Maxaan Ka Baran Karnaa Kacdoonka Bannaanbaxyada Lubnaan iyo Ciraaq?

Dhallinta dunida carbeed, waxay muujiyeen awood, midnimo, iyo maan ay kula xisaabtami karaan siyaasiyiin ku naaxay musuqmaasuq iyo maamul xumo. Haddaba, sidee bay ugu suurta gashay dhallinta carbeed inay garaacaan irdo (albaabada) ay gaadh ka hayeen ilaalo loo carbiyay sida eyda, kana amar qaata madax aan beernugeel lagu aqoon.

Dalka Lubnaan (Lebanon), waxaa horay uga dhacay dagaal caqiido, waxayna u dagaallameen Sunni, Shiico iyo Kirishtaan,​muddo 15 sano ku dhow ayuu dhiigga qubanayey. Dagaalkaas waxaa ku lug yeeshay dowladdo gobolka kula yaal iyo kuwo dool ku yimid. Bayruud [Beirut] oo ah caasimadda Lubnaan waxay marti gelisay basaasiintii ugu badnayd ee ka kala socda hay’adaha mukhaabaraadka (sirdoonka) ugu halista badan dunida. Halkaas waxaa ku lumay dantii reer Lubnaan.

Heshiiskii Dhaif ee 1989, wuxuu calaamad u ahaa bilowgii dhammaadka dagaalka. Bishii Jannaayo 1989, guddi ay magacawday Jaamacadda Carabta waxay bilaabeen inay xalliyaan khilaafaadka siyaasadda ee u dhaxeeyey xoogaggii dagaallamayey. Bishii Maarso 1991, baarlamaanka Lubnaan wuxuu meel mariyay sharci cafinaya dhammaan dambiyada siyaasadeed ee la galay muddadii dagaalka sokeeye socday. Bishii May 1991, waxaa la kala diray miliishiyooyinkii, marka laga reebo Xisbullah, halka Ciidamada Qalabka Sida ee Lubnaan la bilaabay in si tartiib ah dib loo dhiso, ayagoo ka madaxbanaan ururrada diiniga, waana hay’adda keliya ee aan ku salaysneen awood qaybsiga diineed. 

Heshiiskii Dhaif waxuu suurto geliyay in Lubnaan laga dhiso dowlad, awooda lagu qaybsaday “firqado ama kooxo diineed.” Madaxweynaha waxaa la siiyay Kirishtaanka, Sunnigana waxay qayb u heleen ra’iisul-wasaaraha, halka Shiicada madax looga dhigay baarlamaanka. Sidaas ayay Lubnaan ku yeelatay dowlad shaqaynaysa oo dunida la macaamisha.

Dowladda Lubnaan waxay ka soo amaahatay dunida deyn ay ku dhisto dalkii ay gacantooda ku burburiyeen, waxaa soo galay dhaqaale xoog leh, balse aan loo maamulin sidii habboonayd. Musuqmaasuqa ayaa waxuu gaaray heer naxdin leh. Lubnaan, maanta waa dalka saddexaad ee ​dunida lagu lee yahay deenta ugu badan. Dalka waxuu galay dhaqaale kuududsi, sicir barar ​xad dhaaf ah, iyo shaqo la’aan soo food saartay dhallintii. Lubnaan maanta waxay la halgameysaa mid ka mid ah culeyska ugu weyn adduunka ee deynta dadweynaha, oo lagu qiyaasay boqolkiiba 150 GDP. 

Dhaqaaleyahannada ayaa rumaysan in Lubnaan dhaqaale kuududsiga (amaahda) ay ugu wacan tahay in miisaaniyaddii weyneyd ee sannadihii la soo dhaafay ay ku xirnaayeen musuqmaasuq iyo siyaasad diineed (Al Jazeera September 04, 2019). 

Baarlamaanka Lubnaan, iyo hantidhowrka waxay ku guuldarraysteen inay la xisaabtamaan xukuumada, taana waxay horseedday in Lebnaan ay gaarto meeshii ugu hoosaysay maamul iyo maaliyadba. Waxase dad badan ka yaabisay tirada dadka Lebnaan oo wax ku dhow 7 milyan ah, sidee dusha loogu saariyay deyn muggeeda (xajmigeedu ama tiradeeda) intaas la’eg yahay.

Dhallinyarada Lubnaan waxay dariiqyada u soo baxeen ​iyagoo isu-kala-saarin firqado diineedkii siyaasadda loogu kala qaybiyay, iyagoo meel iska dhigay calamaddii xisbi diineedka. Waxay huwanaayeen calanka qaranka Lebanon ​iyagoo baadiggoob ugu jira inay helaan ​maalmo dhaama maanta, iyo dowlad ka shaqeeysa danaha ummadda Lubnaan.

Dhanka kale, dalka Ciraaq waxuu Lubnaan la wadaagaa siyaasadda diinaysan. Waxii ka dambeeyay taliskii Saddaam Xussen, waxay kuraasta xukuumada ku qaybsadeen, Shiico, Suni, Kurdish iyo Kirishtaan.​ Tabtaas dalka Ciraaq uma aysan horseedin baraare dowladihii soo maray Sadaam Xussen dabaddii. Balse siyaasadda diinta iyo isirka lagu saleeyey waxay Ciraaq fooda u gasheen dagaalo, iyo farogelin shisheeye, waxayna Ciraaq dhaxalsiisay musuqmaasuq baahsan, shaqo la’aan, iyo maamul xumo.

Dalkii soosaarka saliida qaniga ku ahaa dadkiisu waxay galeen nolol adag, taasoo ku qasabtay in Ciraaqiyiin badan nolol, iyo nabad u raadsadaan dalal kale. Dhibaatadaas ku habsatay Ciraaq waxay dhalisay in wadooyinka Ciraaq buux dhaafiyaan dhalinyaro caraysan oo ka banaanbaxaya ciriiriga nololeed ay badeen hogaamiyaashooda. 

​Dhalinta Ciraaq waxay meel iska dhigeen farqiga diineed ee u dhaxeeya. Waxay muujiyeen inay yihiin dhallintii Ciraaq oo leh hal waddan iyo hal calan. Danahooda iyo mustaqbilkooda, dhibtooda iyo dheeftoodana yihiin mid qura. Iyagoo dalbanaya inuu nidaamku dhaco. Waxaa dalabkooda ku naf waayey in ka badan 300 ruux, halka tiro 5 jeer taas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Haddaba, sidee bay ku dhacday in dal leh waxsoosaarka shiidaalka ugu badan inay nolosha dadkiisu ciriiri gasho?

Falanqeeyaasha siyaasadda bariga dhexe, waxay rumeysan yihiin in ​Lubnaan iyo Ciraaq wadaagaan labo astaamood oo isku mid ah, kuwaasoo u horseeday inuu xaalkoodu sidaan noqdo, kuwaasoo kala ah, (1) in awood ku qaybsiga ​siyaasadda ku salaysan diin iyo isir abuureen xukuumaddo kaligood talis ah, oo aan ogalayn islaxisaabtan, iyo (2) in qaybsiga  kuraasta ku dhisan firqado diineedka, ​iyo isirka ay wiiq​ayn awooddii baarlamaanka, hantidhawrka,iyo laamaha cadaalada kula xisaabtami lahaayeen xukuumadda!

Haddaba ​su’aasha taagan ayaa ah,  Soomaaliya maxay ka baran kartaa ​khalalaasaha Lubnaan iyo Ciraaq?

Soomaaliya waxay ka barran kartaa saddex arrimood oo mihiim ah, una baahan in mid waliba goonidiisa loo darso: (1) Inaan dowladd oggol islaxisaabtan lagu dhisi karin firqado diineed iyo heyb qabiil; (2) Dhallinyarada inaysan marti ka noqon siyaasadda, waayo cidda mustaqbalkooda la go’aaminaayo waa iyaga; iyo (3) Inay muwaaddiniintu kala gartaan siyaasiga u shaqeynaaya iyo kan ka shaqeysanaya, ​intay “xeero iyo fandhaal kala dhicin.”

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s