Thursday, June 1, 2023
Home Opinion - Ra'yi Isbuucii Rajada Doorashada 2020 iyo Cabsida Xisbiyada Xamar Qaarkood

Isbuucii Rajada Doorashada 2020 iyo Cabsida Xisbiyada Xamar Qaarkood

W/Q Dr Moxamed Nuur Gacal

Mudane Maxamed Nur oo Wargeyska Jamhuriyadda maqaalkiisa marti geliyay, waa la taliyaha Ra’iisul-wasaaraha DFS, wuxuuna ka mid ahaa guddiga dib u heshiisiinta maamul-goboleedka Galmudug.

Jagooyinkaan ka hore wuxuu Wasiira Dowliga Arrimaha Dibedda DFS ka soo noqday xukumadii Ra’iisul-wasaare Saacid ee 2012.

50 Sano kadib ayey dadka Somaaliyeed u muuqatay Yedidiilo iyo Rajo weyn in ay mar labaad ku guuleysan karaan Doorasho Qof & Codkiis ah!

Dhacdooyinkii Asbuucii ugu danbeeyey bishii November ayaa dhaliyey Fursado aan horay u dhicin oo muujinaya Guusha Doorasho Qof & Codkiis ah ee ka dhacda gayiga Somaaliyeed Sanadka 2021, kadib Doorashadii Qof & Codkiis ee Barlamaankii 1969, waxaana ka mid ah Fursadahaas;

1. Kulankii Wadajirka ahaa ee labada Aqal ee Barlamaanka iyo Balan-qaadkoodii in ay deg deg ku Ansixinayaan Sharciga Doorashada iyo Qabyatirka Dastuurka!

2. Sharcigii Doorashada oo kasoo dhamaaday Golaha Wasiirada iyo Guddi-hoosaadkii Barlamaanka, una baahan kaliya Ansixin iyo Fulin!.

3. Guddiyaadii Qabya-tirka Dastuurka oo soo gudbiyey Jadwakii dhameystirka Hawshooda, Wacadna ku maray in ay Barlamaanka ka Ansixin-doonaan Kalfadhigaan!

4. Guddiga Doorashada Qaranka oo Qorshihiisa Doorasho kusoo bandhigay kulankii Golaha Ammaanka ee New York, kana balan qaaday Kulanka hortiisa in ay qabanayaan Doorasho Qof & Codkiis ah Sanadka 2021.

5. Xukuumada Somaaliya oo Balanqaaday in ay bixinayso Qoondada uga soo aaday Kharajka Doorashada oo dhan $ 7 M iyo Dawladaha Saaxiibada Somaaliya oo balan-qaaday in ay bixinayaan inta ka dhiman.

6. Madaxweyne Farmaajo oo bilaabay la tashiga Saamileyda Siyaasadda Somaaliya iyo Xisbiyada ku meel-gaarka ah’ sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen xaqiijinta Doorasho Qof & Codkiis ah.

7. Beesha Caalamka iyo Daneeyaasha Arrimaha Somaaliya oo Caddeeyey in ay Arrimaha Doorashada uga danbeyn-doonaan Dawladda Somaaliya.

Fursadahaas kadib waxaa Cabsi Muujiyey !!

A. Xisbiyada Siyaasadda ee aan weli Xamar ka bixin Qaarkood iyaga oo aan Caddeyn Sababta Cabsidooda markii laga reebo in ay u barteen Doorasho Dadban.

B. Siyaasiyiin iyo Xildhibaano Kuraas ku helay Doorasho Dadban oo ka Baqaya in ay ku waayaan Doorasho Toosan.

C. Beelo iyo Gobalada Qaar ku Caana-maalay 4.5 oo ku helay Sed-bursi Siyaasadeed, kana Baqaya in ay waayaan Kuraas ay haysteen 20 Sano.

Hadaba dadka Somaaliyeed, gaar ahaan Dhalinyarada oo haysta Fursadahaas ay ku dhici karto Doorasho Qof & Codkiis ah; ma Aqbali-doonaa in mar kale uu ku laabto Doorasho Dadban iyo 4.5?.

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Asalka maqaalka waxaa lagu daabacay Allbanaadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments