Advertisements
Tuesday, June 2, 2020
Home Guddaha Masiibadii Ex-Kontrool Afgooye Lagama Faa’iidin!

Masiibadii Ex-Kontrool Afgooye Lagama Faa’iidin!

Jimcihii dhawaa January 10, 2020 Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa booqasho hawleed oo laba maalmood ah ku tegay dalka Eritrea, halkaas oo uu wadahadal ballaaran kula yeeshay dhiggiisa Issaias Afwerki.

Kulanka labada hoggaamiye waxuu ku soo beegmay xilli daruuro dagaal ay kor sabbeynayaan Bariga Dhexe, cudud cusub ku soo biirtay colaaddii Libya, Kenya oo lagu tuhunsan yahay inay dayacday mas’uuliyaddeedii saladhigga ciidamada badda Maraykanka ee Manda Bay,  murugada qaranka masiibadii Ex-Kontrool Afgooye-na ay sii kordheyso.

Haddaba, su’aashu muhiim ka ahi waxay tahay: Maxay taasi uga dhigan tahay qaranka Soomaaliya?

Intaba, waxay soo deddejiyeen soojeedin la xiriirta in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM, halkii la raaci lahaa qorshihii 2020 ee ahaa in si tartiib tartiib ah awoodda loogu wareejiyo Soomaalida.

Dhinaca kale, Midowga Yurub iyo Soomaaliyaba waxay saluugsan yihiin waxtarka AMISOM, waxaana la aaminsan yahay in Ciidamada Soomaaliyeed ay ku filan yihiin sugidda amniga iyo nabadgelayada dalka, balse ay u baahan yihiin awood sirdoon oo karti leh iyo cunaqabateenta hubka oo laga qaado.

Labada hoggaamiye  waxay isku waafaqeen muhiimadda dib u soo nooleynta dhaqaalaha iyo kaabayaasha saldhiga u ah horumarka bulshada. Falenqeeyayaasha siyaasadda waxay u badinayaan in labada hoggaamiye waxyaabahaas ay wax iska weydiyeen, si baahida lixaadaka leh ee ka jirta dib u dhiska hay’adaha aasaasiga u ah qarannimada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin difaaca iyo amniga heer sare loo gaarsiiyo.

Walow war murtiyeedka labada hoggaamiye aan la raacinin faahfaahin dheeri ah, haddana garab-taagnaan la’aanta Madaxweyne Farmaajo diblomaasiyiintii dalka, ayaa kordhineysaa dareenka ah in ujeeddada dhabta ah ee kulanku uu ahaa mid qarsoodi ah.

Sanadka 2020 wuxuu u muuqdaa inuu yahay sanad kale oo jahwareer wata. Waxaase isweydiin mudan: Xukuumadda ma qaadday dhammaan tallaabooyinkii lagama maarmaanka u ahaa in la hanto nabad iyo xasillooni?

Shaki kuma jiro, in xasillooni la’aanta siyaasadda iyo amniga Soomaaliya ay ka gudubtay xuduudaha khilaafka gudaha (xukuumadda iyo maamul-goboleedyada), loona baahan yahay in si cad loo fahmo doorka dowladaha qaarkood ay ku leeyihiin xujadda xagjirta.

Si looga hortago wareer cusub, waxaa laga yaabaa in Madaxweyne Farmaajo uu dhiggiisa Afwerki kala tashtay qaabab lagu xallin karo  xaaladda adag ee dhextaal Soomaaliya iyo Imaaraadka oo khatar gelinaysa xasilloonida gobolka. Inkastoo Aamiirrada Imaaraadka ay hore cagta ugu dhufteen dadaalkii Addis Ababa, haddana waxaa la tuhunsan yahay in xaaladda Libiya (Turkey vs UAE) ay saameyn ku leedahay dhaqdhaqaaqa diblomaasiyadda cusub (diplomatic maneuvers).

Haddaba su’aashu waxay tahay: Maxaa maanta isbeddelay oo Abu Dhabi ku kallifaya in ay raadiso nabad?

Xaqiiqada cusub ee Bariga Dhexe iyo xiisaha Libya ayaa ku khasbaya Abu Dhabi inay la timaad istraatiijiyad ka duwan tii hore, si aysan uga qadin dulaalka maalgashiga khayraadka Soomaaliya. Awoodo shisheeye oo ay ka mid tahay Imaaraadka ayaa isku dayay inay xoog ku muquuniyaan dowladda Libya ee dunida aqoonsan tahay, ka hor inta aysan Turkiga ka codsan inuu ka taageero xaqiijinta amniga dalka.

Taageerada Turkiga uu u muujiyay Tripoli iyo isbeddelka mowqifka dowladda Ruushka waxay labadaba baddeleen isla’ekaanta cududdii ku hertamaysay khayraadka Libya. Taas waxaa daliil u ah, in Libya ay ka dhacday xabbad-joojin aysan lug ku leheyn kooxda Imaaraadka, iyadoo la rajeynayo in Moscow laga billaabo geeddi-socodka wadahadallo siyaasadeed, kaddibna dhinacyada dagaallamaya ay Barliin ku saxiixaan heshiis looga gudbo colaadda sokeeye.

In mudda ah, Muqdisho kalsooni quman kuma qabin Abu Dhabi, iyadoo ku dhaleeceyneysay siyaasaddeeda faraggelinta dalka, taas oo saameyn ku samaysay siyaasadda gudaha kana dhigtay geeddi socodka dib u heshiisiinta qaranka mid xalkiisu aaney sahlaneyn. Xaaladdaas ayaa xagjirta siisay fursad ay ku khalkhal geliyaan ammaanka dalka, kuna abaabulaan weerarro naxariis darro ah.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya oo la hadlayay wakaaladda wararka Reuters ayaa yiri “Gobolka khaliijka [Imaaraadka Carbeed] waxay leeyihiin hanti aad u badan, haddii ay doonayaan inay maalgashi ku sameystaan Soomaaliya waxaan ku soo dhoweynaynaa gacmo furan, waase haddii ay daw sax ah ku yimaadaan”

Dhibaatada halkaan ka taagan ayaa ah, in Isutagga Imaaraadka Carabeed aysan ixtiraam u heyn madaxbanaanida Soomaaliya, una hoggaansanayn qawaaniinta caalamiga ah, balse ay wax ku raadineyso qaqashaad iyo fawdo sii kordhinaya burburka dowladnimadda Soomaaliya. Dowladda Imaaraadka waxay in muddo ahba diiradda saartay qabsashada dekeddaha ay maalgeliso oo ayna maamusho, kuwaas oo dhanna tiirinaaya dekedda Jabal Ali, dhanka kalena noqda maalgelin kabta dhaqaalaha dalkeeda. Nasiib darro, shirqoolkaas waxaa ku dhacay maamul-gobeleedyada Somaliland iyo Puntland.

Inkastoo lagu dhaliilayo Madaxweyne Farmaajo inuu dadaal xoog leh gelin carocelinta Imaaraadka, haddana ilaa hadda ma saxiixin go’aankii golayaasha sharci-dejinta ay ku eryeen shirkadda DP World. “Wuxuuna isku dayay inuu u magacaabo Abu Dhabi danjire matala danaha dalka, balse Imaaraadka fursad ma siin dadaalkaas,” ayuu yiri diblomaasi Soomaali ah. Intaas wuxuu raaciyay “malaha Boqortooyada Carabta ee Sacuudiga iyo Dawladda Imaaraadkaba waxay damacsan yihiin inay xiriirka diblomaasiyadda Soomaaliya ay ku hayaan meel hoose.”

Si kastaba ha ahaatee, waxaa u baahan in laga dhursugo shuruudaha Abu Dhabi ay ku dooneyso dib u soo celinta xiriirka labada dal, inkastoo tillaabadan ay u muuqan karto halka ay ka bilaabanayso sahaminta wadiiqo noolal oo lagu gaari karo iskaashi guul guul dhashay ah.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

Leave a Reply

Most Popular

Doorashada Ma Dustuurka ayaa Haggi Doona Mise Xeer Jab-Jab!

Sharciga doorashada federaalka Soomaaliya ee uu ansixiyay Golaha Shacabka, dabadeedna uu saxiixay Madaxweynaha 20-kii Febraayo, 2020, wuxuu qeyb ka yahay nidaam la...

Dacwada Badda Muran Siyaasadeed Ma Gasho

Bartamihii​ May ayaa maxkamadda ICJ warqad sumaddeedu tahay 2020/13 u kala dirtay Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo ku wargelineyso in dib loo dhigay...

Imaaraadku Maxuu u Sharaystay Midnimada Soomaaliya?

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika Danjire Alexander Rondos oo goor dhow ka hadlayay machadka “Norweygian Institute of International...

In Somalia’s footsteps, for how long shall Sudan continue to be singled Out of (HIPIC) Initiative?

By Mubarak Mahgoub Musa The global scene has become increasingly traumatic due to the spread of the Corona...

Recent Comments

%d bloggers like this: