Advertisements
Thursday, July 9, 2020
Home Dhaqaalaha Deyn Cafinta Soomaaliya: Yaa Lugta Haya?

Deyn Cafinta Soomaaliya: Yaa Lugta Haya?

December 11, 2019 wargeyska “Foreign Policy,” wuxuu qoray in qorshahii deyn ka cafinta Soomaaliya laga yaabo inay dib u dhacdo, sababo la xiriira khalad ka dhacay maamulka xafiisyada Washington awgeed.

Warkaas ma ahayn mid Soomaaliya iyo inta la heellan ay filanayeen. Waxaase halkaas ka dhashay su’aal ah: War yey deyn cafinta Soomaaliya u lug xiran tahay?

Shuruudaha deyn cafiska waxaa ka mid ah in qaanleyda, gaar ahaan kuwa  lacagaha badan ay ka maqan yihiin ay isku mar  cafiyaan deyntooda. Taas, ayaa cafinta Mareykanka ka dhigeysa mid aad u muhiim ah, waayo ficilkooda, ayuu badanaaba caalamku ku daydaa.

Dowladda Mareykanka oo ka mid ah “non-Paris Club bilateral creditors,” ayaa Soomaaliya amaahisay lacag lagu qiyaasayay  ilaa 1 bilyan doolar oo badankeedu ku baxday ciidamada xilligii Taliskii  Maxamed Siyaad Barre.

Walow si fudud aan deyn laysugu cafin, haddana Mareykanku wuxuu leeyahay habraac cafis oo ka bilowda Wasaaradda Arrimaha Dibedda (State Department), taas oo qayb ka mid ah deynta (35 malyan doolar), magaca Soomaaliya ugu celineyso Wasaaradda Maaliyadda (Treasury Department). Intaas waxaa dheer, in oggolka “Congress-ka” la helo, si deyn cafiska uu u noqdo mid kama dambeys ah.

Gugii dhawaa, Aqalka Cad ee Maraykanka, ayaa si aad ah ugu riyaaqay dib u soo kabashada Soomaaliya iyo u ololayntii Ra’iisul-Wasaare Khayre uu ku doonayay in dunida-qaanta-ku-leh dalka ay ka cafiso deynta caqabada ku ah horumarka bulshada iyo koboc dhaqaale (Jamhuriyadda – April 17, 2018).

Sida uu soo tebiyay wargeyska “Foreign Policy,” ma muuqan mas’uul sare ee maamulka Trump oo u digay xildhibaannada Barlamaanka  inta aan la dhammeystirin miisaaniyadda (Foreign Policy – December 11, 2019).

Dhacdadaas ayaa amakaag ku dhalisay dadaalkii xukuumadda Soomaaliya, hay’adaha maaliyadda caalamka iyo saraakiisha Mareykanka ee la heellanaa dalka, kana baqay inay dibudhac soo jiiddo.

Wargeyska “Foreign Policy” oo soo xigtay ilo wargal ah ayaa sheegay in Danjire Donald Yamamoto oo aan jeclaysan sida wax u dhaceen uu ka fiirsanayo inuu iscasilo, haddii aan xal loo helin arrinta (Foreign Policy – December 11, 2019).

Waxaa nasiibdarro ah, Soomaaliya xitaa haddii weligeed dambe aysan Shilin amaahsan, culayska deynta wuu sii kordhayaa. Qaanta dalka lagu leeyahay oo dhan 4.7 bilyan waxay ahayd asalkeedi $1.9 bilyan, waxaase ku kordhay 30 sanadood oo dulsaar heer-ciqaabeed ah (Jamhuriyadda – July 18, 2018).

Deyn cafis keligiis ma kobciyo dhaqaale, mana kordhiyo maalgashiga gaarka ah, balse waxaa kordhaya helitaaka deeqda horumarinta rasmiga ah ee dinacyaha badan (Multilateral Official Development Assistance). 

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxman Ducaale Beyleh isagoo la hadlayo Reuters ayaa hore u yiri “Mar haddii aannu helno deyn cafis, Soomaaliya waxay wadahadal la galaysaa [Bankiga Adunka] si ay saddexda sanadood ee soo socda u hesho deeq dhan 300 malyan sanadkiiba,” (Reuters – October 20, 2019).

Intaas wuxuu Dr. Beyle raaciyay “Taasi waxay noo surtaggelinaysaa inaan  ku bixino mashaaciida lagu dhimayo saboolnimada, iyadoo lagu hormarinaayo waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka, kor loogu qaadayo biyaha iyo korontada, laguna maalgelinayo kaabayaasha dhaqaalaha ee saldhigga ah” (Reuters – October 20, 2019).

Inkastoo deyn cafiska uu lahaa mudnaanta kowaad dhanka xukuumadda, haddana fursaddii kulankii Dooxa ee Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Khayre iyo Steven Munchin Xoghayaha Waaxda Khasnadda Maaliyadda Mareykanka waxay kordhisay rajada  Soomaaliya iyo inta la heellan.

Waxaa soo ifbaxaya, in ahmiyadda deyn cafinta Soomaaliya aysan isku wada waafaqsaneyn maamulka Trump. Weliba waxaa soo kordhaya dareen la xiriira in khaladka la shaaciyay uusan wada ahayn mid maamul oo keliya, balse laga yaabo inay jiri karto siyaasad mudnaanta siinayso dhinacyo kale.

Sida muuqata, Soomaaliya ma laha ra’sumaal kayd ah, umana fududo inay hesho deyn toos ah, inta tii hore meel la saaro. Deyn cafinta waxay ahayd waddada keliya oo Soomaaliya ay ku heli lahayd maalgashiga kaabayaasha, kuwaas oo lagama maarmaan u ah dardargelinta soo saarista kheyraadka dalka.

Walow iskaashiga Geeska Afrika iyo dib u soo kabashada Soomaaliya ay dunida u riyaaqday, haddana waxaa muuqata in dibuhabeynta dhaqaalaha Itoobbiya ay ka sidato mudnaan.

Soddonkii sanadood ee la soo dhaafay maamulladii isku beddelay Aqalka Cad waxay mudnaan sinaayeen siyaasadda dib u dhiska dalka Itoobiya. Cudud ciidan ka sokow, Meles Zinawi waxaa loo oggolaaday inuu dhaqaalaha badankiisa ku horumariyo maalgelinta Shiinaha.

Booqashadii Ra’iisul-warsaare Abiy Axmed Cali ee Muqdisha Jun 16, 2018 waxaa ka soo baxay in labada dal si wadajir ah u maalgashan doonaan afar dekedood.

Xilligaas, Itoobbiya waxey ku jirtay ciriiri lacag adag, taas oo astaan u ahayd in dalku uusan laheyn kayd lixaad leh, marka laga reebo 3 bilyan doolar oo Imaaraadka ku yaboohay, iskuguna jiray deeq iyo maalgashi.

Waxaa maskaxda ka weyn in maanta dunida ay u yaboohdo Itoobiya hanti dhan 9 bilyan doolar, taas oo seddax jeer ka badan 3dii bilyan oo uu Abiy Axmed filayay, si uu wax uga qabto shaqo la’aanta, sicir bararka sarreeya, yaraanta lacagta qalaad  iyo isku dheeli tir la’aanta xisaabta ganacsiga dibedda (Trade Balance Deficit) oo intaba halis gelin kara xasilloni Itoobiya.

Yusuf Gaandi oo dalka Mareykanka kaga taqasusay xisaabaadka iyo maalgashiga ayaa aaminsan in Abiy Axmed gacanta loo gashay lacagtii dalkiisa ku maalgashan lahaa dekedaha iyo waddooyinka isku xira labada dal (Soomaaliya iyo Itoobiya), taas oo isla markaas wax weyn ka tari karta shaqo abuurista Itoobiya.

Sida muuqata deyn cafinta Soomaaliya waxay ku dhici lahayd ceel, haddii Xildhibaan Ilhan Cumar, oo ka tirsan xisbiga aqlabiyadda ku leh aqalka hoose ee Mareykanka, aysan ku soo biirin inta u heellan Soomaaliya.

War iyo dhammaantii, Soomaaliya oo cagaheeda isku taagto ayaa dowladda Mareykanka ka ridi karta culeyska gargaarka joogtada ah, taas oo ku imaan karta iyadoo Washington taageerta dib u dhiska Soomaaliya.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

1 COMMENT

  1. Masha allah marka horo asxaabta meeshaan madaxda ka ah iyo intakuxiran aad iyo aad ayaan idiin salaamayaa salaanta islaamka ascwbh salaan kadib waad kahadasheen sida deynta looga cafinaayo marka waxaan idinkarabtaa sidee dhaqaalaha somalia korloogu qaadi karaa waxbarashadase sare loogu qaalikaraa midakale waxaan kamid ahay dadka sida aadka ah uguxiran webkaan marka isbuuciiba mar in aad noosoogelisaan wacya gelin dadweynaha ah waad mahadsan tihiin

Leave a Reply

Most Popular

Taariikh Nololeedka Hassan Ghedi Santur

Qoraaga  magaciisa marka la adeegsado higgaadda af-Soomaaliga waa Xasan Geeddi Santuur.  Magacan ayaan u adeegsanaynaa taariikh nololeedkiisa iyo falanqayanta bugaagtiisa.

Muuse Biixi Yaa Ku Riday Shirqoolka Calaamiga?

Xilli ay Soomaalidu uga dabaaldegeysay dunida maalmihii xurnimadda iyo midnimadda gobollada Koonfur iyo Waqooyi ayaa Muuse Biixi tweetterkiisa ku shaaciyay in maamulkiisa...

Siyaasiyiin Aan Aragti Wadaagin Ma Waaro Wadajirkooda!

Dimuqraaddiyada waa nidaam nabdoon oo lagu xalliyo khilaafka iyo kala aragti duwanaanta. Balse, jiritaanka dimuqraaddiyada waxaa shardi u ah, shan arrimood: (b)...

Inteebu Mareykanka Ku Leeyahay Dadaalka Dib u Soo Kabashada Soomaaliya?

Dalka Soomaaliya oo ku yaal bar juquraafiyadeed oo muhiim u ah isu-socodka ganacsiga adduunka, marnaba ka ma maqneyn maanka Washington tan iyo...

Recent Comments

%d bloggers like this: