Friday, November 27, 2020
Home Siyaasadda Imaaraadka iyo Kenya Ma Dhagar Hor Leh Ayey Maleegayaan Mise Suluxu Waa...

Imaaraadka iyo Kenya Ma Dhagar Hor Leh Ayey Maleegayaan Mise Suluxu Waa Ka Dhab!

Toddobaadkii dhawaa, waxaa Muqdisha laga furay machad lagu tababbarayo diblomaasiyiinta Soomaaliya oo ay maalgelisay dowladda Qadar. Diblomaasiyiintaas waxay ka faa’iideysan doonaan waxbarasho heer sare ah oo ay u fidin doonto hay’adda “Folke Bernadotte Academy – FBA” oo ah haya’ad ay dowladda Sweden u abuurtay Nabadda, Amniga iyo Horumarka kana tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sweden.

Marti sharaftii lagu casuumay munaasabaddaas waxaa ka mid ahaa Danjire Maxamed Axmed Othman Al-Hammadi oo ah safiirka Imaaraadka Carbeed u fadhiyay Soomaaliya, balse fariisinkiisa ka dhigtay Nairobi, halkaasoo dawladda Imaaraadka safiir kale u fadhiyo. Wixii ka dambeyay khilaafkii khaliijka, xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la lahayd dalka Imaaraadka waxuu u muuqday mid cirka loo tuuray, walow Imaaraadka uu ahaa dalka ugu weyn dalalka ay Soomaaliya la lahyd xiriirka ganacsi.  

Arrintu weliba waxay dhabaqday markii Abril 2018kii garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisha lagu qabtay lacag bulshada aaminsan tahay in lagu dumin lahaa dowladda, Imaaraadkuna  ay ku tilmaameen inay ahayd mushaarkii askarta Soomaaliyeed oo ay tababbarayeen, balse ilaa hadda loo la’yahay cudurdaar maangal ah.

Runta iyadoo ugu dambayntii soo bixi doonto, haddana dareen lagu kala aragti duwan yahay waxuu dhashay markii Danjire Al-Hammadi, oo iskiis uga guuray Muqdisho, uu ka dhex muuqday marti sharaftii. Weliba tuhunku waxuu sii kordhay markii la shaaciyay in Danjire Al-Hammadi uu Danjire Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya gurigiisa kula quraacday.

Dhacdadaas waxay ku tarjumaysa aragtida rajo beelka leh (pessimistic), inay sabab u tahay jawiga siyaasadda gudaha Soomaaliya oo aan xasillooneyn, taas oo u suuraggelin karta in Abu Dhabi ay cagta ku walaaqdo doodda doorashooyinka qof iyo cod. Danjire Al-Hammadi waxaa hore looga bartay in markastoo uu soo dhawaado dhammaadka xilli-xukuumeedka uu ka dhex muuqdo siyaasiyiinta u xusulduubaya hoggaanka dalka.

Aragtidaas waxaa barbar yaal mid ka duwan oo ku doodaysa in Imaaraadku uu dareemay in Boqortooyda Sacuudiga, oo ay ku kala fogaadeen dagaalkii Yemen, ay diyaar u tahay inay is afgarad cusub la yeelato Qadar oo sababi kara dibuheshiisiin. Inkastoo Sacuudiga sheegay in dalalka isbahaysata ay raali ka wada yihiin dadaallada, haddana haddii heshiis lala gaaro Abu Dhabi la’aanteed, waxaa dhici doonto in qoorshaha Imaaraadka ee Soomaaliya uu meel cidla ah ku soo dhaco.

Walow ay adkaan doonto in la dayac tiro xiriirka Muqdisha iyo Abu Dhabi, maadaama ay cadaawad fara badan dhex taal, haddana waxaa la tuhunsan yahay in Danjiraha loo soo diray sahan, amase loo soo dhiibay soo jeedin (proposal) u baahan in si taxaddar leh looga doodo.

Shaki kuma jiro, in khilaafka uu daciifiyay awoodda dowladda dhexe, dibna u dhigay guulihii dalka gaari lahaa. Waxaase la wada ogsoon yahay dalka Imaaraadka inuu door biday inuu ku dabargooyo Dowladda Federalka Soomaaliya duufsashada Maamul goboleedyada dalka oo uu xiriir toos ah la yeesho sidii iyagoo ah dowlado madaxbannaan oo kale.

Tuhunku wuxuu sii kordhay markii, Kenya oo xulufo hoose la ah Imaaraadka, si kedis ah ugu dhawaaqday in duullimaadyada diyaaradaha  kasoo duula Kismaayo ay mari doonaan Wajeer (Wajir). Halka inta kale, si toos ah ay uga degi doonaan garoonka Jomo Kenyatta.

Aragti kale oo intaba ka duwan ayaa ku doodaysa in Imaaraadka oo maanka ku hayay riwaayad uu ku ilaashan lahaa danahiisa, kuna taageerayo hoggaamiyeyaashii ciidamada Khartoum, uu isku dayay inuu u fashiliyo dhaqdhaqaaqii dimuqraadiyad doonka ahaa ee shacabka Sudan sidii kuwii “Arab spring.”

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in isbahaysiga khaliijka uu weligiiba taageeri jiray nidaamyada kelitaliska ah uguna dambeyay Al-Bashirkii Sudan, aysan fahmin xowliga mawjadaha isbeddel doonka ah ee ka dhacaya gobolka Geeska Afrika.

Si kastaba ha ahaate, siyaasaddii Abu Dhabi waxay ka hortimid markale dadaalkii Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed (Abiy Initiative) uu ku badbaadin lahaa dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda Sudan iyo xasilloonida gobolka. Kol hore, Abu Dhabi waxay cagta ku dhufatay hindisihii Addis Ababa ee lagu xallin lahaa arrimaha (koofur iyo waqooyi) Soomaaliya (Jamhuriyadda – 07/10/2019).

Amiirrada Carbeed, gaar ahaan kuwa Imaaraadka waxay ka ilduufeen in ay siyaasadda Washington ee Geeska Afrika si lixaad leh isku beddeshay, dadaalka xasilinta gobolkana ay gadaal ka wadaan diblomaasiyiin Mareykan ah. Abu Dhabi waxaa Sudan ka raacay jac diblomaasiyadeed oo aaney ka filaneyn Washington, xilli ay maleynaysay in hawlgalkoodu raali laga yahay, haysataana dhegta Aqalka Cad ee Maraykanka.

Dhacdadaas iyo kuwo kale, waxay dhaliyeen su’aal muhiim ah oo leh: Inteebey Washington ka indha-damuuqsan doontaa siyaasadda cadowtinimada ku dheehan ee Abu Dhabi kula dhaqmeyso Muqdisho, iyadoo ay muuqato in Soomaaliya ay ka soo ifbaxday dimoqraaaddiyad curdun ah, ugu dameyntiina noqotay barta ugu muhiimsan shidaalka xeebaha Bariga Afrika?

Inkastoo arrinka is afgarad uu ku xiran yahay dhanka ay  siyaasadda Imaaraadka u socoto, haddana bulshada waxay isweydiineysaa Danjiraha Al-Hammadi ma wuxuu wadaa bishaaro nabadeed, mise wuxuu u yimid inuu dib ugu laabto dhaqankiisii ahaa inuu dhex boodo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah xukuumadda, kuwasoo xusulduub ugu jira kursiga Villa Soomaaliya?

Si kastaba ha ahaate, waxaa jawaab loo la’yahay su’aasha ah: Imaaraadka iyo Kenya ma dhagar hor leh ayey maleegayaan mise suluxu waa ka dhab?

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Kutirikuteenta Michael Rubin Yaan Lagu Ajarmin

Ololeye Maraykan ah oo la yiraahdo Michael Rubin ayaa ku soo qoray 16.11.2020 wargeys Maraykanka ka soo baxa maqaal uu cinwaan uga dhigay: Madaxa...

Khatar Laba Afle ah – Maxaa Ruushka Dib Ugu Soo Celiyey Waqooyiga Geeska Afrika?

Ruushka oo in mudda ah isha ku hayay xeebaha Geeska Afrika ayaa November 11, 2020 shaaciyay inuu heshiis lagu dhisayo saldhig taakulayn...

Maxaa Xigi Doona – Mucaaradka oo Guranaya Mirihii ay Beerteen!

Qoraal ku taariikhaysan November 5, 2020 oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul ​wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu magacaabay Guddiyada Doorashooyinka, iyo Xallinta...

Soomaaliya Ma Ka Badbaadi Kartaa Dagaal La Mid ah Kan Ka Dhex-qarxay Maamulka Tigreega Iyo Dowladda Federaalka Itoobiya?

Maamulka Addis Ababa waxuu burburiyay hubkiisa ugu cuslaa, uguna casrisanaa ee yiillay Taliska Qaybta Waqooyi (Makelle,ama Mek’elle), kaddib markii uu gacanta u...

Recent Comments

%d bloggers like this: