Friday, December 1, 2023
Home Dib U Eegis Buug Faallo Buugga: Hubsiimo Hal Baa La Siistaa

Faallo Buugga: Hubsiimo Hal Baa La Siistaa

Qoraaga buugaag badan ayuu ka qoray, (xitaa wuxuu qoray buugaag kale oo isla maowduuca buugga aan soo xulnay ah), balse sababta aan u doorannay midkaan (Hubsiimo Hal Baa La Siistaa ee Georgis Kapchits, The Way, Moscow, 2002), waa habka tirakoobka, sahanka, iyo barista leh oo uu qoraaga usoo uruuriyay una xulay 249-ka  maahmaah oo uu ka kooban yahay buuggani  “Hubsiimo Hal Baa La Siistaa”.  Maahmaahyadan dhammaan waa kuwa heer qaran ah ka fog gobol  iyo lahjado goonni ah. Teeda kale, maahmaahyada oo idil waa kuwa ugu caansan oo ay Soomaalida adeegsato meel kastoo ay joogtaba.

Tirakoobkooda wuxuu inoo sheegaayaa in maahmaahyada ugu caansan ee buugga ay yihiin kuwa ay isku raaceen dadka la sahmiyay wax badan 99% (Boqolkiiba 99) kuwa ugu liitana ay isku raaceen 51%(Boqolkiiba 51%). Wuxuu intaa raaciyay lixdammeya kale oo qoraagu uu u heysto inkastooy ka hooseeyeen 50% haddana uu filaayo -haddi sahanka la fidiyo oo mar labaad lagu celiyo- in uu heerkoodu aad u kori karo.

Dhammaan maahmaahyada waxay ku tujuman tyihiin Afka Ingiriiska.

Dadka sahanka ka qeyb qaatay da’dooda waa saddex kooxood: dad ka weyn 40 jir, kuwa u dhexeeya 40-30, iyo kuwa u dhexeeya 30-20. Herkooda waxbarasho waa jaamici iyo wax ka hooseeya, xagga dhaqankan dad miyiga kusoo barbaaray, kuwa magaalo  kusoo barbaaray, iyo dad qurbjoog ahaa toban sano ugu yaraan.

Dadka sahanka lama siin maahmaahyada oo ebbyoon balse qeyb haddii uu qofka yaqaan maahmaahda uu iskiis u dhammaystri karo ayaa 656-ka maahmaah loogu gudbiyay. Sida: Soomaali been waa sheegtaa….? Af wax cunay….? iwm.

Qoraaga wuxuu leeyahay in tirakoobka uu muujiyay in aqoonta maahmaahyada ay la koraayso da’da, taasoo micneheeda uu yahay qofba qofka uu ka weyn yahay ayuu ka badiyaa, wuxuu  kaloo muujiyay in dadka miyiga kusoo barbaaray ay uga aqoon badan yihiin dadka magaalada kusoo korey, ugu dambaystiina da’yarta qaxa ku koryay inay ka mid yihiin kuwa ugu aqoon yar mowduucan.

Taasoo inoo tilmaamaysa in dadka ubad ku koriya qurbaha ay aad ugu baahan yihiin in loo suurtaggeliyo sidii ay ubadkooda  ugu duwi lahayeen hiddaha iyo dhaqanka ay kasoo jeedaan.

Ruuxii doonaaya wax itaas ka badan oo la xiriira habka tirakoobka buugga qudhiisa ayay ku faafaahsan yihiin.

Waxaad hoostan ka helaysaan cinwaanka aad si bilaash ah uga soo degsan kartaan Internet-ka buuggan idinkoo gujinaaya qoraalka: View Full Text.

http://dspace-roma3.caspur.it/license-views?view-item=false&itemid=3480&fulltext=%Fbit-stream%F2307%2F2611%2F1%2FHubsit-imo%2520hal%2520baa%2520la%2520siista.pdf&submit_item=Visual-izza%FApri

Axmed Qaasim Cali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments