Thursday, April 25, 2024
Home Siyaasadda Warbixin - Muxuu Farmaajo Runtii Qabtay 3dii Sanadood ee Muddadiisi!

Warbixin – Muxuu Farmaajo Runtii Qabtay 3dii Sanadood ee Muddadiisi!

Seddax sanadood ka hor bisha February 8, 2017 ayaa xildhibaanada Barlamaanka Federalka ku doorteen cod aqlabiyad leh madaxweynihii 9aad ee dalka Soomaaliya. Agaasimaha Machadka Daraasaadka ee Heritage Mudane Cabdirashiid Xaashii oo ka hadlayay doorashadaas ayaa ku sifeeyay in “Madaxweynaha cusub [Farmaajo] uu leeyahay shacbiyad aan ku saleysneyn qabiil amase musuqmaasuq” (Reuters 8/02/2017).

Haddaba, maqaalkan wuxuu dhinacya kala duwan ka eegi doonaa guulaha iyo gebidhaca siyaasadda Madaxweyne Farmaajo ee seddaxdii sanadood ee la soo dhaafay uu dalka ku hagayay, si loo fahmo dhanka uu u socdo dalka.

Muran kama taagna, in Soomaaliya ay ka mid tahay waddamada ugu musuq-maasuqa badan dunida. Hay’adaha dowladda oo aan si hufan u shaqeynayn ayaa fududeeya jawiga sharci la’aanta. Hase yeeshee doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxay u muuqatay inay wax ka beddeli doonto dhaqankaas.

Balse waxaa war ka taagnaa, seebuu ula tacaali doonaa musuqmaasuqa, uga shaqeynsiin doonaa nidaamka federaalnimada oo ay dowladda dhexe hoggaamiso, una hagaajin doonaa amniga weliba iyadoo la dhimayo ku tiirsanaanta ciidamada AMISOM, xilli aan dhaqaale loo heli karin in la xoojiyo ciidanka qaranka?

Musharax ahaan, Farmaajo wuxuu ka soo horjeeday ku tiirsanaanta deeqda dalalka Galbeedka. Kuwaasoo sababayey dhibaatoyin aan lagu talaggelin, kharash aan laga taxaddarin, musuq-maasuq aan la xaddidi karin, iyadoo weliba yoolka qarsoon ee deeqdu uu yahay u adeegida danaha deeq-bixiyaasha.

Si kastaba ha ahaate, Madaxweyne Farmaajo waxuu beddelay dhaqan siyaasadeedkii lagu soo xulan jiray ra’iisul-wasaarayaasha dalka oo ahaa galaangalkooda siyaasadeed. Waxuu ku dhiirraday inuu ra’iisul-wasaare u magacaabo Mudane Xasan Cali Khayre oo aan horay uga muuqan masraxa siyaasadda, weliba iyadoo dowladdaha deriska ah ay u diideen inuu xil ka qabto ururka IGAD.

Fikraddaas waxaa ka dhashay walaac ah, sidee maamulka Farmaajo uga badbaadi doonaa isqabqabsi dhexmara hogganka sare ee dalka xilli khilaaf kooxeed uu hareereyey siyaasadda?

Si kastaba ha ahaate, shacabka Soomaaliyeed wuxuu aaminsanaa in wada shaqeynta hoggaanka iyo wada xisaabtan dhab ah ay udub dhexaad u yihiin dib u soo celinta sharafta dalka, waana halka siyaasadda dibuhabaynta ciidamada iyo maaliyadda dawladda ay ka saan qaadday.

Ku dhiirrashada hirgelinta tira koob ciidan si loo xaqiijiyo tirada rasmiga ah, isla markaasna khasabtay in la dhaqan-geliyo canshuur uruurin lagu soo xareynayo dakhli si joogta ah loogu bixinayo mushaaraadka askarta, ayaa ahaa khamar guul soo hooyay oo la jaan qaaday ballanqaadyadii ololahiisii. Dakhliga oo kordha amase kharashka oo la xaddido waa qodob muhiim u ah isku dheeli-tirka miisaaniyadda, muujinayana in dalku hiigsanayo isku fillaasho.

Walow isbeddellada uruurinta canshuuraha ay ahaayeen fulinta ugu weyn ee sharci-dejinta Farmaajo, haddana dhab ahaantii siyaasadda arrimaha dibedda oo ku guuleysatay inay ka hortagto faraggelinta uu dalka ku hayay Nicholas Haysom iyo ka dhiidhintii luggooyadii uu waday Danjirihii hore ee Great Britain (UK) ayaa soo celisay haybaddii qaranka.

Xildhibaan Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaare, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacbka Soomaaliyeed, oo ka hadlayay dood wadaag lagu qabtay Garoowe ayaa shaaca ka qaaday in “2016-kii doorkii ay ku lahaayeen Beesha Caalamka Soomaaliya iyo [tan] maanta farqi weyn u dhaxeeyo. Maanta way ilka beeleen, laakiin markaas qoorta bey nooga dhegganaayeen. Hadda waxay xoogga saarayaan danta ay Dowladda Federalka ka rabaan,” (Caasimadda Online – February 1, 2020).

Sida muuqata, dowladda dhexe oo horey ugu fashishay doorashadii Baydhabo iyo ka hortag la’aantii afgambigii Axmed Madoobe, ayaa ku liibantay in degaanka ay nabad dhax dhigto, si wadajir ahna Dhuusamareeb maamul looga dhiso, wolw Ahlu-sunna weli ay saluugsan tahay. Hase yeeshee, nabad ku soo celinta Kismaayo iyo dib u heshiisiinta dadweynaha ku nool maamul-goboleedyada Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa madal u ah kalsoonida dadweynaha ku qabaan dowladnimada.

Waxaan shaki ku jirin, in argaggaxisada shisheeyaha dalka ku salliday aysan dowladda dhexe keligeed maaro u heli karin. Walow hab la isku raacsan yahay oo lagu hakin karo uusan muuqan, haddana siyaasadda diiradda lagu saarayo “qoriga keliya,” waxay u muuqataa inay u baahan tahay in lagu mataaneeyo wacyi gelin joogta ah.

Marka la fiiriyo dadaallada isdhexgalka dhaqaalaha gobolka ee aan horay loo arag, dowladda Soomaaliyeed waxay la timid aragti ay kaga badbaadi karto saameeynta awoodaha ku tartamaya gobolka, laguna maalgelin karo dekedaha dalka oo muhiim u ah soo gelidda suuqyada Afrika, iyadoo weliba Imaaraadka uusan dalka jajuubin.

Inkastoo iskaashigu uu soo afjaray faraggelintii Itoobbiya, ku kor dagaalka (isku baacsashadii) dhulka Soomaaliya iyo cudud sheegashadii Kenya, haddana waxaa halis loogu jiraa in Soomaaliya ay noqoto cawskii ay maroodiyada awoodaha badan ku kor tuman doonaan, haddii aan laga feejnaan jahwareerka kordhaya ee ka dhex muuqda siyaasadda “America First” ee Washingtoon iyo daneysiga Yurub.

Guud ahaan Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, waxay maraysaa waqtigii uu caqligu talin lahaa oo lala imaan lahaa siyaasad madaxbannaan, kol haddii dalku uu u muuqdo inuu noqday goob muhiim u ah tartanka u dhexeeya Mareykanka, Fransiiska, Ingiriiska, Turkiga, Talyaaniga, Shiinaha, iyo Ruushka oo hami gaar ah ka hayo gacan ku dhigista kheyraadka dabiiciga iyo dalalka ku hoos jira awoodahaas ee hagardaamada la daba taagan dalka.

Inkastoo sahminta iyo soo saarista kheyraadka ay ka faa’iidaysan karaan ummadda haddii si haboon oo daah-furan loo qabto, fidnada musuqmaasuqa, xaalufinta deegaanka, canshuuraha oo la xado, iyo ku xadgudubka xuquuqda insaanka ee daba yaal, ayaa ka khatar badan maadaama xukuumada ay ka ilduuftay inay xoojiso u sinnaanta cadaaladda iyo sarraynta xukunka sharciga.

Si kastaba ha ahaate, mucaaradka waxuu diiradda saareyn khaladaadka maamulka Farmaajo iyo Khayre oo aysan muran ka taagneyn inay badan yihiin, waxaase muuqata in wadashaqeyntooda u suuraggelisay in maamulkoodu si aamusan ku meelmariyeen howlo badan, sida mideynta waxbarashada dalka, sharciga isgaarsiinta, hantidhoorka, la dagaalanka musuqmaasuqa, dib u hantida duulista hawada dalka, deyn cafinta, xisbiyada madaxabanaan, iyo doorashooyinka, oo intaba muran joogta ah amase isqabqabsiga ka dhexeyay hoggaanka sare awgood ugu fuli weyday maamuladii ka horeeyay.

CabdulQadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments