Advertisements
Thursday, July 9, 2020
Home Siyaasada Nidaam Federaal oo ay Dowladda Dhexe Hoggaamineyso Ma Hirgeli Karaa

Nidaam Federaal oo ay Dowladda Dhexe Hoggaamineyso Ma Hirgeli Karaa

Kaddib markii ciidamo dowladda federalka ay gaareen degmooyinka Beled-Xaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo dhinaca xuduudda Itoobbiya iyo Kenya, waxaa si isku mid ah u dareensaday maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe iyo dowladda Kenya, balse waxaa si diirran u soo dhoweeyay shacabka ku dhaqan deegaannadaas.

Haddaba, maxay u dhibsadeen mucaaradka in ciidamada federalka ay tagaan xuduudaha dalka? Yaase xaq u leh ilaalinta xudduudaha? Maxaase xilligan ku soo beegay inay dowladda u daabusho ciidamo gobolka Gedo?

Si aynu su’aalahaas jawaab ugu helno waxaan dul-istaagaynaa qodobbada dastuurka iyo sooyaalka siyaasadda danaysiga ku dhisan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxuu dhaxlay awood madaxtooyo ay wiiqeen waddamada deriska ah, ururro bulsho rayid ah oo garabsanayay muruqa beesha caalamka, madax maamul goboleed oo ka dabqaata dowlado shisheeye. Waxaa intaas dheer, dastuur ku meel gaar ah oo u qaabaysan jahwareerinta qaranimadda Soomaaliya iyo xildhibaanno dabray howshii baarlamaanka Soomaaliya u qabsan lahaa si madaxbanaan, kuwaasoo dan mooday mooshino lacag lagu dalbo.

Maadaama dastuurka Soomaaliya dhigayo in arrimaha masiiriga ah wadatashi lagala yeesho madaxda maamul goboleedyada, waxay xukuumadda ku dadaashay in madaxda maamul goboleedyada ku qanciso inay wada saxiixaan heshiisyo dhowr ah, sharciga doorashooyinka qof iyo cod ah ee 2020/2021, midka  kheyraad wadaagga, sida badroolka iwm.

Khilaafka khaliijka iyo dacwada badda ee ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya waxay saamayn ku yeelatay xiriirka u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada iyo xukuumadda dhexe.

Shir ay ku kulmeen 5 madax maamul goboleed ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo bartamihii 2018, oo ay ku dhisteen Madasha Iskaashiga Maamul Goboleedyada, guddoomiyena ay ugu doorteen Cabdiweli Cali Gaas halka Maxamed Cabdi Waare ay ku-xigeen u magacaabeen.

Mudane Cabdiweli Gaas gebogebadii shirkaas ayuu sheegay in boqolkiiba sagaashan (90%) dalka ay ka taliyaan maamul goboleedyada, taana ay qasbayso in tallaabo kasta ay xukuumadda qaadayso oo ay ku jirto siyaasadda arrimaha dibedda inay door ku yeeshaan madaxda maamul goboleedyada. Waxaa intaas dheer inay dalbadeen in deeqaha ka yimaada caalamka ay u helaan si toos ah, iyadoo aan la soo marsiin xukuumadda.

Madaxweyne Farmaajo waxuu tiro laba jeer ugu yeeray madaxda maamul goboleedyada inay ka soo qayb galaan shir wadatashi ah oo lagu qabto Muqdisho, balse madaxda maamul goboleedyada way qaaddaceen, iyagoo ku xiray shuruudo ka qayb galka shirka.

Labada dhinac waxay bilaabeen loollan dhanka awoodda ah. Xukuumadda waxay qaadday tallaabbooyin ay ku xoojinayso awoodeeda kuna wiiqayso tan madaxda maamul goboleedyada, sida: (1) Xoojinta iyo awoodsiinta wasaaradaheeda (maaliyada, qorshaynta, arrimaha gudaha, arrimaha dibedda iyo waxbarashada); (2) Dhismaha ciidan muuqaal qaran leh tiro iyo tayaba loo kordhiyay; iyo (3) Dib u soo celinta doorka Baarlamaanka Federaalka.

Waxaa xusid mudan in gulufka xukuumaddu qaadday ay salfatay siyaasiyiin muddo dheer siyaasadda ku soo jiray sida Professor Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari. Waxaa sidoo kale, xilalkoodi banneeyey wasiirro ka tirsan dowladda dhexe, sida Dr. Maryan Qaasim, iyo Cabdifataax Ibrahim Geesey kadib markii ay la jaanqaadi waayeen. Waxaana shaqada laga ceyriyey wasiir Yuusuf Garaad Cumar, Cabdi Farax Juxa, iyo duqii caasimada Tabit Cabdi.

Dhanka kale, waxaa xabsi u galay Cabdiraxmaan Cabdi Shakur oo lagu tuhmayay inuu dhagar shisheeye maleegayay, waxaana banaanka la dhigay tiro Janano ah oo muddo dheer ciidamada ku jiray. Sidoo kale, waxay xukuumadda isku seegeen Mukhtar Robow oo shacbiyad ku lahaa gobollada Koofur Galbeed, iyadoo mowqifka xukuumadda ee dal ka  ceydhinta Danjire Nicholas Haysom oo ahaa ergaygii QM loo arkayay qamaar diblomaasiyadeed oo ay xukuumadda ciyaartay, walow aysan ka dhalan cawaaqibxumo.  

Kolkaas ayay madaxda maamul goboleedyadda bilaabeen inay si joogta ah ugu safraan caasimadaha Kenya iyo Imaaraadka Carabta si ay garab uga helaan dalalkaas. Waxay sidoo kale, abaabuleen shirar ka dhaca gudaha iyo dibedda, iyagoo soo saaray qoraallo ay ku dhaleecaynayaan xukuumadda. Waxaa intaas dheer kulammo ay la qaateen xubno ka tirsan beesha caalamka, si ay uga dhaadhiciyaan qorshayaashooda.

Xukuumadda waxay ku guulaysatay inay Maxamed Cabdi Waare uu ku qanco inuu xukuumadda la shaqeeyo, kaddib markii uu cadaadis kala kulmay bulshada degaanka Hirshabeelle. Waxaa si cadaadis isku casilay Shariif Xassan Sheikh Adan, markuu maqlay in dowladda Itoobiya ay xirtay Janaeraal Gabre, taasoo horseedday in Koonfur Galbeed uu madaxweyne u noqodo Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta gareen oo taabacsan wadashaqeenta xukuumadda.

Galmudug waxaa hoggaanka u qabtay madax ku aragti ah xukuumadda, waana halka ay mucaaradka dul-dhigeen awoodooda si uusan u soo bixin madax ay raali ka tahay Villa Somalia. Inkastoo Puntland isbeddeleen shaqsiyaadka hoggaaminaya, haddana weli isma beddelin mowqifkeeda ay ku biyo diidsan tahay dowladda dhexe. Balse xukuumadda waxay guul u aragtaa in ay kasbatay kalsoonida shacab badan oo ku dhaqan deegaankaas.

Xukuumadda waxay hadda qorshaynaysaa sidii Jubbaland uga xoreyn lahayd gacanta Kenya, ugana dhisi laheyd maamul oggol wada shaqeynta Muqdisho.

Waxaa xaqiiqo ah in shacabka Soomaaliyeed ka daaleen madax maamul goboleed oo danahooda ka hormariya maslaxadda dalka iyo dadka, daacadna u ah Nairobi, Addis Ababa, amase Dubai. Waana taas tan horseedday in shacabka ay taageeraan siyaasadda xukuumadda ay dalka midnimadiisa ku ilaalinayso, iyagoo aan hoos u fiirinaynin khaladaadka maamul ay galayso xukuumadda.

Hadabba su’aasha hortaal xukuumadda ayaa ah, ma xajisan kartaa taageerada shacabigeeda?

Falanqeeyaasha siyaasadda Soomaaliya waxay ku talinayaan in loo baahan yahay in dowladda dhexe ay la timaado siyaasad ay dadka noloshooda wax uga beddalayso. Gobolka Gedo waa meel wax horumar bulsho ah iyo adeegba aysan ka jirin. Waxaa haboon in wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda ee qaabilsan horumarka ay geeyaan adeeg degdeg ah, si ay dadku u dareemaan waxtarka dawladnimada inay ka mug weyn tahay askari qori wata!

Dhanka kale, waa in Wasaarada Arrimaha Gudaha ay bixisaa tababaro lagu tayaynayo maamul goboleedyadda, islamarkaasna kormeer ku samaysaa adeega ay helayaan shacabka. Sidoo kale, waa in dalka lagu baahiyaa hay’addaha federaalka, sida Boliiska, Maxkamadaha, iyadoo wasaarad walba wadashaqeyn la yeelaneyso dhigeeda heer gobol, si xukuumada ugu dhowaato shacabka.

Waxaa xaqiiqo ah in siyaasada arrimaha dibedda ay shaqaysay, taasoo bud-dhige u ah, howlaha dalka gudahiisa ka socda, oo ay ku jirto kulankii Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Biixi. Dhanka kale, hardanka ka dhexeeyey madaxda federaalka iyo tan goboladda waxay wiiqday kaalintii ururada bulshada rayidka ah ka ciyaari jireen siyaasadda dalka.

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

2 COMMENTS

Leave a Reply

Most Popular

Taariikh Nololeedka Hassan Ghedi Santur

Qoraaga  magaciisa marka la adeegsado higgaadda af-Soomaaliga waa Xasan Geeddi Santuur.  Magacan ayaan u adeegsanaynaa taariikh nololeedkiisa iyo falanqayanta bugaagtiisa.

Muuse Biixi Yaa Ku Riday Shirqoolka Calaamiga?

Xilli ay Soomaalidu uga dabaaldegeysay dunida maalmihii xurnimadda iyo midnimadda gobollada Koonfur iyo Waqooyi ayaa Muuse Biixi tweetterkiisa ku shaaciyay in maamulkiisa...

Siyaasiyiin Aan Aragti Wadaagin Ma Waaro Wadajirkooda!

Dimuqraaddiyada waa nidaam nabdoon oo lagu xalliyo khilaafka iyo kala aragti duwanaanta. Balse, jiritaanka dimuqraaddiyada waxaa shardi u ah, shan arrimood: (b)...

Inteebu Mareykanka Ku Leeyahay Dadaalka Dib u Soo Kabashada Soomaaliya?

Dalka Soomaaliya oo ku yaal bar juquraafiyadeed oo muhiim u ah isu-socodka ganacsiga adduunka, marnaba ka ma maqneyn maanka Washington tan iyo...

Recent Comments

%d bloggers like this: