arka in caqabaddii ku hor gudbanayd helitaanka Galmudug midaysan meesha ka sii baxayso.

Sida muuqata, shirar, iyo kulamo xiriir ah oo u dhaxeeye bulshada ku dhaqan deegaanadda ay maamuli jireen ururka ASWJ iyo Wasiirka Arimaha Gudaha, Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa fududeeye in si sahal ah dowladda dhexe ula wareegto maamulka degmooyinkan.

Dhanka kale, hogaanka Ahlu-Suna ma aysan lumin oo keliya gacan ku haynta maamulka Matabaan, Guriceel, iyo Dhuusomareeb, balse sidoo kale waxay lumiyeen taageeraddii ay ku dhex haysteen shacabka ku dhaqan deegaanka. Taas oo meel cidlo ah joojinaysa hogaanka Ahlu-Suna, islamarkaasna dhaawici karta gorgortankii siyaasadeed oo ay kula jireen dowladda dhexe.

Sidoo kale, siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo jeeda deegaanka ayaan soo dhowayn isbedalka ka dhacay Galmudug. Ayagoo u arka inay lumiyeen fursad ay ku horistaagi kareen inuu Galmudug ka soo baxo maamul u dhaga-nugull dowladda dhexe.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka soo jeeda Galmudug ayaa ku fashilmay inuu u ekaysiiyo dagaal sokeeye, hanaanka meesha looga saarayo awooda ciidan ee Ahlu-Suna ku haysato qaybo ka mid ah Galmudug. Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu ugu goodiyay taliyaasha ciidamada ee jooga Galmudug, in lala tiigsan doono hay’adaha cadaaladda aduunka. Waxuu sidoo kale, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur dhambaal dacwo ah hawada u marsiiyay dowladda Turkey oo ka taageerta xukuumada tayaynta ciidamada.

Ahlu-Suna waxay ku abuurantay ka difaacida Alshabaab goboladda dhexe, iyo siyaasaddii Itoobiya ee ahayd inay xoogag u adeega ku yeelato gudaha Soomaaliya, si danaheeda ugu ilaashato. Balse isbedalka siyaasadda Itoobiya ayaa meel cidlo ah dhigay Ahlu-Suna. Waxaa kaloo Ahlu-Suna wiiqay awoodayddii kadib markii hogaanka sare ee Ahlu-Suna ku fashilmeen inay dhisaan nidaam ay u siman yihiin beelaha gobolka dega, iyo inaysan qayb ka noqon aasaaskii Galmudug.

“Siyaasadda Soomaaliya oo aan boos uga banaanayn, wadaad qori ku doonaya inuu ku helo xukun, iyo Ahlu-Suna oo ku fashilantay in guusha ciidan ay gaareen bilowgii u rogaan mid siyaasadeed, ayaa mugdi gelisay mustaqbalkii siyaasadda Macalin Maxamud, iyo Sheikh Shaakir ku lahaayeen Galmudug” sidaas waxaa rumaysan Cigaal yare oo falanqeeya siyaasadda gobolka.

Dowladda Soomaaliya waxaa xujo ku ah sidii ay taageerada shacabka Galmudug ay ugu badali lahayd mid horumar, iyo nabadgelyo u horseedda gobolka. Isla-markaasna aan loo darsan hogaamintii Ahlu-Suna ee meesha ka baxday, marka la eego dhanka amniga. Iyo sidoo kale, sidii loo heli la haa Galmudug midaysan oo tayaysan.

Siyaasiyiinta mucaaradka waa inay maanka ku hayaan, inaysan danahooda ka dhex raadin, nidaam la’aanta, iyo u adeegista danaha shisheeye. Dadka Somaaliyeed waxay u baahan yihiin inay helaan siyaasiyiin, iyo masuuliyiin u adeega, balse aan ka adeegan.

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments