Advertisements
Thursday, July 9, 2020
Home Caalamka Ka Hortagga Masiibooyinka Kediska ah iyo Daryeelka Caafimaad Dalka

Ka Hortagga Masiibooyinka Kediska ah iyo Daryeelka Caafimaad Dalka

Qaraxii argaggaxa lahaa ee Sabtidii la soo dhaafay December 28, 2019 ka dhacay isgoyska Ex-Kontrool Afgooye wuxuu sababy ku dhawaad boqol geeri ah, halka dhaawucu uu kor u dhaafay 178, sida laga soo xigtay tirooyinka rasmiga ah, wuxuuna muujiyay u darbanaashaha masiibooyinka kediska ah iyo guud ahaanba tayada daryeelka caafimaad dalka aysan fari ka qodnayn.

Weliba waxaa lagu cayntay gargaarkii degdegga ahaa ee uu dalka Turkiga noogu deeqay sida dhakhsaha leh; kaasoo ka koobnaa dhakhaatiir ka hawl gala Muqdisho iyo dawo oo ay dheerayd dayaarad dibadda u qaadda dhaawaca halista ah oo daryeel dalka dibaddiisa u baahan.

Dhinaca kale, 2017kii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo wuxuu ku dhawaaqay in dowladda aysan hagran doonin dadaal kasta sidii ay ugu heli lahayd daryeel dibadeed, dhaawaca ku waxyeelloobay masiibooyinka xagjirta oo aan dalka wax looga qaban karin.

Balse, xukuumadda waxay ilduuftay markii ay tixgelin weyday muhiimadda waxtarka leh ee waayo aragnimada iyo qalab casri ah u leeyihiin khibrad-dhiska dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha ku hawlan daryeelka caafimaad hufan.

Iyadoo aan la dafiri karin dadaalka Drs. Fowsiya Abikar iyo Wasaaradda Caafimaadkaba ay geliyeen dib ugu soo celinta Isbitaalladii dowladda (Benaadir iyo Martini) gacanta Dowladda, haddana agabka iyo tababarka shaqaalaha isbitaallada waxay ka qaataan door muhiim ah buuxinta iyo kabidda daldaloolka daryeelka caafimaadka.

Dr Maxamed Yusuf oo haatan ah Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Mediina oo TED Talk kaga hadlay xaaladda isbitaallada Soomaaliyeed, inta uusan xilka qaban ayaa yiri, “Isbitaalka Madiina waxaan ku arkay dhallinyaro waxbarashadii caafimaadka soo dhammeysay, balse baahi weyn u qaba waayo aragnimo.”

Walow isbitaalka qalabkiisu xaddidnaa, haddana Dr. Maxamed Yuusuf wuxuu yiri “weligay ma arkin xamaasada dhallinyaradaas iyo xiisaha noocaas oo kale ah.”  Intaas wuxuu raaciyay “Haddii dhakhaatiirtaas yaryari la siiyo fursado tababbar hawleed ama khibrad loona helo qalab casri ah, dalka uma baahnaan doono in dadkiisa dibedda  lagu soo daaweeyo.”

Si kastaba ha ahaatee, waxaa nasiib darra ah, in siyaasiyiinta muxaafadka ah iyo mucaaradkaba laga la’yahay cid u istaagta u ololeynta sidii isbitaallada dowladda ay ku heli lahaayeen qalab casri ah.

Maanta caqabada ugu weyn ee horumarka daryeelka caafimaadka dalka waa maqnaashaha iyo yaraanta qalab caafimaad ee shaqaynaaya.

Sideedaba, ardayda waxay waxbarashadooda dhammeyaan ayagoo helay casharro tayo sare leh, balse u baahan had iyo jeer khibrad. Dr. Cabdulqadir Maxamed Nuur “Gabgable” oo ka mid ahaa dhakhaatiirta ugu heer sareyey dalka oo ka sheekeynayay markii uu ku cusbaa isbitaalka ayaa yiri, “waxaa la ii keenay haweeney foolaneyso, balse isku gudban.” Intaas wuxuu raaciyay “Waxaan go’aansaday inaan sameeyo (C-section ama Caesarean  section ), balse intii aan gudaggelin hawshii ayaa waxaa ii timid Marwo Cabdiyo Jumbur oo ahayd umuliso waayo arag ah. Waxay igula talisay in qalliinka caloosha (C-section) aan ku beddelo inaan hoos labada dhinac u jaro.”  

Muran kama taagnaa in dhakhtarku uu horumuud u ahaa aqoonta dhibaatooyinka uurka iyo dhalmada (obstetric complications), haddana khibradda halkaas uu ka helay waxay ahayd mid maxalli ah oo aan laga baran jaamacadaha.

Haddaba, tallaabooyinka aasaasiga ah ee qalliinka dadka ku waxyeelloobay qaraxyada iyo habraacyada hawl qabadku waa isku mid. Waxaase labada goob (isbitaal) kala fadli yeelaya waa qalabka qolka qalliinka iyo khibradda, waana midda dhakhaatiirta yaryari u baahan yihiin.

Waa waqtigii dib looga fikiri lahaa mustaqbalka daryeelka caafimaadka dalka, dibna loo qalabeyn lahaa isbitaallada dowladda, si ay uga qaybgalaan cilmi baarista daryeelka degdegga ah. Dhaqanka iyo luqadda ka sokow, dib u soo kabashada bukaanadda isbitaalladda yaal waxaa qeyb weyn ka ah booqashada iyo xannaanada gacalkooda, sokeeye iyo saaxib. Intaba bukaanka kama heli karo dal shisheeye, si kastoo loogu dadaalo daryeelkiisa.

Shaki kuma jiro, in Isbitaallada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dalalka shisheeye ay maamulaan wax badan ay ku soo kordhiyeen daryeelka bukaanka dalka, haddana meesha isbitaallada dowladda ay joogaan iyo daryeelka caafimaad ee laga rabo dal dadkiisii la xasuuqayo waa kaaf iyo kala dheeri.

Dhismaha daryeel caafimaad oo karti iyo hufnaan leh waa tiirka udub dhexaadka u ah dib u soo kabashada dalka. Sidaas darteed, si diiradda loo saaro kordhinta tayada, tirada iyo khibrad baahinta daryeelka caafimaadka, islamarkaasna loo udbo iskaashi dhexmaray Soomaaliya iyo dunida, waxaa lagama maarmaan ah in dalku helo qalab caafimaad oo casri ah, ileen hibo waa Eebe ku siiye.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

Leave a Reply

Most Popular

Taariikh Nololeedka Hassan Ghedi Santur

Qoraaga  magaciisa marka la adeegsado higgaadda af-Soomaaliga waa Xasan Geeddi Santuur.  Magacan ayaan u adeegsanaynaa taariikh nololeedkiisa iyo falanqayanta bugaagtiisa.

Muuse Biixi Yaa Ku Riday Shirqoolka Calaamiga?

Xilli ay Soomaalidu uga dabaaldegeysay dunida maalmihii xurnimadda iyo midnimadda gobollada Koonfur iyo Waqooyi ayaa Muuse Biixi tweetterkiisa ku shaaciyay in maamulkiisa...

Siyaasiyiin Aan Aragti Wadaagin Ma Waaro Wadajirkooda!

Dimuqraaddiyada waa nidaam nabdoon oo lagu xalliyo khilaafka iyo kala aragti duwanaanta. Balse, jiritaanka dimuqraaddiyada waxaa shardi u ah, shan arrimood: (b)...

Inteebu Mareykanka Ku Leeyahay Dadaalka Dib u Soo Kabashada Soomaaliya?

Dalka Soomaaliya oo ku yaal bar juquraafiyadeed oo muhiim u ah isu-socodka ganacsiga adduunka, marnaba ka ma maqneyn maanka Washington tan iyo...

Recent Comments

%d bloggers like this: