Farmaajo Ma Isku Wadi Karaa Siyaasiyiinta Muxaafidka iyo Mucaaradka

Inkastoo Kulankii dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore Xassan Sheikh Maxamud iyo Sheikh Sharif Sheikh Axmed uu ahaa tilaabo hore loo qaaday, balse abuurtay kala aragti duwanaan bulshada dhexdeeda ah, haddana waxuu ku soo beegmay xilli dalka uu ka jiro cakirnaan, taasoo abuurtay xiisado siyaasadeed iyo kuwo ku qotama dhanka sharciga, kuwaasoo laga baaqsan karay haddii la tixgelin lahaa dastuurka, islamarkaasna ixtiraam loo hayn lahaa ku dhaqanka qaanuunka.

Walow shacabka Soomaaliyeed si weyn u soo dhaweeyeen guushii Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee madaxtooyadda dalka, iyagoo ka filanayey in xukuumadiisu wax ka qabto amaanka, cadaalada, iyo dhismaha hay’adaha lagama maarmaanka u ah soo celinta dowladnimada iyo gaarsiinta adeega dadweynaha, iyo wadashaqeenta beesha caalamka si sharafi ku dheehan tahay, misna guushaas waxaysan farxadgelin madaxdii maamul-goboleedyada.

Waxaa hubaal ah, in caqabada ugu weyn uu wajahaye Madaxweyne Farmaajo ay ahayd dowladaha deriska ( Kenya, iyo Itoobiya) oo muddo dheer faraha kula jiray siyaasadda Soomaaliya, kuna yeeshay gudaha dalka adeegayaal danahooda u fuliya, kuwaasoo iskugu jira basaasiin iyo siyaasiyiin.

Muddo saddex bilood kadib, markii uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Mudane Xassan Cali Khayre inuu noqdo Ra’iisul-wasaaraha dalka, waxaa Nairobi – Kenya ku shiray xubno xildhibaano ah iyo siyaasiyiin kale oo Soomaali ah, kuwaasoo hor dhac u ahaa duulaan siyaasadeed oo la doonayey in lagu wiiqo xukuumadda cusub.

Waxaa xigay mowqifkii dhexdhexaadka ahaa ee Dowladda Federalka Soomaaliya ka qaadatay khilaafkii Khaliijka, uu kordhiyay tirada dalalka gacmaha kula jira arrimaha Soomaaliya, halkaas oo ay ka dhasheen saddex dhacdo, oo kala ah: (1) Inuu meeshii ugu hoosaysay gaaro xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta; (2) Inuu khilaaf soo kala dhexgalo Gudoomiyihii Baarlamaanka Federalka Soomaaliyeed Professor Maxamed Sheikh Cusman Jawaari iyo Ra’iisul-wasaaraha xukuumadda, kasoo sababay in guddoomiye Jawaari uu xilkiisii ka tago; iyo (3) In la soo xiro Cabdiraxmaan Cabdishakuur Gudoomiyaha xisbiga Wadajir, dhacdadaas oo ay ka dhalatay dhimasho.

Dhacdooyinkaas waxaa xigay in Kismaayo looga dhawaaqo Madal (gole) ay ku midaysan yihiin madaxda maamul-goboleedyadda, si xukuumadda loogu khasbo in go’aanadda arrimaha masiiriga ah la wadaagto madaxda maamul-goboleedyada, sida, maaliyada, gaashaandhigga, arrimaha dibedda, iyo socdaalka. Dalabkaas oo aan waafaqsaneen dastuurka.

Duqii hore ee Caasimadda Muqdisho Mudane Taabit Cabdi oo kaashanayey xubno mucaarad ah ayaa qayb ka noqday culaysyaddii haystay dowladda dhexe bilowgii 2018, kadib markii uu ugu ololeeyay maqaamka Muqdisho si dastuurka iyo sharciga baalmarsan, taasoo ugu danbeen seejisay kursigiisii.

Falanqeeyaasha siyaasadda Soomaaliya waxay rumeysan yihiin, in dhammaan khilaafyadaas gadaal ka riixayeen gacmo shisheeye, balse dowladda dhexe waxay kaga gudubtay jidgooyinkaas afar arrimood: (1) Xiriir wadashaqeyn oo wanaagsan oo ka dhex dhashay Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha; (2) Ra’iisul-wasaaraha oo soo dhisay gole wasiiro ah oo u hoggaansan hirgelinta qorshayaasha xukuumadda; (3) Aqlabiyadda baarlamaanka oo taageertay siyaasadda ay xukuumadda ku shaqeenayso; iyo (4) Shacabka Soomaaliyeed intooda badan, gaar ahaan dhallinyarada iyo haweenka oo ku qancay qorshe howleedka xukuumada.

Waayahaan dambe waxaa masraxa siyaasadda mar qudha ah soo wada fuulay Madaxweynayaashii hore Xassan Sheikh Maxamud iyo Sheikh Sharif Sheikh Axmed, si ay u xoojiyaan mucaaradka xukuumadda ee laga itaal roonaaday! Balse waxay u muuqataa in xukuumadda oo baratay sida loola dhaqmo khilaafka, ay la soo baxday tabo cusub oo ay uga gudbi karto turunturooyinka loo dhigay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mar uu la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee Nairobi, carabka ku dhuftay in caqabadaha haysta dowladdiisa ka mid yihiin dowladaha deriska iyo dalalka danaha ka leh Soomaaliya, markii ay dantooda ka dhex waayaan xukuumada ay ku dhaqaaqaan falal ka soo horjeedo dowladda dhexe. Wuxuu sheegay in dalalkaas u soo dhexmaraan siyaasiyiintii abuurmay 20kii sanadood ee ugu dambeeyey iyo madaxda maamul-goboleedyadda, si ay dalka uga abuuraan xiisado siyaasadeed (YouTube Nov 13, 2019).

Falanqeeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa rumeysan wadahadalka dowladda la furtay Xassan Sheikh iyo Sheikh Sharif ay yihiin kuwo lagu dejinayo xiisadda. Waxaadna moodaa in labada dhinac garteen in nabaddu “dhegta u roontahay,” balse aysan wax ka badalaynin mowqifka xukuumadda ee ku aadan doorashooyinka 2020/2021, siyaasadda ay kula dhaqmayso maamul goboleedyada, dibuhabaynta dhaqaalaha, iyo ciidamada.

Marka la eego faahfaahin la’aanta Villa Soomaaliya waxii laga wadahadlay iyo go’aanadda la gaaray kulankii Farmaajo, Xassan, iyo Shariif ku dhexmaray madaxtooyadda, iyo kulankii ka dambeeyey ee dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo qaar ka mid ah xisbiyada diiwaangashan, waxaa muuqata in Villa Soomaaliya ay doonayso inay si xeeladaysan uga dabaalato xaalada cakiran ee dalka ka jirta.

Kulanka Dowladda iyo mucaaradka ma suurtoobi lehayn haddii  mucaaradku qudhooda aysan garan lahayn in siyaasadda ah weerar joogta ah ama middi middi ku taag ah, iyo ku dhaqanka mabda’a ah “cadawgayga cadawgiisa waa saaxiibkay,” oo baday inay hoosgalaan dawlado shisheeye.

Sidoo kale, uhiilinta iyo taageerada maamul-goboleedyada ay xukuumadda xurgufta kala dhexayso ay u muujinayaan, inay ugu dambayntii ka fogaynayso dadweynihii ay kasban lahaayeen. Weli waxaa loo baahan yahay inay mucaaradku gartaan in dadweynaha uu ka sugaayo barnaamij cad oo muujinaaya siyaasadda ay doonaayaan inay ku dhaqmaan iyo sida ay u doonaayaan inay dalka u hormariyaan kolka ay talada qabsadaan.

Saciid Cabdisalaam iyo Cabdulqaadir Cariif

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s