Thursday, November 30, 2023
Home Dib U Eegis Buug Taariikh Nololeedka Georgi Kapchits

Taariikh Nololeedka Georgi Kapchits

Qoraaga wuxuu dhashay 1939, dhalashadiisa waa Ruush, wuxuuna ku qalin jabiyay Cilmiga Afafka (Linguistics) Jaamacadda Qaranka ee Moskow machadkeeda Daraasadaha Asiya iyo Afrika. Luqadaha shisheeya uu yaqaanna waxaa ka mid ah Af Soomaaliga iyo Af Amxariga. Muddada u dhexaysay 1967 iyo 1994 wuxuu ka shaqaynaanyay Qaybta Af Soomaaliga ee Radiyo Moskow. Kapchits waa nin can ah oo Soomaali fara badan ay taqaan aqoontiisa Afka Soomaaliga iyo suugaanta Soomaaliyeed  gaar ahaaan maahmaahyada iyo sheekooyinka hidde oo  uu daraasad iyo baaris dheer  ku sameeyay. Tiisiskiisa PhD-da wuxuu ku saabsanaa Qurubyada Weerta Af Somaaliga (Sentence Particles). Kapchits wuxuu caan ka yahay dhammaan degaannada ay Soomaalidu degto aqoontiisa afka awgeeda. Qoraallo iyo buugaag fara badan ayuu qoray. Qoraaga wuxuu kaloo sabab u ahaa faafinta hiddaha iyo suugaanta Soomaaliyeed, gaar ahaan aagga Bariga Yurub.

Sheekoxariirooyinkii uu uruuriyay oo qoray waxaa  lo turjumay Afka Ruushka (Somali Proverbs and Sayings in Somali and Russian with Russian Equivalents. Compilation, translation, introduction and commentary. Moscow, 2009.) iyo, waxaa kaloo xitaa nasoo gartay in loo turjumay Afka Yukraina. Bandhigyo fara badan oo loo abaabulay suugaanta iyo hiddaha Soomaliyed ayuu ka qeyb qaatay qaarna isagaaba wax ka qabanqaabiyay.  Buugaagtiisa shekaxariiroyinka Soomaaliyed aad ayay u wanaagsan yihiin gaar ahann buugga caanka ah ee :Waxaa ka Yiri, Sheekooyin Hidde ah, Omimee Intl Publisher, Kologne, Germany 1996. Buuggan oo Af-Soommali uu ku qoray, waa mid uu ugu talaggalay akhristayaasha Soomaaliyeed.

Wuxuu kaloo qoray: Qaamuuska maahmaahyada Soomaamliyeed oo xambarasan wax  ka badan 6000 oo maahmaah.  (Qaamuuska Maamaahyada Soomaaliyeed – The Dictionary of Somali Proverbs (in Somali with introductions in Somali and English). Collected and arranged by L.G. Kapchits, Moscow, 1998). Buug kale ee maahmaayo ah waa: Hubsiimo Hal baa la Siistaa. Dhawaan ayaan ka faalloon doonnaa oo usoo bandhigi doonnaa akhristayaasha Jamhuriyadda.

Inta aan kala soconno buuggisi ugu dambeeyay wuxuu ahaa:

 Soomaali been ma maahmaahdo (Somalis do not lie in proverbs). Pisa, Italy 2012.

Waxaan halkaan kusoo gurinnay cinwaanka video muujinaaya isagoo ku hadlaaya Af Soomaali mar uu joogay dalka Finland.

Axmed Qaasim Cali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments