Carcarta Siyaasadda Dibuheshiinta iyo Dibuggurshada Imaaraadka

Kulan aan agaasinkiisa saxaafada lala wadaagin ayay ku kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kulankaas oo qabsoomay February 11, 2020, kana dhacay magaalada Addis Ababa, xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Itoobbiya Dr. Abiy Axmed.

Sida ay ku warrameen ilo xogogaal ah waxuu kulankaas qaatay ku dhowaad saacad oo ay cidina aysan wehelin Farmaajo iyo Biixi, marka laga reebo daqiiqadihii ugu horreeyay oo uu dhexfadhiyay Ra’iisul-wasaare Abiy. Wararku waxay intaas ku darayaan inay isla jeexjeexeen labadan mas’uul, sidii ay u qabsoomi lahaayeen mustaqbalka dhow wadahadallo iyo kulammo ay ka soo bixi karaan natiijo macno leh.

Muddane Muuse Biixi oo Addis Ababa kula kulmay Dr. Abiy Axmed sanadkii la soo dhaafay February 21keedi, ayaa oggolaaday inuu xoojiyo xiriirka wadashaqaynta ee u dhaxeeya Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federalka Soomaaliya (Africanews – February 21, 2019).

Balse, Muddane Muuse Biixi, oo aan weli wadahadallo la furin Muqdisho, ayaa March 10, 2019 looga yeeray dalka Imaaraadka, taas oo keentay inuu sameeyo dib u gurasho. Islamarkaasna uu ka baxo ballamadii uu la galay Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya!

Marka meel la iska dhigo faraggelinta shisheeye ee wax kala fogaynaysa, waxaa jira caqabado ku horgudban inay yeeshaan labada dhinac wadahadallo wax ku ool ah.

Ilo xogogaal ah waxay sheegayaan inuu dhinac waliba (Farmaajo iyo Biixi) miiska saaray dalab ay tahay inuu dhanka kale fuliyo, si wadahadalka ay u sii socdaan, miro wax ku ool ahna u dhalaan.

Mudane Biixi, waxuu codsaday:

  • In Madaxweyne Farmaajo raalliggelin ka bixiyo dembiyadii dagaal oo uu ka galay Taliskii dalka ka talinayay ee Janaraal Maxamed Siyaad Barre, dadka ku dhaqan gobolka Waqooyi Galbeed;
  • Inuu Farmaajo kala diro guddiga wada xaajoodka uu magacaabay, islamarkaasna uu ku beddelo guddi cusub oo aysan xubno ka ahayn dad lagu tuhmayo inay ka soo jeedaan Somaliland;
  • Inuu gobolladda Sool, Sanaag Bari iyo Cayn u aqoonsado inay ka mid yihiin Somaliland oo aysan ka mid ahayn maamul-goboleedka Puntland;
  • Inuu Farmaajo oggolaado in deeqaha iyo kaalmada caalamiga Somaliland u hesho si toos ah; iyo
  • Inuu ixtiraamo heshiiskii maamulka hawada ay wadaggaleen Mudane Xassan Sheikh Maxamuud iyo Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

Mudane Farmaajo waxuu isna dalbaday qodobbada kale ah:

  • In Mudane Biixi ka garaabo tacaddiyadii ay gaysatay jabhaddii SNM ee uu ka midka ahaa;
  • Inuu xalliyo tabashada siyaasad iyo maamul ay qabaan degaannada Awdal, Sool, Sanaag Bari, iyo Cayn; iyo
  • Inay dadka ku dhaqan Somaliland dhamaantood helaan xurriyad ay ku cabbiri karaan dareenkooda, islamarkaasna qofna aan lagu dhibaatayn fikirkiisa/ fikradeeda.

Wararka u dhow xaqiiqda oo uu helayo Wargeyska Jamhuriyadda ayaa sheegaya in dib loogu dhigay inay ka wada xaajoodaan guddiyada labada dhinac uga qaybgalaya wadahadallada qodobbadan: (B) Kaalmada caalamiga, iyo deeqaha inay toos u hesho Somaliland, iyo (T) Maaraynta iyo maamulka hawada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo fulinayey qodob ka mid ah waxii ay ku soo heshiiyeen Madaxweyne Biixi ayaa ka garaabay tacaddiyadii uu gaystay Taliskii Maxamed Siyaad waxaana uu yiri “Waxaa loo baahan yahay garowsi, in wixii xumaa oo dhacay layska cafiyo, wax alla wixii jabtar [cutub] madow ahaa ee taariikhda galay inaanu saxno. Macnaheedu waxay tahay, dhibtaas ka dhacday Waqooyi inaan cudurdaar ka sameyno. Inaanu raaliggelin ka sameyno dadkaas walaalaheyna ah, intii dhimatay iyo intii dhaawacantay aannu niraahdo taariikh xun bay ahayd wixii dhacay, waana wax la soo marey.”

