Kenya oo Mucaaradka Itoobiya Uga Raadineysa Guddaha Soomaaliya Fariisimo Cusub

Khilaafkii, iyo wadashaqeyn la’aanta u dhaxaysa Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya ayaa galay marxalad cusub, kaddib markii ay soo jiidatay dareenka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Golaha Ammaanka markii uu warbixin ka dhagaystay Ergayga QM Mudane James Swan, Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), iyo Danjire Abukar Daahir Cusman Baale, ayuu ugu baaqay Dawladda Soomaaliya iyo dhammaan Maamul-goboleedyada dalka ka jira inay dib u billaabaan wadahadalladoodii si ay u xalliyaan khilaafka u dhexeeya.

 Khilaafka u dhexeeya Mudane Axmed Maxamed Islaam-Madoobe, iyo Xukuumadda dhexe, ka sokow gobolka Jubbaland waxuu noqoday goob ay si gaara ugu hardamaan dalalka Itoobiya iyo Kenya. Labada​n dal oo deriska la ah Soomaaliya, dhul iyo dad Soomaali ahna ay qayb ka yihiin dalalkooda, islamarkaasna ​ciidamadoodu qayb ka ​yihiin AMISOM, ayaa ​loollan ka dhex bilowday si mid waliba gooni ahaan u ilaashado danihiisa siyaasadeed, dhaqaale, iyo ammni. 

Dowladda Itoobiy​a waxay ku dhaliishay Kenya inay ku abuurayso gudaha maamul-goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya xoogag ka dhan ah qarannimada Itoobiya, islamarkaasna, halis ku ah xasilloonida Soomaaliya iyo tan gobolka guud ahaan. Halka Kenya a​y ku eedaysay dalka Itoobiya inay gacan siinayso xukuumadda Soomaaliya, si ay meesha uga saarto Mudane Axmed Madoobe oo gacan saar la leh dowladda Kenya. 

​Hadabba maxaa ka jira eedaha ay isdhaafsanayaan labadan dal ee dariska la ah Soomaaliya? Maxaase run ka ah, doodda mucaaradka Soomaaliya ee dhahaysa, xukuumadda Soomaaliya waxay ciidamada Itoobiya u adeegsanaysaa cabburinta mucaaradka, iyo maamul goboleedyada?

Waxaa la ogyahay, in Soomaaliya u loogan tahay cadawgeeda, maadaama cudud ciidan, dhaqaale, iyo hay’addo dowladeed dhammaystiran, haddana midaysan intaba aysan lahayn. Waxay Xukuumadda​ Soomaaliya la soo baxda​y tabo siyaasadeed oo dalka looga badbaad​iyo jabka ay la maaggan yihiin xoogagga shisheeye ay horkacayaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Taasoo ka dhigan “Majo dhooqo midba marbaa la bixiyaa”.

​Xukuumadda Soomaaliya oo u aragtay fursad isbeddelka ku dhacay hoggaanka Itoobiya waxay isbahaysi la samaysatay Itoobiya, iyo Erateriya. Heshiiska ay galeen saddexdan dal waxuu saameynayaa dhaqaalaha, siyaasadda, iyo nabadgelyada. Bilowgiiba waxaa heshiiskaan si isku mid ah u dareensaday dowladda Kenya oo u aragtay in Soomaaliya ay ka baxday siriqdii ay ugu jirtay Kenya iyo Itoobiya oo isku dhinac (dan) ahaa, iyagoo heshiis ku ahaa in Soomaaliya aysan helin dowlad midaysan oo shaqaynaysa, iyo madaxda maamul gobeleedyada oo qaarkood taageero siyaasadeed, iyo hub ay ku wiiqaan dowladda dhexena ka heli jiray Itoobiya.

Waxaa xusid mudan, in waajibaadka AMISOM ay ka mid tahay, la dagaallanka Alshabaab iyo inay Dowladda dhexe ka caawiyaan sugidda amniga, tababarka ciidan qaran, iyo ka hortagga waxii keeni kara khal-khal amni.

Dowladda Soomaaliya oo ka faa’iidaysanaysa heshiiska ay la gashay Itoobiya, iyo Erateriya waxaa u suurto galay labo arrimood: (1) In Itoobiya ay joojiso gacansaarkii ay la laheed maamul goboleedyada, taasoo xukuumadda u oggolaatay in barnaamijyadeeda ay ku tayaynayso hay’adaha dowladda u gacan banaanaato, iyo (2) Inay dhisto ciidamo, tayaysan, tiro kooban, kuwaas oo leh muuqaal qaran.

Welwelka mucaaridka ee la xiriira adeegsiga ciidamada Itoobiya ee Dawladda Federaalka waxuu ku salaysan yahay dhacdadii xiritaankii Roobow iyo faraggelinta Dawladda Federaalka ay ku samaysay doorashadii Koonfur Galbeed, halkaasoo ay ka dhistay talis goboleed hayin u ah, balse ka hor imanaya rabitaanka dadweynaha Koonfur Galbeed.

Haddaba waxaa muhiim ah, in mucaaradka ogaal u yeeshaan hadalkooda, iyo ficilkooda si aysan danahooda gaarka u dhaawicin danaha qaranka, iyagoo qasdigoodu  yahay oo qudh ah xukuumadda mucaarada!

Arrinka khuseeya khilaafka u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo gobollada, waxaa habboon in mucaaradka haddaysan ka odayayn karin khilaafka inay ka aamusaan ama dhedhexaad ka ahaadaan oo aysan “dabka bansiin ku shubin.”

​Dhanka kale, Kenya oo u aragta halis isbahaysiga ay samaysteen Soomaaliya, Itoobiya iyo Erateriya, ayaa waxay isku dayaysaa inay fariisimo u hesho mucaaradka Itoobiya ee saldhigooda ahaan jiray dalka Erateriya, kuwaasoo saldhigyadoodii la baabbi’yay horraantii sanadkan, kaddib markii ay heshiiyeen Itoobiya iyo Erateriya.

Mudane Cabdiraxmaan Mahdi Madey, oo loo doortay hoggaanka OLNF November 11, ayaa soo gaadhay maalintii Axadda ee Nofeembar 24kii garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, waxaana si diirran ugu soo dhaweeyay Nairobi masuuliyiin Kenyaan ah.

Walaaca Itoobiya ayaa ah, in Mudane Axmed Madoobe oo mar xiriirkiisa muhiim u ahaa amniga Itoobiya, ​inuu mar qudha ah u gudbay dhanka Kenya, sida uu qoray wargeyska Addis Standard. 

Wargayska oo soo xiganaya ilo iyo xog diblomaasiyadeed ayaa qoray, in Kenya ay martiggelinayso shir uu qaban qaabiyay oo uu maalgeliyay Machadka Rift Valley ee Kenya, kaas oo u dhexeeya masuuliyiin heer sare ah oo ka socda Jabhada OLNF oo uu hoggaaminayo gudoomiyaha xisbiga, Cabdiraxmaan Mahdi Madey, iyo masuuliyiin sarsare oo ka socda Maamul-goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Madaxweyne goboleedka Axmed Maxamed Islaam Madoobe ( Addis Standard November 26, 2019). 

Dowladda Itoobiya horay waxay maamulka Mudane Axmed Madoobe ku eedaysay in saraakiil danbiyo xuquuqda aadanaha ka gaystay gobolka ismaamulka Soomaalida Itoobiya xilligii Cabdi Maxamed hayay talada ay Jubbaland siisay gabbaad.

Falanqeeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya, waxay rumeysan yihiin inkastoo aragtidii dunida ka qabtay Soomaaliya wax badan iska baddaleen, misna go’aanadda Golaha Amaanka waxaa ka muuqda inaysan weli meesha ka bixin fikradda ku salaysan “Qaran xoog leh oo ay Soomaaliya yeelataa waxuu ​halis ku yahay waddamada deriska la ah.”

Haseyeeshee, go’aanka Golaha wuxuu raacay talabixintii Guddiga Khubarada (Panel of Experts), wuxuuna ku salaysan yahay in Guddiga uusan gacan ka helin Xukuumadda si ay talabixintooda u ebyaan.

Dhanka kale xukuumadda iyo Guddiga waxaa u dhexeeya xurguf la xiriirta habka ay uu u shaqeeyo guddiga iyo halka ay fariisin ka dhigteen oo ah Nairobi, iyadoo ay Xukuumada dacwad horey uga gudbisay, balse aan natiija dhalin.  

Waxaana suurtaggal ah, inay Soomaaliya sii saarnaato cunaqabataynta hubka, haddii dadaallada Dowladdu waddo oo lagu dhisayo ciidan qaran aysan taageerin dhammaan shacabka Soomaaliyeed muxaafid iyo mucaaradba! Waxaana quman in aan la siyaasadeyn barnaamijka dhismaha ciidan qaran, iyo sugidda amniga.

Saciid Cabdisalaam iyo Cabdulqaadir Cariif

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s