Dalka Ma Ka Samataxbixi Karaa Darandoorriga Ah: Daad Ama Abaar

Dhammaanteenna waxaan la soconnaa dhibaatada ay fatahaadda webiga iyo daadadka sababeen  gobollada Hiiraan iyo aagag kale ee dalka. Magaalada Beled Weyne ooy deggan yihiin dad ka ku dhaw nus malyuun ayaa 85% (Boqolkiida 85) guryaheeda laga barakacay, dhimasho naf, duunyo, dalag iyo hanti baaba’day.

Doon 20 ruux sidda oo gaddoontay, welina masiibada way taagan tahay si ay u badiso aafada. Beled Weyne iyo Hiiraan kuma ekaan masiibada fatahaadda. Shabeellada dhexe fatahaadda waxay aad u saamaysay: Mahaddey iyo Jowhar halkaasoo wax ka badan 10,000 hektar dalaggeeda ku baabba’ay. Sidaasoo kale aagga webi Ganaane daadadku waxay saameeyeen Doolow, Luuq, Baardheere, Bu’aale, iyo aagag kale.

Beled weyne iyo Hiiraan daadadku waxay saameyeen ku dhawaad 430 kun oo ruux iyakoon weli kasoo kabsan daadadkii iyo fatahaadihii  May 2018 oo ku dhawaad 125 kun qof ku bara keceen Beled Weyne qura. Weli geerida iyo khasaaraha Beled Weyne lama tirakoobin, sababtoo ah weli way sii kordhaayaan. Gurmad lagu geeyay helikobtar unba haddeer gaaray. Dawlad, hay’adaha dalka iyo adduunkaba, iyo guud ahaan dadkuba waxay mudan yihiin dhaliil, sidasoo kale gurmadka qurbajoogga iyo mucaaradkuba.

Sannad iyo bar gudihiisa laba masiibo daad ah ayaa ka dhacay Soomaaliya.

Farqiga u dhexeeya Daadadka iyo Abaaraha waxaa ugu weyn in abaararuhu ay saameeyaan ama saameyn karaan geyiga Soomaalida oo idil halka daadadka badanaaba ay ku kooban yihiin ama u badan yihiin aagagga webiyada Shanbeelle iyo Jubba (Ganaane), halkaasoo tirada dadka (Density) iyo dalagyada beerahaba ay ku badan yihiin. Daadadka waxay burburin karaan Kaabayaasha dhaqaalaha (Infrastructure)  sida waddooyinka, kaabadaha, isgaarsiinta kale waxay hakiyaan adeegyada iyo gargaarka, iwm.  Sidaas aawadeed saameynta daadadka waxay gaari kartaa meel uusan daadka gaari karin. Halka abaaraha ay badanaaba ay aag ku kooban yihiin.

 Teeda kale labadani waa laba masiibo oo uu Eebbe ku ibtileyay deegaanka Soomaalida, haseyeeshee, soo noqnoqoshada daadadka way ka badan tahay midda abaaraha. Laga yaaba in sannad, labo ama saddex sannadood aysan abaar dhicin, balse ku-dhawaad sannad waliba webiyada way soo soo fatahaan waxayna soo jiidaan khasaare dad iyo hantiba leh oo ballaaran. Sannadkii 2000 kaddib webiyada  waxay soo fataheen 18 jeer ama sano.

Waxaa kaloo jira in daadadka iyo fatahaadda ay sii kordhayaan, taasoo ah sannad waliba sannad ka dambeeya ayuu ka sii daran yahay. Tusaale ahaan, haddii aan eegno muddada labaatanka sano oo u dhexeeyay 1960 iyo 1980 waxaa dalka ka dhacay laba fatahad oo aad u waaweyn keliya (1961 iyo 1978), halka labaatanka sannadoo u dhexeeya 1999 iyo 2019 ay 18 fatahaad ka dheceen.

Waxaa intaas ka daran, cimilada oo isbeddel ku dhacay awgeeda, waxaa sii badanaaya sannadaha abaar iyo daadba ay isladhacaan.

 Maxaa sababa daadadka iyo fatahaadda webiyada? 

Horta waxaa la og yahay in webiyada biyahooda ay badiba (In ka badan 90%) dhulka qaatan ee Itoobbiya, qeyb yarna ay kasoo galaan webiyada gobollada Gedo, Bakool, iyo Hiiraan. Haseyeeshee, daadadka iyo saameeyntooda waxaa door weyn ka qaata kororka dadka (Population increase) ha ahaato dhalashada ama u hayaanka dhulka webiyada, burburka dalka iyo dawlad la’aantii ka dambeeysay. Badida dadka waxay keentaa khasaaraha dadka iyo hantida  inay bataan. 

Aagga aan la deggenayn daadka saameyntiisa waa eber.  Waxaa xusuus mudan in meelaha qaarkood uusan webiga ka fatihi lehayn haddii  aysan dadka  ulakac  dhibaata aysan gaarsiin, sida qarka webigoo la jebiya carratuurka daad-celinta loogu talaggalay oo ulakac loo jeexo iyadoo ujeeddadu tahay ka faa’iidaysi gaar ahaaneed. ( In laga jeexdo far beer lagu waraabsado).

Webiga wuxuu leeyahay Qar dabiici ah oo biyahiisa celiya (Tusaale Beled Weyne qarka buuxa webiga waa 8.30 m hadday biyuhu dhaafaan xadkaas webiga wuu fatahaayaa).  Qarka dabiicihga webiga oo keliya laguma hallayn karo nolosha dadka, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo hantida kale ee webiga ka ag dhaw, sidaas daraaddeed waxaa lagu xoojiyaa qarka dhisme kor u qaada qarka oo badbaadiya dadka, duunyada, iyo hantidaba. Badanaaba Soomaaliya waxaa ujeeddadan  loo adeegsadaa dhisme carratuur  (Earth embankment or dyke). Dabcan haddii dhulka ciriiri uu yahay sida magaalooyinka gudahooda carratuur suurtaggal ma noqonaayo markaas waxaa loo baahanaayaa dhismo derby dhagax ama shub ah.

Inkastoo aadanaha si dhab ah uusan u saadaalin karin waxa aan weli dhicin (Timaaddo), haddana aqoonta sayniska iyo injineerinka waxay suurtaggelinaayaan in daadadaka la saadaalin karo iyadoo la adeegsanaayo macluumaad fara badan ee heerka webiga iyo roobabka aagagga biyaha ay ka yimaadaan. Teeda kale waqti  bil ka badan ayaa la ogaan karaa imaatanka daadka webiga iyadoo la adeegsannaayo sawirrada dayaxgacmeedka iyo macluumaadka heerka webiga sare ee fog  (Itoobbiya). Daadka saynis ahaan waan hir socodkiisa si wanaagsan loo saadaalin karo iyadoo la kaashanaayo xawliga socodka biyaha webiga. Tusaale ahaan waxaa la ogyahay haddii hirka daadka uu Iimey ama Qallaafo soo maraayo goorta uu soo gaari karo Beled Weyne, taaso digniinka iyo gurmadka wax weyn ka tari karta.

Burburkii Dalka wuxuu sababay inaysan jirin dawlad shaqaalaheeda ay ku hawlan yihiin ilaalinta webiga, cabbirka heerka biyaha (Oo maalin waliba la qaado), dhismaha iyo dayactirka carratuuryada, sahminta xilli waliba meelaha sababi kara fatahaadda, iyo gurmadka degdegga iyo ka hortagga daadka, sida keydinta jawaannada (Inta ciid lagu buuxiyo webiga lagu xiro), qalabka shaqada gacanta iyo shaqaalaha kaba meelaha webiga uu ka jabo, aqoonyahannada cimilada, iyo injineerrada biyaha, oo saadaaliya daadadka, kormeerana hawlahoo idil. Tusaale ahaan cabbirka maalin waliba ee webiga heerkiisa wuxaa loo adeegsada saadalinta fatahaadda. Waxaa kaloo webiga laga cabbiraa xawaaraha biyaha ay ku socdaan (Water velocity). Saadaashana waxay dhabta u dhawaata kolka ay badan yihiin tirada sanooyinka macluumaadka heerka uu injineerka haysto.

Ugu dambayntii, daadadka waa wax la saadaalin karo, markay ugu liidato waxaa la ogaan karaa  bil ka hor intusan hirka daadka kasoo tallabin soohdinta Dalka. Ka hortagga fatahaadda iyo badbaadinta dadka, kaabayaasha horumarinta (Jidadka, kaabadaha), duunyada, iyo hantida kale waa wax iyagana suurtaggal ah haddii loo helo maalgelin iyo haya’d ku hawlan webiyada iyo ka hortagga daadadka ka hawlgasha oo waagii hore Wasaaradda Beeraha ay u xilsaarnayd.

Axmed Qaasim Cali

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s