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhankiisa fuliyay qodob ka mid ah waxii uu ballanqaaday, waxuu qudbadiisii sanadlaha ahayd ee uu u jeediyay labada aqal ku caddeeyay inuu furayo ururrada siyaasadda iyo axsaabta qaranka, waxaana uu yiri “mar haddii labo sano oo hore ay inagaga lumeen muranka xisbiyada mucaaradka oo aan sharciga ku fadhiyin, jidka kaliya ee inoo furan maanta, waa in aan soo hormarinnaa furitaanka ururrada siyaasadda iyo axsaabta qaranka.”

Waxuu ballanqaaday inuu dhowaan labada gole u soo gudbin doono kaabista iyo wax ka beddelka xeerarka iyo sharciyada arrintaas khuseeya, waxuuna Mudane Biixi yiri “waxaana rajeynayaa inaad waajibaadkiinna dastuuriga ah ka gudan doontaan” (Hadhwanaagnews Feb 18, 2020).

Falanqeeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya waxay tallaabadaas u fasirteen in xal u noqon karto tabashada siyaasadeed ay qabaan degaannada Awdal Sool, Sanaag Bari, iyo Cayn oo saluugsan habka matalaadda haatan ka jirta Somaaliland oo uu u baahan awoodqaybsi cadaalad ku dhisan oo la helo.

Dhanka kale, Mudane Biixi waxuu soo dhoweeyay raaliggelinta uu bixiyey Madaxweyne Farmaajo. Waxuuse diiday in Madaxweyne Farmaajo xilligan booqdo Hargaysa, kaddib markii uu dareemay inuu diidmo kala kulmi karo xisbiyada mucaaradka ah. Balse dad badan ayaa waxay u arkaan in booqasho Farmaajo ku yimaado Hargeysa tahay mid waqtigii ay ku habboonayd laga soo hormariyay. 

Waxaan sir ahayn, inay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo xal loogu raadinayo nabad ka hirgasha waddamada  Geeska Afrika. Labo maalmood uun kaddib kulankii Farmaajo iyo Biixi, waxaa Abu Dhabi u socdaalay Mudane Aby Ahmed. Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in waxyaabaha Abu Dhabi looga hadlay ay ugu muhiimsanayeen isafgaradka dhexmaray hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaa sidoo kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo soo maray Sacuudiga uu booqasho ku tegay magaalada Addis-Ababa, waxuuna kula kulmay Ra’iisul-wasaaraha Itoobbiya Abiy Axmed. Waxayna ka wadahadleen sidii gobolka loo nabadayn lahaa. ​Kulanka Pompeo iyo Aby waxaa ka dhashay in Wasiirka Maaliyada Itoobiya Axmed Shide uu ka dego Hargeysa, isagoo fariin xambaarsan!

Falanqeeyaasha siyaasadda gobolka ayaa rumaysan in dalka Maraykanka uu yahay awoodda siyaasadeed ee tamarta siinaysa dadaallada uu wado Dr. Abiy Axmed.

Haddaba, su’aasha taagan ayaa ah, waa maxay danta uu gobolka ka lee yahay Maraykanka?

​Maraykanka waxuu ka hortagayaa fiditaanka awooda ganacsi, iyo ciidan ee Shiinaha iyo Ruushka ee Geeska Afrika. “Moscow waxay isha ku haysaa dekedda Berbera ee Soomaaliya, inkastoo Danjire Mikhail Golovanov ee fadhiya dalka Jabuuti uu dafiray in dalkiisu daneynayo saldhig ciidan inuu ku yeesho Berbera. Ruushka ayaa sidoo kale, horay u muujiyay xiisaha uu u qabo in laga dhiso xarun taakulayn dhanka maraakiibta ah dalka Eritrea” ( The New York Times January 28, 2020).

Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo dareemay inay meel cidlo ah uga dhaqaaqeen Imaaraadka Carbabta ayaa booqasho kedis ah ku tagay dalka Jabuuti. Waxaan shaki ku jirin, in siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya ay dhaawac weyn gaarsiisay Imaaraadka Carbabta iyo xulufadii ay ku lahayd gudaha Soomaaliya.

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

One comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s