Tuesday, November 28, 2023
Home Gudaha Dr. Beyle - Shaqsiga Sanadka 2019

Dr. Beyle – Shaqsiga Sanadka 2019

Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, waa dhaqaaleyahan, samafale, siyaasi Soomaaliyeed, iyo suugaanyahan aqoon durusgan u leh, dhaqanka, taariikhda ummada Somaaliyeed.

Dr. Bayle waxuu siyaasadda ku soo biiray sanadii 2014, kadib markii loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya. Inkastoo, dadka siyaasada Soomaaliya falanqeeya rumaysan yihiin inuu si dadban ugu jiray siyaasadda intuusan ku soo biirin Golaha Wasiirada.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, waxaa uu Wasaarada Maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya ku hogaamiyay siyaasad iyo xeeladdo dalka u horseedi kara horumar dhaqaale iyo mid bulsho. Talaabooyinka uu qaaday waxaa ka mid ah:

  • In shaqaalaha Wasaarada Maaliyadda u gutaan waajibaadkooda shaqo si waafaqsan hanaanka nidaamka maaliyada caalamka;
  • Dakhliga gudaha oo si lixaad leh u kordhay;
  • Soo celinta kalsoonida shacabka, iyo beesha caalamka ku qabeen hanaanka maamulka maaliyada dalka;
  • Inay Wasaarada Maaliyadda u bixiso si joogto ah mushaharaadka shaqaalaha rayidka ah, ciidamada iyo kharashaadka dowladda;
  • In Wasaarada Maaliyada u gudbiso baarlamaanka sharuucda maaliyada laga maarmaanka u ah deyn cafinta, iyo helitaanka nidaam maaliyadeed si loo helo miisaaniyad (budget) midaysan mustaqbalka; iyo
  • Inuu wadashaqeen la yeesho Wasiirada Maaliyadda maamul goboleedyada, isagoo dhinac iskaga riixay khilaafka siyaasada ee u dhaxeeya madaxda maamul-goboleedyada iyo xukuumadda dhexe.

Dhanka kale, Dr. Bayle waxaa lagu xasuusan doonaa sida ugu dhiiran yahay inuu sheego waxa maankiisa ka guuxaya, isagoo aan la gaban.

Waxaa uu curiyay heesta “Soomaaliya waa mashruuc” xilli uu ka mid ahaa Golihii Wasiirada Dowladdii Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud. Dadka Somaaliyeed waxay aad u la yaabeen in wasiir xil haya u iftiimyo dhibka dalka ka jira, isagoo adeegsanaya tixo suugaaneed.

Waxaa xusid mudan, inuu curiyay heesta “dalkeena gurmad buu rabaa” dhammaan heesaha wadaniyada ah uu alifo iyo shaqo maalmeedkiisa waxtarka leh ayuu ku xushay Warjeyska Jamhuriyadda inuu u qalmo Shaqsiga Sanadka 2019.

Tifaftiraha Jamhuriyadda 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments