Monday, June 5, 2023
Home Gudaha Galmudug Hoggaan Noocee ah ayaa Laga Filayaa

Galmudug Hoggaan Noocee ah ayaa Laga Filayaa

Soomaaliya marka ay xuriyada heshay, waxay qaadatay hanaan dowladnimo dimuquraadi ah, kuna dhisan nidaamka xisbiyada tiradda badan, balse aan islaxisaabtan quman lahayn. Taas oo keentay, in codkii shacabka loo adeegsaday mid ay inyar ku hodmaan kuna taliyaan. Nidaamkaas waxuu dalka ka socday muddo dhan 9 sanadood oo saluug badan ay qabeen shacabka.

Waxaa xigay afgambi military, oo ku dhawaaqay inuu raacayo nidaamka hantiwaadaga, balse u xuubsiibtay kaligiitalisnimo. Inkastoo bilowgii horumar ka sameeyey dhinacyo badan, misna shacabka ma helin xuriyad siyaasadeed oo ay go’aan kaga gaari karaan aayaha siyaasadeed ee hoggaanka dalka.

Xuriyad la’aanta siyaasadeed ee shacabka waxay dalka dhaxalsiisay dagaalo sokeeye iyo farogelin shisheeye. Najiitaddii ka dhalatayna waxay noqotay dhimasho, barakac baahsan, saboolnimo, iyo qaran dumay!

Dowladnimada maanta aanu haysano waxaa saldhig u ah labo rukun oo kala ah, qaadashada hanaanka federalka, iyo awood qaybsiga siyaasadeed ee beelaha. Himiladu waxay tahay in loo gudbo hannaan doorasho oo qof iyo cod ah, si ay shacabka u helaan adeega hufan iyo xukuumad ay la xisaabtami karaan.

Galmudug waxay yeelatay baarlamaan matala beelaha dega. Dadka u dhuunduleela siyaasada Soomaaliya, waxay ku tilmaameen in Golaha Wakiilada Galmudug loo soo xulay dhallinyaro u badan aqoonyahano, taas oo ka dhigaysa inuu yahay mid ka tayo roon kii ka horreeyey, iyo weliba golayaasha maamul goboleedyada dalka ka jira.

Haddaba su’aasha taagan ayaa ah: Hoggaan noocee ah ayay dooranayaan Golaha Wakiilada Galmudug, suurtaggalse ma tahay xubno baarlamaan xulasho beeleed ku yimid inay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah?

Walaaca dadku qabaan ayaa ah, inuu dhaqaalaha iyo faragelinta shisheeye go’aamin doonaan halka uu aadayo codka xildhibaanada. Balse marka la eego muddada uu qaatay xulashada xildhibaanada Galmudug, wadahadalka dhexmaray beelaha dega deegaanka, iyo gorgortankii siyaasadeed ee u dhaxeeyey Ahlu-Suna iyo xukuumadda, waxaa rajo laga qabaa in xildhibaanada cusub codkooda uu hoggaamin doono damiirkooda, iyo u danqashada daruufaha nololeed ay ku sugan yihiin dadka degan gobolka ay matalaan.

Hadabba xaalad caynkee ah ayay ku sugan yihiin dadka iyo duunyadda Galmudug?

Dhaqashada xoolaha waa lafdhabarka dhaqaalaha dalka, gaar ahaan dadka dega Galmudug ayaa si lixaad leh ​ugu tiirsan ​dhaqashada xoolaha. Abaaraha joogtadda ah iyo isbedelka cimiladda, waxay abuureen ​masiibo baniaadanimo oo ay sababeen biyo iyo baad yari​da jirta. 

Falanqeeyayaasha siyaasadda gobolka, waxay rumeysan yihiin in dagaallada ka dhaca gobolka ay sabab u yihiin biyaha iyo baadka oo aan ku filnayn xoolaha ku dhaqan gobolka. Inkastoo biyo iyo baad yarida aysan ahayn mid Soomaalida gooni u ah, haddana waxay u baahan tahay in Galmudug hesho maamul karti leh oo u quma wax ka qabashada arrinkaas.

Dhanka kale, Galmudug dhanka bari waxaa ka saaran Badweynta Hindiya, waana kheyraad dihan oo dadka gobolka sidii habooneyn aysan uga faa’iideysan colaadaha joogta ah iyo khilaafka siyaasaddeed goblka ka jira awgeed, taas oo looga gudbi karo maamul suuban oo keliya.

Dhowaan xukuumadda Soomaaliya waxay heshiis lagu dhisayo dekadda Hobyo la gashay dowladda Qatar. Sida ilo xog-ogaal ah sheegayaan waxay u xaniban tahay in la bilaabo mashruuca dekadda Hobyo helitaanka maamul midaysan iyo amni la isku hallayn karo oo laga hirgeliyo Galmudug. ​

Sida ay ku doodayaan dhaqaaleyahanada, dhismaha dekadda Hobyo waxay il dhaqaale oo la mahadiyo u noqon kartaa gobolka Galmudug ka sokow, dalka Soomaaliya oo dhan maadaama Galmudug dhanka Galbeed dacalka ku hayso Itoobiya oo aan lahayn dhul badeed oo ay wax kala soo degaan.

Haddaba Xildhibaanada Galmudug, iyagoo maanka ku haya horumar la’aanta iyo cimilada adag ee gobolka, waxaa laga sugaayaa inay bulshada Galmudug u soo xulaan hoggaan gobolka u horseedi kara horumar bulsho iyo mid dhaqaale si ay dadku nabad, iyo deggenaansho u helaan.

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Soomaaliya – Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland oo Xiisad Siyaasadeed Abuurtay!

Jamhuriyadda Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen...

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Recent Comments