Friday, December 4, 2020
Home Gudaha Damaca Ahlu-Sunna Daawo Ma Loo Waayay?

Damaca Ahlu-Sunna Daawo Ma Loo Waayay?

Kaddib bilo iyo maalmo uu gorgortan siyayaasadeed adag uu ka socday xarunta maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb, waxa ay u muuqataa in arrimaha ay hadda dhinac iskugu biyashubanayaan.

Galmudug waxay yeelatay wakiillo matala oo ka kooban 89 xildhibaan, sida uu qabo dastuurka maamul-goboleedka Galmudug, waxayna iska dhex doorteen guddoon hagga howlaha baarlamaanka.

Fadhi ay yeesheen Janaayo 19, 2020 Aqalka Wakiillada Galmudug ayaa lagu ansixiyey guddi doorasho oo ka kooban 13 xildhibaan. Balse guddigaas kulankoodi ugu horreeyay ay yeesheen waxay isku maandhaafeen hannaanka loo dooranayo guddoonka guddiga doorashada, taasoo sababtay in xubno shan ah oo ka yimid dhanka Ahlu-Sunna fadhigii aysan imaannin. Dabadeedna 8dii xubnood ee soo hartay iska dhex doortaan guddoon guddi doorasho, maadaama uu kooramka dhan yahay, sidaasna ay ku ansaxamayso ficilkooda marka la eego xeer hoosaadka baarlamaanka Galmudug.

Durbadiiba ururka Ahlu-Sunna waxay ku dhawaaqeen inay dhisayaan guddi doorasho, waxaa xigay inay ka falceliyaan dhinacyada ay khusaysay dhismaha Galmudug, sida, Guddoonka Baarlamaanka Galmudug, Guddoonka Guddiga Doorashada, odayaasha dhaqanka oo soo xulay baarlamaanka, iyo qaar ka mid ah shaqsiyaadka u ordaya qabashada madaxtinimada Galmudug.

Haddaba, maxaa ka qaldan daneeyayaasha dhismaha Galmudug? Si aynu runta u gaarno waa inaynu dul-istaagno qaanuunka iyo sharciyada dalka u yaal, si xal u helida ismaandhaafka Galmudug gundhig looga dhigo sareynta qaanuunka.

Dastuurka Soomaaliya waxuu Dhigayaa in diinta Islaamku tahay diinta rasmiga ah ee dalka, islamarkaasna xeer iyo sharci kasta oo ka horimaanayo uu yahay waxba kama jiraan! Tani waxay cadayn u tahay in shacabka Soomaaliyeed yihiin muslimiin Sunni ah.

Sidoo kale, sharciga axsaabta ee uu baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay waxuu mamnuucay xisbi, ama urur siyaasadeed wata magaca qabiil iyo firqo diineed oo lagu kala qaybinayo midnimada ummadda!

Dhanka kale, Shacabka Soomaaliyeed waxay ku heshiiyeen in hannaanka beelaha lagu qaybsado kuraasta metalaadda siyaasadda si loo dhiso nidaam dowladeed ay iska dhex arkaan beelaha Soomaaliyeed, ilaa iyo inta dalka laga hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah kuna salaysan dimoqraadiyadda nidaamka xisbiyada badan.

Hirgelinta heshiiskaas waa kan ay ku dhismeen Baarlamaannada maamul goboleedyada iyo kan federalka, walow ay jirto jilibyo saluugsan qaybsiga xildhibaannada beelaha dhexdooda, qoondaynta dumarka oo aan loo fulin sidii ay ahayd, iyo beelaha la haybsooco oo aan la siin mudnaantii ay lahaayeen.

Dhamaan qodobadani kor ku xusan waxay sharci darro ka dhigayaan jiritaanka urur diineedka siyaasadeed ee Ahlu-Sunna!

Dowladda Soomaaliya way ku saxsaneyd tallaabadii ay ku qaramaysay maleeshiyadii u dagaallami jirtay urur diineedka Ahlu-Sunna, balse dowladda waxay ku eedaysan tahay gorgortanka siyaasadeed ay 20 xildhibaan ku hantiyeen urur siyaasadeedka Ahlu-Sunna.

Dadka falanqeeya siyaasadda ee maankoodu ka xalan yahay doodaha qabiiliga ah waxay rumeysan yihiin in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku fududaatay aqbalidda tiro xildhibaanno ah oo ka wakiil ah firqo diineed inay ka mid noqdaan Aqalka Wakiilada Galmudug!

Balse su’aasha dad badan isweydiinayaan ayaa ah: Ahlu-Sunna maxay u taagan tahay? Sidayse ku abuurantay?

Bilowgii ciidamada ku dagaallamayay magaca Ahlu-Sunna waxay ka koobnaayeen labo qaybood oo kala ah: (1) Raacato hubka u gurtay inay xoolahooda ka difaacdaan argaggixisada Alshabaab, iyagoo ka baqdin qabay haddii ay gobolka hantiyaan inay ku soo rogi doonaan dadka deegaanka sharuuc adag oo ay ka mid yihiin sakawaad aan shareecada waafaqsaneen, iyo qaadista xoolo ay ugu yeeraan taakulo, iyo (2) dariiqada Suufiyada oo deegaanka ku badan oo iyagana ka walaacsanaa haddii xagjiriinta Alshabaab ay ku xoogaystaan deegaanka ay soo qufi doonaan xabaalaha ay ku aasan yihiin mashaa’iqdi Suufiyada, islamarkaasna uu isbeddel ku imaan karo habka ay diinta ugu dhaqmaan.

Kaddib markii labadaas qaybood ay isku biiriyeen awooddooda waxaa fursad halkaas ka arkay Jeneraal Gabre oo u xilsaarnaa ilaalinta iyo fulinta siyaasadda Meles Zanawi ee gudaha Soomaaliya.

Jeneraal Gabre oo kaashanaya wakiilladiisa (basaasyadiisa) Soomaalida ayay u suurto gashay inuu halkaas ka abuuro dhaqdhaqaaq hubaysan oo lagu magacaabo Ahlu-Sunna, kaas oo taageero siyaasadeed, ciidan iyo hub ka helaya Itoobbiya ayaa laf-dhuun-gashay ku noqoday dhisamaha maamul goboleedka Galmudug iyo dowladda Soomaaliya.

Ahlu-Sunna waxaa xilal siyaasadeed, iyo mid ciidan laga siiyay xukuumadihii madaxweyne Sheikh Sharif Sheikh Axmed iyo tii madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud. Waxaa intaas dheer in Ururka IGAD ay ku qasbeen madaxweynahii maamul-goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf inuu tanaasul u sameeyo kooxda Ahlu-Sunna, taasoo keentay ugu dambayntii in heshiis lagu saxiixo Jabuuti.

Balse, ururka Ahlu-Sunna oo raacaya dhaqanka siyaasadda qabiilaysan ee hoday Soomaaliya, waxuu jifeeyay dhammaan xilalkii sare ee ururka uu ku helay gorgortanka siyaasadeed. Tanina waxay dhaawacday kalsoonidii taageerayaashiisa, iyo midnimadii beelihii danwadaagta ku ahaa iska caabbinta xagjiriinta Alshabaab ee Galmudug.

Dhanka kale, isbeddelka siyaasadeed ee ku dhacay hoggaankii Itoobbiya iyo kalsooni dhiska Dr. Aby Axmed uu u muujinayo waddamada Ereteriya iyo Soomaaliya waxay haad geed waayey ka dhigtay ururka Ahlu-Sunna iyo madaxda maamul-goboleedyadii ka soo horjeeday xukuumadda.

Waxaa meel ka dhac ku ah waxgaradka Soomaalida in loo afduubnaado Ahlu-Sunna oo baarlamaanka Galmudug ka ah boqolkiiba 22 ( 22%). Tani oo iftiiminaysa sida ay dadka galti (warmoog) uga yihiin sida ay u shaqayso dimuquraaddiyada loo dhan yahay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa la gudboon inay howlgeliso khuburo ku xeeldheer siyaasadda iyo sharciga oo casharro siiya wakiillada shacabka Galmudug iyo dhammaan maamul-goboleedyada, si loo fahansiiyo sida uu u shaqeeyo baarlamaan.

Haddii ay taas ku daawoobi waayaan wakiillada Ahlu-Sunna, waa in ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha u madaxbanaysaa beelaha inay soo xushaan xildhibaannadii beddeli lahaa kuwa Ahlu-Sunna si xididdada looga siibo ururkan ku horgudban maslaxadda ummada.

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Soomaaliya Diyaar Ma u Tahay Bixitaanta Ciidamada Mareykanka?

Toddobaadkii dhawaa ayaa Ku-simaha Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Christopher Miller ee la magacaabay November 9dii booqashadii ugu horraysay ee calami ah ku yimid...

Xaliima Aaden oo Dib u Qiimaysay Asturnaanteeda

Xaliima Aaden oo ah gabadh Soomaali-Americaan ah, oo ku soo caanbaxday quruxda “xijaaban” ayaa toddobaadkii dhawaa go’aansatay inay iskaga harto tartamada quruxda...

Iska Caabinta Faragelinta Kenya Maxaa Xigi Doona

Dood-cilmiyeed uu soo agaasimay Machdaka Raas, ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka yiri “waa su’aal da’weyn wakhtigeeda ayaan sugaynaa Insha Allah,” ka...

Ololaha Musharrixiinta Madaxtooyada – Maxaa Ka Soo Baxay Maxaase Laga Filayay?

Dhowr iyo toban musharrax madaxweyne oo November 21, 2020 ​uga furmay shir Hotel Jaziira ee magaalada Muqdisho ​si ay uga arrinsadaan siyaasadda dalka ka hor...

Recent Comments

%d bloggers like this: