W.Q. Maxamed Nusayr (Mohammed Nooseir) oo ah siyaasi iyo qoraa u dagaallama dimuqraaddiyadda iyo dhaqaale xor ah.
Wuxuu wax ku qori jiray wargaysyada dalka iyo kuwa caalami ahba. Laga billabo 2007 ilaa 2013 wuxuu xubin ka ahaa xibiya kala duwn. Wuxuu wax ku bartay Jaamacadda Caynu Shamas ee Qaahira 1986, balse wuuxuu leeyahay khibrad caalami waxbarasho iyo shaqaba.
Dimuqraaddiyadda ma aha farsamada xukun hay’adeed, doorasho hufan iyo xurriyadda hadalka oo qura; in la dhiso tala soo jedin u wada dhan yihiin xoogagga siyaasadeed oo ku hawlan inay hormariyaan bulshada giddigeed iyaduna waa muhiim. Oggolasho siyaasadeed oo loo dhan yahay oo ku dhisan wadahadal wax-ku-ool ah iyo bulsho bisil oo u hoggaansan asluub anshaxeed oo ay weheliyaan nuxrur dimuqraaddiyad oo ay Masar u baahan tahay.
Nasiibdarro, farqi weyn ayaa u dhexeeya dood bisil iyo laablakac anshaxeed dhinac iyo dhinaca kale oo dhab ahaan ka muuqdaan falal aan bisayl ku dheehneen iyo dhaqan aan ashaaxsanayn.
Bisaylka (waaya-arag) iyo anshaxa waa tilmaamo aysan dastuurka iyo sharciyada lagu qeexi karin. Aqoonta waxbarasho iyo hidde suubban ayaa door asaasi ah ka ciyaara jaangoynta labaduba; waxayna ka turjumaan xaaladda aragtida ummadda.
Heerka bisaylka waxaa lagu qiyaasi karaa dhaqanka dadweynaha marka ay soo wajahdo xaalad adag. Anshaxa dadkuse waxaa muujiya ku dhaqanka qiyam (moral values) asluubeed halka ay raaci lahaayeen danaha shakhsiga ah. Nasiibdarro, siyaasiyiinta Masar maanta ka jira waxay raacaan danahooda siyaasadeed u gaarka ah halka ay ka muujin lahaayeen anshax ama bisayl.
Dimuqraaddiyada dhabta ah, siyaasiyiinta waxay ku dhaqmaan bisayl siyaasadeed iyo asluub mudnaan leh. Nidaam xukuumadeed ee shaqaynaaya waa lagama huraan, balse waxba kuma turna haddii siyaasiyiinta bisayl la’aan ay wada yihiin.
Masar manta waxay maraysaa marxalad kalaguur caraadin (challenge) adag leh oo siyaasiyiintu ay baahida danahooda gaarka ah siinaayaan mudnaanta kowaad halka ay ka siin lahaayeen horumarka dalka; sida cad badidooda waxay ku dhaqmaan bisayl darro iyagoo aslanba baal maraayaa qiyamka anshaxa.
Xaaladda bisayl darrada leh aan haatan marayno, waxay ku dhalisay muwaaddinka inuu moodo in sidatan ayba tahay sida loo baahan yahay inuu dalka ku sugnaado. Bisayl darrada iyo asluubxumida waxay sababaayaan inaan noqonno kuwa fiiraggaaban leh iyo inaan maanta fiirsanno faa’iido shakhsiyadeed oon ka hormarinno danta qaranka ee la gaari kari lahaa. Nasiibxuma waxaa ah, siyaasiyiinta faraha badan bisayldarrada ku dhaqma inaysanba ka war qabin aragti gaabidooda waxayna aaminsan yihiin inayba isla toosan yihiin. Dhab ahaantii, anshaxdarradu waaba dhaqan bulshadeed oo lagu arki karo meela badan ee nolosha Masar. Sidaas daraaddeed waaba gef inaan ku tilmaanno siyaasiyiinta oo keliya dhaqanka akhlaaq xumada leh.
Siyaasiyiintaa Masar waxay ku fashileen inay kacdoon dhaliyaan sababtoo ah waxay marar badan ku dhaqmeen bisayl la’aan mana aysan raacin habayaraatee xeer anshaxeed, sidaas daraaddeed ujeeddooyinkii dhabta ahaa ee kacdoonka marnaba lama gaarin. Dadka Masar markay dareemeen kheyr-darrada ku jirta taageerada siyaasiyiin aan abuuri karin oggolaasho loo dhan yahay ee arrin kasta waxay go’aansdadeen inay isaga waaraan habkii hore ee kala daadsanaa, halka ay ka abuuri lahaayeen hab (model) cusub. Dibudhacan kuma koobna siyaasadda oo qura; balse wuxuu xitaa saameyn ku leeyahay dhaqan-dhaqaalaha.
Bisaylku ma aha wax ka dhasha da’ weynida. Dhab ahaantii siyaasiyiin badan waxay muujiyaan bisayl la’aan. Waxbarashada iyo hiddaha waxay ka cayaaraan door weyn inay suurtaggeliyaan inay dadku u dhaqmaan si bisil ee akhlaaq ku dheehan tahay.
Innaku haddaan nahay reer Masar waxaan u naqannaa aalaaba inaan shaqsi ahaan fekerno si keli ahaaneed oo kasoo horjeeda dadaal wadareed ama iskaashi bulshadeed.
Waxaa loo baahan yahay inaan dib u eegno. Habkeenna waxbarasho wuxuu ku salaysan yahay in lagu barbaaro aqoon goor dambe waxtarkeeda la arki doono balse aanan baraynin mihiimadda uu leedahay dhaqanka bisaylka leh oo ixtiraamaaya qiyamka akhlaaqeed.
Bisayl darrada ay muujiyaan xoogagga siyaasasdeed ma bannaynayso inaan innana ku dayanno falkooda. Inkastoo dad badan aysan oggolayn xaqiiqdan, horumarka dalkeenna wuxuu dhabtii u baahan yahay siyaasiyiin bisil oo qiyam anshaxeed leh. Siyaasiyiinta Masar waa inay yareeyaan hungurigooda (dalabaadkooda) siyaasadeed oo ay noqdaan dad dhabtii garan kara waxa manta suurtaggal ah helitaankooda iyo waxa u baahan in loo hawlgalo ee sannadaha mustaqbilka dambe. Waa inaan wax ka qabannaa daldaloolka dhaqankeenna, ma ha keliya inaan gaarno mawqif siyaasi wanaagsan, balse inaan u hormarinno hiddeheenna jihooyin fara badan. (Many fields).
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.
Asalka maqaalka waxaa lagu daabacay wargeyska Arab News – Sabti, 14 Oktobar 2017